Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 Jun 2008.
Halgame N/Hure Sh Ibraahim Cabdalla oo Imaaraadka ku
geeriyooday
Gudoomiyaha jwxo oo Tacsi qaran u diray shacabka
Ogadenya.
Qaar kamid ah tacsida dhagaystaasha Radio Xoriyo ee
N/Hure Sheekh Ibrahim Cabdalla
Geneva Press Club oo xasuuqa Ogaadeenya shir jaraa’id u
qabanaya
Xildhibaan Feingold oo mar kale ka hadlay arrimaha
Ogaadeenya
Wasaarada A/dibada ee Sweden oo ka hadashay Ogadenya iyo
Wasiirka A/dibada ee Sweden oo suaalo ku saabsan
Ogadenya lagu weydiiyey Baarlamaanka Sweden.
======================
Halgame N/Hure Sh Ibraahim Cabdalla oo Imaaraadka ku
geeriyooday
Guddoomiyihii hore ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya JWXO, isla markaana lagu tilmaami jiray
Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Ogaadeenya Sh Ibraahim
Cabdalla, ayaa axaddii ku geeriyooday magaalada Abu
Dabay ee Isu Tagga Imaaraadka Carabta. Alla ha u
naxariistee Sh Ibraahim Cabdalla, oo da’diisu ahayd 67
jir, wuxuu xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee JWXO, wuxuuna
wali ku hawllanaa hirgalinta himiladiisii ahayd inuu u
halgamo sidii uu bulshada Ogaadeenya uga dul-qaadi lahaa
reeryada gumaysiga.
Sh Ibraahim Cabdalla wuxuu ku dhashay magaalada Qallaafo
sannadkii 1941, wuxuuna waxbarashidiisa ilaa iyo heer
jaamacadeed ku soo qaatay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Wuxuu xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee WSLF, sannadkii 1981
waxaa loo magacaabay wakiilka WSLF ee waddanka
Imaaraadka Carabta, hase yeeshee wuxuu ka mid ahaa
masuuliyiintii Ogaadeenya ee ugu horreeyay eek u gacan
saydhay siyaasadii majara-habaabinta ahayd ee lagu waday
halganka Ogaadeenya, wuxuuna ka mid noqday asaasayaashii
JWXO sannadkii 1984.
Sh Ibraahim Cabdalla waxaa guddoomiyanimada JWXO loo
doortay sannadkii 1991, isagoo xilkaas hayay ilaa iyo
sannadkii 1998. Arrimaha sida wayn loogu xusuusto Sh
Ibraahim Cabdalla waxaa ka mid ah weerarkii ay
ciidammada Wayaanuhu ku qaadeen bishii Febrawari ee
sannadkii 1994, kaasoo ay doonayeen inay ku dilaan isaga
iyo madaxd kale oo JWXO oo ka dhacay magaalada Wardheer,
arrintaasoo ay ka gadoodeen dadwaynaha reer Wardheer,
isla markaana horseeday in ciidammada Wayaanuhu ay
halkaas ku dilaan in ka badan 80 qof oo shacab ah, balse
ay ku guulaysteen in hoggaamiyahooda ka samata-bixiyaan
weerarkaas bahalnimada ah.
Sh Ibraahim Cabdalla wuxuu ahaa Qoraa can ah oo si wayn
wax uga qoray qadiyada Ogaadeenya iyo guud ahaanba
gobolka Geeska Afrika. Kitaabadii uu qorayna waxaa ugu
caansanaa labada Kitaab oo carabi ku qoran oo lagu kala
magacaabo “Jabkii Seddexaad ee Absiinaya oo uu Qoray
sannadkii 1982 iyo Tuxfatul Awfiyaa oo uu qoray
sannadkii 2001.
Alla ha u naxariistee Marxuum Sh Ibraahim Cabdalla wuxuu
noqon doonaa halgamaa iyo hoggaamiye ay taariikhdu xusi
doonto, isla markaana aan sinaba uga tirtirmi doonin
quluubta dadwaynaha Ogaadeenya iyo dadyowga neceb
dulmiga iyo isku dul-noolaanshaha.
Geneva Press Club oo xasuuqa Ogaadeenya shir jaraa’id u
qabanaya
Naadiga Warbaahinta ee Geneva ee dalka Switzerland ayaa
maalinta khamiista ee bisha Juun 26-ka tahay qaban doona
shir jaraa’id oo lagu soo bandhigi doono dhibaatada
xuquuqda aadanaha iyo xaalada bani’aadamnimo ee
Ogaadeenya iyo doorka ay Qaramada Midoobay ku leedahay.
Shirkan jaraa’id waxaa lagu soo bandhigi doonaa arrimo
ay ka mid yihiin dilka aan aaba-yeelka lahayn, jidhdilka
naf-gooyada ah, kufsiga dumarka, faraxumaynta carruurta,
xidhayga aan maxkamada lahayn iyo boobka hantida ee
ciidammada gumaysiga Itoobiya sida maalinlaha ah uga
gaystaan dalka Ogaadeenya.
Shirkan jaraa’id waxaa ka hadli doona xidhiidhiyaha
caalamiga ah ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya
C/qaadir Sulub Cabdi iyo madaxa qaybta Canada ee Guddiga
Xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya Fowsiya C/qaadir.
Shirkan jaraa’id ayaa lagu martiqaaday xubnaha
saxaafadda waddanka Switzerland iyo saxaafadda caalamiga
ah.
Xildhibaan Feingold oo mar kale ka hadlay arrimaha
Ogaadeenya
Xildhibaan ka tirsan Golaha Senedka ee waddanka
Maraykanka, oo lagu magacaabo Russell Feingold, oo ka
tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa warmurtiyeed uu
axaddii soo saaray, wuxuu si wayn ugu dhalliilay
siyaasada gurracan ee kaligii taliye Meles Zenawi,
isagoo dowlada Maraykanka ugu baaqay inay joojiso
kaalmada ay siiso maamulka Addis Ababa, isla markaana ay
ku cadaadiso sidii uu u joojin lahaa denbiyada uu ka
wado Ogaadeenya iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo
caqabadaynta hirgalinta hannaanka dimuqraadiyada.
Xildhibaan Feingold wuxuu warmurtiyeedkiisan ku sheegay
in sannadkii u denbeeyay oo dhan si wayn uga walaacsanaa
wararka ka imanaya Ogaadeenya ee sheegaya weerarrada ay
ciidammada Itoobiya ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya iyo joojinta uu maamulka Addis Ababa
Ogaadeenya ka joojiyay ganacsiga iyo gargaarka
bani’aadamnimo.
Wuxuu tilmaamay in ururrada maxalliga ah iyo kuwa
caalamiga ahiba ay sheegeen in ciidammada Itoobiya ay
gubaan tuulooyinka, isla markaana ay dadwaynaha ku
ururiyaan gobo tilmaaman iyadoo aan baad iyo biyo midna
lagu siinin goobahaas.
Xildhibaan Feingold wuxuu kaloo tilmaamay in sharciga
cusub ee Itoobiya u samaysay ururrada aan xukuumiga
ahayn uu caqabd ku noqon doono hawlaha ururradaas, isla
markaana uu hakid galin doono dadaalka loogu jiro
kobcinta dimuqraadiyada iyo daryeelka xuquuqda aadanaha,
iyadoo ururrada aan xukuumiga ahayn laga af-qaban doono
kaalmooyinka dhaqaale ee dibada uga iman jiray.
Xildhibaan Feingold ayaa dowlada Maraykanka iyo deeq
bixiyayaasha kalaba ugu baaqay inay dib u eegaan
kaalmooyinka ay Itoobiya siiyaan oo hubiyaan in
kaalmooyinkaasi gacan ka gaysan karaan dimuqraadiyada,
horumarka iyo xilkasnimada xukuumadda Itoobiya.
Hoggaamiyihii mucaaradka Zimbawe oo safaarada Holland
isu dhiibay
Hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee MDC ee
waddanka Zimbawe Morgan Tsvangirai ayaa isniitii isu
dhiibay safaarada Holland ku leedahay magaalada Harare.
Dhaqdhaqaaqa MDC ayaa horay u sheegay in booliska
Zimbabwe uu weeraray xarunta ay uu dhaqdhaqaaqu ku
leeyahay magaalada Harare, isla markaana uu la tagay in
ka badan 60 ka mid ah taageerayaashiisa oo ku
waxyeelloobay qalalaasaha Zimbabwe ka jira. MDC wuxuu
sidoo kale sheegay in malleeshiyo taageerta madaxwaynaha
Zimbabwe Robert Mugabe ay dileen 90 ka mid ah
taageerayaasha mucaaradka.
Tsvangirai ayaa axaddii sheegay inaanuu ka qayb qaadan
doonin wareegga labaad ee doorashooyinka madaxtinimada
dalkaas oo la qaban doono 27-ka bishan, isagoo tilmaamay
in tageerayaashiisu ay halis galayaan haddii ay
mucaaradka u codeeyaan. Hase yeeshee wuxuu isniintii
daboolka ka qaaday inuu diyaar u yahay wadaxaajood uu la
galo xisbiga waddanka xukuma ee ZANU-PF, haddii la
joojiyo buu yidhi weerarrada iyo dhibaatooyinka loo
gaysanayo taageerayaashiisa.
Dowlada Zembabwe ayaa sheegtay in Tsvangirai uu tartanka
doorashada ka baxay, ka dib markii uu ka baqay in
guuldarro ba’an ka soo gaadho
24 Jun 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB
ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida
5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari