SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabdho Soomaaliyeed Oo Ku Go'doonsan Suleymaaniya

Gabdho Soomaaliyeed oo laga kaxeeyay magaalada Muqdisho, lana geeyay magaalada Suleymaaniya oo ah caasimada gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq kuwaasi oo la adoonsado, iyagoo lagu qasbay iney si lacag la'aan ah ugu shaqeeyaan qoysas Ciraaqi ah.

Wiilo Macallin Cabdulle oo ka mid ah gabdhahaasi ayaa sheegtay in rag isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo leh shirkad ay gabdhaha Soomaalida ah ugu qaadayaan magaalada Muqdisho iyaga oo loo sheegay iney shaqo u geynayaan dalka Suuriya, laakiin loo weeciyay dalka Ciraaq aqoon la'aan darteed, waxaana gabar walba laga qaaday Kun Dollarka Mareykanka.

Wiilo ayaa sheegtay in 12-ka gabdhood lagu wareejiyay shirkad Ciraaqiyiin ah taasoo midiiba ku iibisa Labo Kun Dollarka Mareykanka, iyadoo laga iibinayo qoysas Ciraaqiyiin ah si ay ugu shaqeysteen.

Sidoo kale gabdhan waxay sheegtay in sadax ka mid ah gabdhahaasi ay caloosha dilaacday kadib markii ay qaadeen Jiirigaano biyo ku jira iyagoo saaraya Daaro dhaadheer, kuwaasi oo dib loogu soo celiyay.

Si Kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ah mid murugo leh, iyadoo dad Soomaali isugu jira iyo Itoobiyaan ay ka ganacsadaan gabdhaha Soomaaliyeed sidoo kale Wiilo oo Wareysi siisay Idaacadda VOA laanta Afka Somaliga ayna ku sheegtay in aysan garaneyn sida ay ugu baxsan karaan, isla markaana ay tilmaamtay in aysan helin wax raashin ah oo wanaagsan.

Sii Akhri halkan

Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS