SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 26 JUNE

26ka Juun Maalin Ciishotay Balse Mudan Maamuus iyo Damaashad!!!

Gogoldhig

Waxaa mahad leh Allaah sareeye guusha siiyay Aabayashii usoo dagaalamay Halganka Xoriyada, kadibna waxaa mahad mudan Halgamayashii dhiigooda u huray difaaca, diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

26ka Juun 2008 - Maalmuhu waa isku mid uun ma kala qiimo badna, waase ay kala duwan yihiin, haday tahay dhererka,cimilada iwm, mana aha maalmuhu kuwa qaabeeya ama jaan-gooya sida ay u eekaanayaan ama waxa dhacaya ee waxtar iyo waxyeelo labada noqon kara, waxase kala jaad-jaad ka dhiga oo kala duwa hadba qofku sida uu isagu u suntado, isaga oo Sal uga dhigaya Balo iyo Barkhad, Nolol iyo Geeri iwm ee uu isagu muto !!!

Ma jiraan Maalmo qaloocaa,ma jiraan Maalmo toosanina , ma jiraan kuwa Cadi kuwa Madoobina ma jiraan , haba sheegin kuwo Irmaani, kuwo gudhana haba soo qaadin ,ee waa kolba sidaad ka dhigato adigu ee aad u muunadaysato ama u ilo-xidhato iyo waxa aad ku beegto, ama ku dul xidhato ama ku dultosho si ay uga muuqato maalmahan aan kala go-a lahayn ee aan bilowgooda iyo dhamaadkooda toona cidi garan karin.

Taarikh Kooban.

Hadaba hadii aan dib u bildhaansado maalintan maantan oo kale ah, iyo 48 sano ka hor waxa dhacay, waxay tahay maalin inooga duwan maalmaha kale ee badan, waa maalin 26 Juun oo ah maalintii ay xurimada Qaateen gobolada Woqooyi ee dalka Soomaaliya ayaan lahayn saan saan weyn oo lagu xuso guud ahaan dalka gaar ahaan gobolada waqooyiga Soomaaliya

26kii Juun 1960, waa maalintii aynu gobanimada helnay, waa maalintii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin.

26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday. Waxay ahayd maalin dhalinyaro badani ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.

Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii SYL iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah.

Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Waqooyiga Soomaaliya oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Koonfurta Soomaaliyana ay qaadato 30ka Juun, Kowda Juulayna ay noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun, waxa weli aan xoroobin Soomali Galbeed iyo NFD oo ay sugayaan labada Maalmood ee 28ka iyo 29ka Juun.

Taasi waxay ina tusaysaa in israacu ahaa mid lagu doonaayey in lagu helo shanta dale e Soomaaliyeed ee aanu ahayn mid ku kooban labadii mataanoobay.

26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay.

Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba lana maamuuso ciddii ku dhimmatay, kuwa ku agoonoomay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.

26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.

Aan jaleeco macaanka gobannimadu leedahay. Bal dhuux, ereyada macaan ee ku jirta heesaha caanka ah "Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn"

26 Juun waxaay ahaan jirtay Mid ka mid ah maalmaha ugu xiisaha badan isla markasan ugu taaqriiqda wanaagsan marka la eegayo dalka Soomaaliya hasa yeeshee ayaaneey muuqan wax is badal ah oo ay ka sameeysay dalka Soomaaliya maanta oo ku beegan 26 Juun sidoo kale Meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo aysan ka jirin wax hadal heyn ah oo la xirirta munaasibadasi halka goobo badan oo dalka ka mid ah isla markaan si weyn looga xusi jiray aaneey jirin wax qaban qaabo ah ama diyaar garoow arintaasi la Gobo Badan oo astaan u ahaa qaranka Soomaaliyeed ayaan u muuqan talaabo ama diyaar garoow arintaasi loogu xafladeeynayo.

Dad Badan oo qaar ka mid ah ahaayeen Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku tilmaameen maalintaan in ay tahay mid ummada Soomaaliyeed ku weyn isla markaana ay mudan tahay in qalbiga lagu hayo maadaama ay tahay maantii ugu horeeysay ee shacabka Soomaaliyeed ay iska ridaan Heeryadii gumeeysiga.

Magaalada Hargeysa oo aheeyd halkii ugu horeysay ee laga taago calan ay ummada Soomaali leedahay kadib markii ay iska dul qaadeen gumeeysigii ingariiska ayaa waxaan laga xusin maalintan mana jirto wax arintaasi la xiriirta oo laga dareemayo magaaladaasi ama Gobolka Waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in shaqalaha dowlada La fasaxay iyadoo loo tixraacayo in maalin un ay qaateen calan madaxbanaan balse wax munaasibad ah iyo weliba farxada laga dareemayo magaalada Hargeysa ma jiraan sida maalinta 18 May oo si weyn looga dabaal dego Hargeysa iyo Magaalooyin kale oo dhulka Maamulka la magac baxay Soomaali land.

Si Kastaba ha ahaatee maantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday ,oo Xabashi Afqarmuune uu Xamar oo ah caasimadii dalkii Soomaaliya ay dhaxmushaaxeyso sidii gumeystihii cadaanka ahaa ee laga suuliyey 48 sano ka hor Ma jiraan wax hadal ah oo arintani la xiriira oo ka soo baxay dowlada Daba Quudhiga ah Soomaaliya oo Caalamka u aqoonsan yahay in ay tahay dowlada Sharciga ah ee ka arimisa dalka Soomaaliya sidoo kale ma jiraan wax xaflad ama diyaar garoow ka socda xarunta Vila Soomaaliya oo aheeyd halka sida weyn loogu dabaal degi jiray maalinta 26 Juun ayaan jirin wax arintaasi la xiriira oo ay dowlada ka sameeysay, iyo Xarunta Baarlamaanka ee magalada Baydhabo ayaan wax arintaasi la xiriira iyo u dabaal dega munaasibada maalinta 26 Juun oo ku beegan maalintii ay gobolada Woqooyi ka qaateen xuriyada dalka Ingariiska afartameeyo sano ka hor.Hadaba miyeysan ahayn maanta oo kale mid mudan maamuus iyo dabaal dagyo guud ahaan laga sameeyo dalka oo dhan gaar ahaan Waqooyiga soomaliya oo ah halkii ugu horeysey ee calan soomaali leedahay laga taago,

Guul Alle iyo Gobannimo

Mohamed Ismail

mismacil@live.co.za

Johannesbrug

South Africa

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS