SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Raggu Naaga jecelaa ????

Maqaalkaan oo ah mid lammaane oo la xariirsan maqaalkii hore ee Dumarkuna u roonaa???? ayaan waxaan kaga hadlayaa xuquuqda looga baahan yahay in ay haweeneyda muslimada ah ninkeeda kula dhaqanto siiba kuwa Soomaalida ah.

waayahan bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxaa ku badatay in haweenka soomaaliyeed ay raggooda ku madax adeygeen oo ay lunsheen daaciddii rabi faray in ay raggooda adeecaan .
Taasna waxay ka qaateen dhaqamada reer galbeedka oo u dooda xorriyadda haweenka ama ( famminist) !!!

kadib ayaa waxaa badatay in haweenkii raggooda ka eryaan guryahoodii si joogto ah, oo ku danbeeyaan in ay kala tagaan(furiin)ama ay ragga guryahoodii ka eryaan si ku meel gaar ah oo laga yaabo in uu bilo ama sanooyin ay ka maqnaadaan.

waxaa kaloo badatay in Haweenka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay iskugu faanaan Qurxinta guryahooda !!! Taas ooy dadaal badan ay ku bixiyaan Qurxinta gurigooda khaasatan fadhiga oo lagu sharxo kuraas & miisado& Armaajooyin saad ah oo qurux badan !!! Qaarkood fadhi carbeed holac ah oo kala midabo ah qaar loo yaqaano isdulsaar !!!! Ganbaro & maqaar la xardhay & dhagxaan qurux badan kama madhna , intaas waxaad ka daba tuurtaa maryo dhalaalaaya oo la huwiyey dhulka korkiisa iwm.
Waxaa kaloo caado la yaab ah dhalooyin qurux badan oo ama ubax qurxoon ku dhex jiro amaba faaruq ah lagu qurxiyo fadhiga ,taas ooy dhacdo in maalmo kadib habaas fuulo markaasna loo baahdo in usbuuciiba mar ama labo lagu tirtiro habaas bi'iye baal digaag ka sameysan ama duf jilicsan.

Waxaa kaloo aad loo qurxiyaa musqulaha fadhigooda ,daahyadooda, mutuneelkooda,meelaha la saaro saabuunta,shukumaanada iwm.

Xataa mararka qaarkood dhar loo tolo dhalooyinka lotion-ka amaba kartuunka klenex-ka ama waraaqaha afka la iskaga tiro.

Haddaba Akhristaheygoow waxaan la yaabay labo arrimood oo fajac i galisay:

1) Guryahaas quruxda badan oo haddii lagugu casuumo aadan ka dhex kaceynin ayaa haddana intooda badan(1) haawanaaya oo Raggii ka cararayaan si joogto ah amaba ku meel gaar ah.

2)Midda labaad ee aan la yaabay waxay tahay in Haweeneyda gurigaas iska lihi ay aad uga taxadarto nadaafadooda & xafiditaankooda.

Kadib waxaan i tusiyey dhaladaan guriga taallo ee usbuuciiba la tirtiraayo amaba la dhalaalinaayo, ee aan kuu mahadcelineynin kuna dareemeynin haddii aad duugto ama aad tuujiso.Sow ma habooneyn in ninkaaga Qalbigiisa kaa mudan yahay in aad tirtirto amaba aad dhalaaliso.

Maxaa yeelay ninkaagu dareem ayuu leeyahay oo haddii aad u dhimriso amaba aad dhalaaliso amaba aad Qalbigiisa dhawrto,calal aqal wuu kuu mahad celin amaba wuu ku jeclaan( Raggu naago jecelaa) !!!!
Wallasheydii soomaaliyeedeey.Marwadii sharafta badneydeey,ma waxad kale garan weyday qiimaha Ninkaaga & qiimeynta Alaabada aad gurigaaga ku qurxiso oo laga yaabo in aad ku soo gado lacag uu ninkaagu ku soo dhididay amaba maalintii aad soo gadeysay uu kula soo xamaalay !!!
Gurigaagu maalin ayuu qurux badan yahay waa marka ninkaaga oo farxsan uu dhex fadhiyo,dhaladii ubaxuna dhex taalo ,uunsigii dhulkii fooxana ka shidan yahay,carruurtaaduna Aabahood la qooqayaan.

Wallasheydii muslimadda aheydeey waxaan kuu dardaarmayaa labo xadiis oo nabigu haweenka muslimiinta ah u dardaarmay !!!

1) Nabiga wuxuu yiri Nnkh Xadiis macnihiisu yahay :( Haddii Haweeneydu shanteeda tukato , bisheedana soonto, ninkeedana adeecdo ,waxaa loo yiraahdaa sideeda albaab ee janada middaad doonto ka gal)ama sidaas oo kale ayuu yiri.

2) wuxuu kaloo nabigu yiri Nnkh : ( Haddii aan Ruux fari lahaa in uu Ruux kale u sujuudo ,Haweeneyda ayaan fari lahaa ninkaaga u sujuud) ama sidaas oo ale ayuu nabigu yiri.

Haddaba adigoo heli karaaya in aad sidaas fudud jannaddii Aakhiro ku shaqeysan karto ,maxaa kaa reebay wallashediiyeey in aad ninkaaga adeeci weydo .waan rajeynayaa in aad tukato ama aad soonto !!! se maxaa kaa reebay inaad qowlkii Rasuulka Adeecdo oo aad ninkaaga adeecdo !!!
Runtii wallasheyda qurbaha joogtaay in aad gurigaaga qurxiso ama aad cunto macaan sameyso waa wax haboon, se ku dar in aad ninkaaga Qalbigiisa dhawrto,sarriirtiisa gogosho,cunto macaan siiso,hadal fiican u xusho,dhar fiican u xirato,uunsi u shidato.

ka dhawr calooshiisa gaajo,dhagahiisa qeylo siiba marka uu gurigiisa ku soo noqdo maalin shaqo dhib badan kadib,indhihiisu in ay wax xun ku dhacaan,afkaaga ugu dadaal rumay,wajigaagana weyso !!!!
Markuu faraxsan yahay la farax.markuu murugeysan yahayna murugo tir.markuu kula tashado talo fiican u xul sidii talladii umunaa umu salamah dagaalkii xudeybiyah ay nabiga ugu dhimrisay !!!!
Jaceylku iskama yimaado is jecleysii sidaad dhalada u tirtireyso Qalbigiisa u tir tir ( raggu naaga jecelaa ,dumarkuna u roonaa ) !!!


fii amaani laah

sahid maxmed yusuf
USA,VA
sahid_yusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS