SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR MURTIYEED 

      Sida la wada ogsoon yahay, laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii 2006dii wax aa loo geystay Soomaaliya masiibooyin shisheeye soo maleegay oo ay sii murgiyeen hagrasho iyo danayn la ‘aan adduun weynaha oo dhegaha ka furaystay baaqyo isdaba jog ah ee hay’adaha Sama-falka iyo catawga Soomaalida la bara-kiciyay oo tabaalaysan intaba. 

      Haddaba, hay’adaha Isbahaysiga Dibu Xoraynta Soomaaliya, guddiyada Fulinta iyo Joogtada ee Golaha Dhexe oo jooga Xarunta rasmiga ah ee Isbahaysig, Asmara, Eritrea, wax ay caddayeen arrimaha soo socota, iyadoo weliba la sugayo shir degdeg ah ee Golaha Dhexe oo isu-dhan, kuna muddaysan in uu bilaabmo 3 July 2008 oo qaadan doona go’aamo u gaar ah. 

Wixii Dhacay: 
 

  1. Kadib in ka badan toban iyo lix sano oo ay dalka ka jireen qabqablayaal dagaal, kooxaysi iyo xukuumad dhexe la’aan, bay dadka Soomaliyeed oo ay hoggaaminayeen Golaha Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliyed wax ay kasbadeen nabad iyo degganaansho inta badan dalkooda, kuse ekayd muddo gaaban (june-Disembar 2006). Taas oo u muujisay daka Soomaaliyeed nal rajo ka sii iftiimayay jid dheer (tunnel) oo lagu gaari lahaa nabad waarta, amni iyo dibu dhis lagaga soo kaban lahaa burburkii dheeraa. Intaas oo horumar ah wax aa gaaray Soomaalida keligeed iyado aan adduun weynaha waxba kaga bixin. Hase yeeshe, ayaan darro, quwado iyo canaasiir ay dawladda Maraykanka ee Bush hormuud u ahayd baa massiibo u arkay nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed gaareen.
  1. Markaa kaddib colaad gar darro iyo duulimaad lid ku Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed baa la soo abaabulay oo dalka lagu qabsaday. Wax aase ka darrayd oo noqotay ka dar oo dibi dhal in dawladda Maraykanka ee Bush u wakiilatay fulinta duulimaadkaa ‘Ethiopia’ oo ay dadka Soomaaliyeed col ahaayeen in ka badan shan qarni iyo badh.
  1. Iyadoo hadda sannad guuradii labaad ee haysashada Soomaaliya ay soo dhow dahay bay ciidamad cadowga ‘Ethiopia’ wax ay dul fadhiyaan  burburka Soomaaliya iyagoo fulin kari waayay xadgudubyadii loo wakiishay.
  1. Tan iyo waqtigaa Soomaaliya wax aa haysta ciidamada ‘Ethiopia’ oo Maraykanku u wakiishay, reer galbeeka kale taageeraan. Wax ayna si joogto ah uga galaan dadka Soomaaliyeed dembiyi dagaal oo xasuuqineed (eeg lifaaq – Brief Update).

Kaddib markii ay ciidamada ‘Ethiopia’ ku guul daraysteen hawl galladii loo wakiishay oo ay muquunin kari waayeen xoogagga wax iska caabinta ee qaranimada Soomaaliyeed ee goobaha dagaalada, bay taageerayaashooda reer galbeedku qorhseeyeen mu’aamarat waan-waaneed oo marin habaabin ah loona wakiishay hay’adda Qaramada Midoobay (QM), hay’addaas oo tan iyo intii madaxeeda loo magcaabay Ban Ki-Moon noqotay qayb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka. 

Waan-waantaa marin habaabinta wax aa wada wakiilka Ban Ki-Moon oo u qaybsan arrimaha Soomaaliya, Safiir Abddalla oo hadda noqday ‘Paul Bremer’-ka cusub oo dhex ordaya dawlad ku-sheegga  daba dhilifka ‘Ethiopia’ oo lagu magcaabo ‘TFG’ awoodse aan la ahayn, magac Soomaaliyeedna huwan iyo kuwa ku biiray oo ka mid ahaa Isbahaysiga Dibu Xoraynta Soomaaliya oo danaysi ku raad sanaya dhiiggii naftood hurayaashii u shahiiday dibu xoraynta dalka.

Waan-waanta ma in habaabinta wax aa ka mid ah iyadoo dhibaatada keli ee Soomaaliya ay tahay haysashada Soomaaliya oo loo wakiishay ciidamada cadowga ‘Ethiopia’ waan-wwanta laga dhex wado laba kooxood oo Soomaaliyeed meeshaba sooma geli karto iyadoo aysan muddo dheer jirin wax colaad ah oo Soomaali dhexdeeda haba yaraatee tan iyo intii dalka la qabsaday iyo kahorba iyo ka dibba. 

  Ujeeddooyinka loo abuuray waan-waanta marin habaabinta waa saddex: 

  1. Si loo daboolo fashilka ciidamada  ‘Ethiopia’ oo loo wakiishay haysashada Soomaaliya.
  2. Si loo sharciyeeyo sii joogitaanka hadda xaaraanta ah ee ciidamadaa kor ku sheegan. Wax aa sidaa marag u ah, waan-waanta marin habaabinta uu wad ‘Paul Bremerka cusubi/Safiir Abddalla wax aa lagu bilaabay Nairobi daba yaaqadi bishii Marso 2008. Saddex toddobaad kaddib Meles Zenawi wuxu ‘parliament’ u yaalkiisa u sheegay in ay ciidamadiisu joogi doonaan Soomaaliya intii uu asagu doono, cid ku beenisayna majirin ama ha ahaadeen taageerayaashiis reer galbeedka ama wakiilka QM oo wada waan-waan beeneedka, wax kasta oo ay ku micneeyaan kuwa saxeexay heshiis ku-sheeggaa.

Xubnaha  Isbahaysiga ka goostay oo isu dhiibay daba dhilifyada ‘Ethiopia’ wax ay oggolaadeen oo saxeexeen heshiis ku-sheeg aan la oggolaan karin oo ay la galeen daba dhilifyada u adeega gumaysiga ‘Ethiopia’ iyadoo ay ciidamadii cadowgu sidoodii dalka ugu sii jirayaan. Heshiis ku-sheeggaa ay saxeexeen wuxu si cad u qeexayaa hanjabaado gumaysi oo lid ku ah xooggaga wax iska caabinta iyo xaq u dirirka oo is dhiibi waaya iyo ciddii kale oo ka hor timaadda heshiis ku-sheeggaa, halka isla markaana la sii xoojinayo haysashada ‘Ethiopia’ ee dalka hooyo. Hanjabadahaa gumaystayaasha reer galbeedka dheg looma jalaqsiin doono wax kasta oo ka iman karaba. Waan-waanna lala yeesho daba dhilifyada u adeega gumaysiga waa xaaraan, mana dhici karto, iskaba daa heshiis lala galo eh tan iyo inta dalka laga xoraynayo gumaysiga Xabashida.

Isbahaysiga Dibu Xoraynta Soomaaliya wuxu ka soo hor jeeda isku xidh bixitaan ciidamada gumaysiga ‘Ethiopia’ iyo kuwo kale oo shisheeye oo iyaga lagu beddelo. Maxaa yeelay ‘Ethiopian’-ku awelna u ma iman nabadayn haddana ma hayaan hawl nabadeed. Doodda taageerayaasha ‘Ethiopia’reer ee galbeedka oo ah in firaaq amni (security vacuum) dhici doono waa wax kama jiraan adduun weynaha lagu marin habaabinayo. Wax aanu dalbayna bixitaan degdeg iyo shuruud la’aan ee ciidamada gumaysiga ‘Ethiopia’. 

Ciidamo kasta oo shisheeye oo ka hawl geli kara nabad ilaalin Soomaaliya waa in ay Soomaalidu isku raac san tahay sida ay u shaqayn doonaan, iwm. Si aanay mar dambe u dhici karin wax yaabihii hore loo saluugay tan iyo waqtigii hawl galladii ‘UNOSOM’. 

 Ugu dambayn hal ku dhegga reer galbeedka ay ku tilmaamaan daba dhilifyada’TFG’ dawlad la aqoon san yahay waa magic beenaad maadaama aanu dadka Soomaaliyeed weligeed aqoonsan. Dawlad wax aa aqoonsi siin kara oo geliya dadkeed, taasna ‘TFG’ ma haysato.  

   XAAFIISKA WARFAAFINTA ARS

   ASMARA June 25, 2008 

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS