SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Munaasabad lagu maamuusayay maalinta xorriyada gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya oo ka dhacday xarunta Isbahaysiga ee Asmara 

      Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta xorriyadda ee gobolada waqooyi dalkeenna ayaa maanta lagu qabtay xarunta isbahaysiga ee magaalada Asmara. 

      Munaasabadani oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa kasoo qayb galay kusimaha gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreyta Soomaaliya mudane Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, kusimaha gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga mudane Xuseen Maxamed Caydiid, gudoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, dhammaan xubnaha labada gole Isbahaysiga ee ku sugan magaalada Asmara iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi. 

      Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay kusimaha gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya wuxuu ka waramay ahmiyadda ay maalintani u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay in guusha 26ka juun ay ku timid midnimo iyo iskuduubni, wuxuuna intaasi ku daray in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay adkeeyaan iskuduubnidaas. 

      Kusimaha gudoomiyaha Isbahaysiga mar uu ka hadlayay marxalada uu haatan dalka ku sugan yahay ayuu xusay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhibaato ku hayaan ciidamada gumeysi doonka ah ee itoobiya, kuwaasi oo aan marnaba ogoleyn ayuu yiri nabad ka islaaxda guud ahaan dalka Soomaaliya, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay meel uga soo wada jeestaan dib u xoreynta dhulkooda iyo sidii dalka looga saari lahaa xabashida xoogga ku qabsatay iyo kuwa u adeegaya cadowga ummadda Soomaaliyeed. 

      Ugu dambeyntii kusimaha gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Mudane Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi wuxuu hambalyo ku aadan munaasabadaasi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan guul iyo horumar. 

      Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay kusimaha gudoomiyaha golaha dhexe mudane Xuseen Maxamed Caydiid iyo gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo labaduba ku dheeraaday taariikhdii iyo halgankii loo soo maray maalinta xoriyada ee gobolada waqooyi waxayna munaasabadan awgeed hambalyo u direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo ay u rajeeyeen in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo xornimo taam ah. 

      Xafiiska warfaafinta ARS 

      Asmara    June 26, 2008

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS