Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan oo
Maalmahaan Booqasho ku joogay Wadanka Masar ayaa Qudbad Dheer u jeediyay
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Masar

Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Mudane C/Qaasim Salaad Xasan ayaa Qudbadiisa ka
jeediyay xarunta Jamciyada Afrika ee Magaalada Qaahira,waxuuna ka hadlay
arima badan oo Quseeyo Soomaalida gaar ahaan isagoo Bartilmaamsaday
dhibaatada ka socota magaalada Muqdisho sheegayne in Ciidamada Itoobiya
ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya ay geesteyn dhibaatoyin badan iyo xad
gudubyo isugu jira Dil,Dhac,Barakicin iyo Kufsi ,waxuuna hadalkiisa sii
raaciyay in ay burbureyn adeegyada lagama maarmanka ahaay ee bulshada
Soomaaliyeed u baahnaayeen sida Goobaha Caafimaadka Waxbarashada iyo
waxiii la halmaala.
Sidoo kale Mudane C/Qaasim, waxuu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka
jira Soomaaliya in ay qayb ka tahay dowlada Maraykanka oo doonaysa in
Shacabka Soomaaliyeed ka aar gudato markii ay ku fashilantay Dagaalkii
ay la galayn SNA xiligii Shagaashamadki.
Dr C/Qaasim ayaa sido kale sheegay in dhibaatada haysato Shacabka
Soomaaliya ay gacmahooda ku keensadayn qaybna aykeyneyn dowlada
shisheeye oo uu markaasi carabaabin, waxuuna shacbaka Soomaaliya ugu
baaqay in ay ka shaqayaan midnimada iyo jiritaanka Qarnimada Soomaaliya
taas oo ayna jirin wax ka fiican oo laga shaqeeyo.
Waxaa sido kale mar wax laga weydiiyay Dr C/Qaasim Salaad Xasan Shirkii
Jabuuti ayaa ku Jawabay sharka jabuuti bilaaw ayuu ahaay waxaan sugaynaa
dhamastirkiisa ka dhici doona Wadanka Sacuudi bisha soo socoto.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa halkaasi su'aalo dhowra ku
weudiiyeen Ardayda wax ka barata Wadanka Masar iyo Jaaliyada
sooomaaliyeed waxuuna su'aalahooda mid mid uga jawaabay ayago ku Qancay
jawaabihii uu bixiyay Dr C/Qaasim Salaad Xasan.
Igu danbeyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u mahad celiyay
Wadanka Masar,isagoo dhahay wadanka masar waxay Door weyn ka Ciyaartay
arimaha Soomaaliya,aydoo ku bixisay xoog iyo xoolaba xoriyada Wadanka
Soomaaliya waxuuna hadalkiisa ku daray Masar waa dowlada Afrika iyo
Wadamada Carbta u sida Calanka .
Raage Cali Dheere
raagenews@hotmail.com