SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki oo Taageerya la fududeeyo dhaqdhaqaaqa xor ee gobalka bariga Africa.

Madaxweyne Kibaki ayaa waxaa uu taageeray wada xaajoodka socda ee u dhaxeeya xibnaha bariga Africa si loo dajiyo baratakool si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa xor oo aay yeeshaan dadka badeecadaha iyo adeegyada gobalka bariga Africa.

Madaxweynaha ayaa hadalkaaan waxa uu ka sheegay kulanka 9aad ee aay ku leeyihiin wadamada bariga Africa magaalada Kigali ee caasimada Rwanda.

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ku nuuxnuuxsado in wada xaajoodkii ahaa baratakoolkan suuqa guud uu bilaabmay marka la soo gabagabeeyana bartakoolkan uu fududayni doono dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Dadka shaqaalaha adeegyada iyo raasimaalka ayuu yiri Madaxaweyne Kibaki.

Kulankani oo maalintii shaly aheyd ka furmay magaalada Kigali ee xarunta Dalka Rwanda ayaa waxa uu yahay kulan aay leeihiin wadamada Barga Afica isla makaana loga hadlayo maal gashig iyo in la furo dhaqdhaqaaqa wadamada bariga Africa haddii aay ahaan laheyd ganacsiga iyo waxyaabaha kale.


Dalxiiska iyo waxyaabaha Dalka Kenya uu u dhoofiyo Dalka Mareykanka ayaa la filayaa in uu kor u kaco

Gaar ahaan Ubaxa ayaa la filayaa loo dhoofiyo Mareykanka ayaa la filayaa in uu kor u kaco ayadoo oo aay ugu wacantahay heshii ogolaanayo duulimaadka tooska ah ee u dhaxeeya labada dal muddo sanado gudahood ah waxaa sidaasi sheegay Danjiraha u fadhiya dalkani Kenya Dalka Mareykanka Machel Renabagar.

Wasiirada Gaadiidka ee labada dal ayaa waxa aay saxiixeen duulimaadka toos ah oo u dhaxeeya dalkani Kenya iyo Mareykanka tadabaadkii aanu soo dhaafnay taasi oo ka danbaysay booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga uu ku tagay dalka Mareykanka.

Duulimaadyada tooska ayaa waxaa uu fuduayn karaa in dalkani Kenya uu u dhoofiyo ubaxa suuqyada Mareykanka halkaasi oo si aad ah looga baahanyahay ayuu yiri Machel Renabagar Danjiraha Mareykanka u fadhiya Dalkani Kenya.

Sida laga soo xigtay ururka Dalxiiska ee Dalkani Kenya in sanadii 2007da aay dalkani Kenya u imaadeen Dalxiis, dalxiisayaal gaaraya 101,879 isla markaana sanadadii ka horeeyay aay soo gaareen ilaa iyo 86,528 goobaha Dalxiiska ayaa ayada waxaa si wayn u ragaadiyay rabshadihii doorashada.

Ranabager ayaa waxa uu sheegay in 12 bilood ee fooda inagu soo haysa in Dalka Mareykanka uu noqon doono isha dalxiiska ee ugu balaaran dalkani Kenya haddii la helo duulimaad toos ah.


Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa Tel 254723834419

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS