SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamo kasocdo wadanka Nigeria oo midowga Africa uu sheegay in ay tagi doonaan Dalka Soomaaliya isbuucyada oo socdo.

qore: Najax Maxamed Cali.

Barigye Ba-hoku oo ah Afhayenka Ciidadamada AMISOM ayaa sheegay in dhawaan lafilaayo ciidamo kasocda wadanka Nigeria oo katirsan kuwa nabada ilaalinta ay yimaadaan wadanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenku in Soomaaliya ay horay usoo gaareen koox kasocoto wadanka Nigeria taaso gogal xaar u ah ciidamada ka imaanaayo Nigeria eena la filaayo in aay soo gaaraan wadanka soomaaliya Isbucyadaan soo socdo kuna soo xigsadaan wafdigoodi kasoo horeeyay.

Ururka Midowga Africa ayaa isna horay u sheegay in Ciidamo ka socda wadamo ay kamid tahay Nigeria oo nabad ilaalin ah loo soo dirayo dhawaan Dalka aay dhibaatadu haysoto ee ku yaalo bariga Qaarada Africa ee Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay Afhayeenku in ciidamada Amison ee hada kusugan Soomaaliya aay qabtaan howl wanaagsan asagona mar wax laga weydiiyay waqtiga aay ugu danbeyn soo gaarayaan ciidamdaan Naajeeriyaanka ah ee soomaaliya laga filaayo imaanshahooda ku jawaabay, waxa ay imaanayaa isbuucyada nagu soo fooda leh.

Midowga Afica ayaa horay ugu balan qaaday Soomaaliya in ay u soo diraan 8,000 kun oo katirsan Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa kana kala imaanaayaa wadamada Africa.

Horay ayaa waxaa soomaaliya uso gaaray qaar katirsan ciidamada Midowga Africa ee loo yaqaano Amison kuwaaso ka kobnaa in kabadan 2000 labo kun oo askari.

1600 oo askari waxa ay kayimaadeen wadanka Yugaandha oo ahaa wadanki ugu horeeyay ee usoo diro ciidamo ku socda magaca Midowga Africa Dalka Soomaaliya ayadoo aay jirtay xaalad adag balse waxaa ay lakulmeen dhaleeceeyn katimid qaar katirsan xoogaga hubeysan ee kasoo hor jeedo dowlada soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, kadib marki ay Ciidamada Itoobiyo Diyaaradahoda wax duqeeyo aay isticmalen Gooronka Diyaaradaha ee magaalada Muqdhisho oo ay Ciidamada Yugaandha ay xiligaas gacanta ku hayeen.

sidoo kale waxaa iyagana so labeeyay oo ciidamo gaaraayo 600 oo askari uso diray soomaaliya wadanka Burundi oo asna katirsan wadamada ku yaalo qaarada Africa.

Waxeeyna ku kala sugan yihiin ciidamadaas ka socdo wadamada Yugandha iyo Burundi ee Soomaaliya ujoogo nabad ilaalinta gobo mucayin ah kuwaasoo kala ah, Xarunta uu dagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ee ah Madxtooyada Qaranka, Dekeda iyo Garoonka Magaaladaan Muqdhisho iyo waliba isgoyska Km4.

Amison oo ah ciidamada midowga Africa ayaa iyagu waxa markii hore lafilaayay in aay badalaan ciidamada Dowlada Itoobiyo oo kusoo galay wadanka soomaaliya Dagaal aay kula jireen kuwii midowgii maxaakimta Islaamka oo markii danbe ay kasaareen Inta badan Konfurta iyo Bartamaha wadanka Soomaaliya.
balse Dagaalo aay kala kulmen xoogaga ku kacsan Dowlada FKG ayaa waxaa ay kaliftay in aay awoododa ciidamada Amison noqoto mid xadidan oo aan dhaafsiisaneyn inta badan meelaha ay kahowl galaan

Captain Barigye Ba-Hoku Afhayeenka ciidamada Amison ayaa sheegay in hadii aay yimaadan ciidamada wadanka Nigeria ay qaban doonaa wax wanaagsan, markaasna ay howshu usocon doonto sidii lobaahnaa.

imaansha ciidamadaan ayaa waxa ay kusoo aadayaan ayado 08/06/2008 lagu soo gaban gabeeyay wadanka Jamhuuriyada Jabuuti shirki dib heshiisinta ee udhaxeeyay Dowlada FKG wafdigii kasocday iyo wafdi kale oo asna kasocday Isbaheysiga dib uxoreynta soomaaliya kaasoo lagu heshiiyay qodobo dhowr ah oo uu kamid yahay in mudo 120 bari ah lagu qorsheeyo sidii ay itoobiyo oga bixi laheyd wadanka soomaaliyo loona keeni lahaa ciidamo aanan ladiidaneeyn oo ka imaanaayo wado ayaynan soomaaliyo kadhaxeynin xurguf colaadeed.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
Emails: najax@journalist.com, najax.usa@hotmail.com
Tells: +254-722-844-449: +254-738-460-007
Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS