SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

27 da Juun Maalinta Xorriyada Jabuuti.


Dowladda Jabuuti ayaa maanta u dabbaaldagtay sanadguradii 31-aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyaddeeda qaadatay, iyadoo guud ahaan dalkaas laga dhigay xaflado waaweyn.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadal ka jeediyay guriga Ummadda, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay xaalada Somalia, isagoo sheegay in dhibaatada ka jirta ay xanuun badan ku hayso.

"Somalia waxaan u qabannay shirar badan, waxaana rajeynayaa in wixii hadda ka dambeeyay ay madaxdoodu ka faa'iidaysan doonaan heshiisyada ay galeen" ayuu Geelle u sheegay dadweyne Reer Jabuuti ah oo xafladdii maanta ka qaybqaadanayay.

Jawiga Jabuuti oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxaa isugu soo baxay waddooyinka dalkaas dadweyne badan, iyagoo ay ka muuqatay qiiro aad u badan.

Shacabka dalka Jabuuti ayaa waxay si weyn ugu sacbiyeen hadallada ku saabsan arrimaha Somalia ee uu u jeediyay Geelle, iyagoo ku tilmaamay hadalladaan kuwo loo riyaqo..
"Mar walba waxaan u tagananahay shacab iyo xukumad inaan gacan siinno walalahena Reer Somalia" ayuu mar kale yiri Madaxweyne Geelle oo intaas ku daray in dhibaatadu ay tahay mid ay jecel yihiin inay dhamaato.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Isbahaysiga Asmara ee ku sugan dalka Jabuuti, kuwa ku maqan Eritrea iyo sidoo kale DF inay qaataan go'aanno ay ku nabadeynayaan dalka Somalia oo in ka badan 18-sano ku jiray dagaallo sokeeye.

Mar uu ka hadlay dagaalka u dhexeeya iyaga iyo dalka Eritrea ee ay dariska yihiin, ayuu sheegay Madaxweynaha Jabuuti in dalkooda ay difaacan doonan, isla markaana aysan cidna ku gardarroonayn, balse weerar walba ay iska difaaci doonaan.

Ra'iisul wasaaraha Jabuuti Dileyti Max'ed Dileyti oo ka hadlay khilaafka labada dal ayaa isagana sheegay in Eritrea ka waddo dhaqdhaqaaqyo ciidan xuduudda ay wadaagaan, ayna dunida tusayaan gardarradan.

Hadaba Dhamaan soomaalida qurbaha ku nool oo dhan waxay dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan shacabka reer Jabuuti, Madaxweynaha iyo Golayasha xukuumadda, anagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 27-ka Juun oo ah maalintii ay xornimada qaadatay dalka Jabuuti,waxaanu ugu hambalyeeyneynaa Jabuuti in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan farxad iyo barwaaqo.

Si Kastaba ha ahaatee Jabuti ayaa xorriyadii qaatay sanadkii 1977-kii; isagoo ka xorobay dalka Faransiiska, wuxuuna ka mid yahay cadadkii loo kala jarjaray Soomaalia xilligii gumeytayaasha Reer Yurub ay qaybsadeen Afrika.sidoo kale waxaan meesha ka marneen dadaalka ay ku rabaan inay dawlad soomaaliyeed mar uun dhalato annagoo og in dadka reer Jabuuti ay hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin walaalahooda Somalida.

Mohamed Ismail
mismacil@Live.co.za
SomaliTalk.Com

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS