SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin:- Maxaad ka taqaan 26 juun iyo 1da luuliyo?
W/D Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufguduudow@hotmail.com

Maalinta oo khamiis waxa ay ku beegnayd 26 juun sanadka 2008 oo ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee maalintii ay gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka xaroobeen gumaysgiii cadaa ayna iska qaadeen heeryadii gumaysiga ee ingiriiska maalintaasi ayaa waxaa hoos loo dhigey calankii gumaysigii ingiriiska waxaana hawada ka babadey calanka baluuga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh ee jamhuuriyada soomaaliya waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid aha maansaddii KAANA SIIB KANA SAAR oo uu ola jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.

26 juun oo ah maalin qiimo iyo qadarin iyo weynaynba ugu fadhida dhamaaba bah weynta soomaaliyeed ee ku hadasha afka soomaaliga meel walba oo ay joogaan waxana 26 juun laga xusey sanadkan gobolo iyo degmooyin aad u fara badan oo ka tirsan soomaaliya waxaana ka mid ahaa meelihii laga xusey magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Magaalooyinka laascaanood, Ceerigaabo, iyo dhamaan gobolada ay ka kooban yihiin gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya sida Hargaysa,Burco,Boorama,iyo Berbera waxaa kaloo maalintaasi qiimaha iyo qaayaha leh laga xusey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya inkastoo aan laga xusin sanadkan magaalo madaxda dalka soomaaliya ee moqdisho hadana waxaa laga xusey magaalooyinka kismaayo baladweyne iyo gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyinkiisa oo laga dhigey munaasabado lagu wayneenayo xuska 26 juun oo ah maalintii ay gobonimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya.

1da luuliyo waa maalin ayana qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii somaliweyn.

Isku soo wada duuboo xusus kala duwan oo lagu weyneenayo maalmahan aya waxa ay ka dhaceen gobolo iyo dagmooyin fara baadn oo ku yaala dalka soomaaliya iyadoo maanta ay qaban qaabo aad u xoogan ka socoto magaalada caasimada ah ee moqdisho caawana lagu xuso doono xarladaas lagu weyneynayo markii ay xornimada qaateen gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ayna midoobeen labada gobol ee koonfure iyo waqooyi ayaa waxa ay ka dhacaysaa xurunta madaxtooyada ee villa soomaaliya halkaas oo lagu wado in uu cabdulaahi yuusuf kasoo jeediyo khudbad aad u xasaasi ah cabdulaahi yusuf waxa uu ka mid yahay raga ugu waa weyn ee ku jira siyaasada soomaaliya noolaana markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka soomaaliya intaas ayayna faaladii iiga eg tahay.

W/D Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufguduudow@hotmail.com
or Yusufyare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS