SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulamo Ay Wada Yeesheen Waxgaradka Degmada Baardheere Iyo Masuuliyiin Ka Socotey Ururka Islaamka Al-shabaab

Wararka naga Soo Gaaraya degmada baardheere Ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya In kulamo isadaba jooga oo ay dhowaanahanba Lahaayeen Culimo-Udiinka ,waxgaradka Iyo Odayaasha Gobolka Geddo iyo Qaar ka tirsan masuuliyiinta Ururka islaamka Ee Al-shabaab ay isku af garteen in Gobolka Geddo Laga Sifeeyo Isbaarooyinka iyo waxii wax u dhimaya Shareecada islaamka .

Sida Uu Saxaafada U sheegay Gudoomiyaha Degmada Baarhdeere Maxamed Xirsi dhudi Ayaa Tibaaxay inay Kulan Qaatay Dhowr Cisho la yeesheen masuuliyiin Sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab islamrkaana ay isku af garteen sidii loo wada samayn lahaa Horumar dhinaca amniga ah islamrkaana Laysaga Qaban lahaa waxyaalaha Dibaatada amni Darada ah keena sida Isbaarooyinka Iyo Burcada caadaysatay Dhaca Dadka iyo gawaarida isaga kala Goosha gobolada deriska la ah degmadaasi .

Sidoo kale masuuliyiinta Al-shabaab ayaa maalmihii Nasoo Dhaafay waxay Meel fagaare ah kala hadleen Shacabka Degmada baardheere iyagoo Ku Booriyey inay Taageeraan shareecada isaamka islamrkaana Garab istaagaan Xoogaga doonaya in Kutubka ALLE kor loo Qaado .

Dhinaca kale Masuuliyiinta Ka socotey Ururka Al-shabaab Oo Uu Hogaaminayo Sh xasan yacquub ayaa La sheegay Inay halkaasi Ka aas Aasi Doonaan Ilaalo Wax ka tarta dhinaca amniga iyadoo la sheegay in Mudooyinkii Ugu dambeeyey ay halkaasi kausoo badanayeen Burcada Hubaysan Ee Dhuljiifka Loo Yaqaano.

Si kastaba ha ahaatee Dadka Ku dhaqan degmada baardheere ayaa Soo dhoweeyey Hadalada Masuuliyiinta Ururka islaamka Al-shabaab iyagoo Mudooyinkii Ugu dambeeyey ay soo wajahday deegaanadaasi Burcad Hubaysan Oo dhac U gaysanayey dadka Iyo Gawaarida isaga Kala Goosha deegaanada Gobolka Geddo iyo gobolada Ku xeeran .

Magaalada kismaanyo Oo La Sheegayo Inay Ka Dilaaceen Burcad Ku Hubaysan Tooriyo Oo Dhac Gaysnaya

Xarun Goboleedka Jubada Hoose ee magaalada kismaanyo ayaa la Sheegayaa inay ciir Ciirayso Burcad ku Hubaysan Tooriyaha iyo weliba Hubka qarxa inay Kusoo badanayaan islamrkaana Beegsanayaan Haweenka Soo doona adeegyada kala Duwan iyagoo weliba gaysanaya Dhaca Bulshada kala Duwan Ee sita Agabka alaabeed ee Muhiimka ah .

Cabdi Risaaq oo kamid ah dadka deegaanka degmada kismaanyo ayaa saxaafada U xaqiijiyey inay dhowaanahan Kusoo kordheen magaalada kismaanyo Tuugo ku hubaysan Tooriyo oo Badanaaba Beegsanaya Haweenka Xiliga ay Adeegyada Soo Doontaan islamrkaana ka qaadanaya waxyaalaha ay Xiligaasi Ugu Muhiimsan .

Sidoo kale Xarunta Jubada Hoose ee kismaanyo ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa sifayn dhinaca amniga ah ka wadey Ciidamada maamulka degmadaasi ka arimiya taasoo la sheegay inay Ku Guulaysteen dhinacyo badan waloow aysan dhamays tirin amaanka degmadaasi kismaanyo

Xaalada xarunta Jubada Hoose ee kismaanyo oo ay ka jiraan xarig jiidad siyaasadeed oo U dhexeeya Beelo wada dega deeganka jubooyinka ayaa mudooyinkii Ugu dambeeyey laga soo sheegayey amni xumo Xoogan oo ay waxyeelo ba,an Loogu gaysnayo dadka rayidka ah ee Biri ma gaydada ah


Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS