SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wali ma innaagaaba is ogaanay?!..

Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.
allayaqaan99@yahoo.com

Waxaan maqli jiray iyadoo qofka riyooda subaxdii markuu soo tooso oo uu dadka uga sheekeeyo wuxuu ku riyooday la weydiiyo "Hadde riyadaadu ma rumoobi jirtay?!" laakiin ka waran haddii uu qofku Riyo soo-jeed riyoodo,waxaan u malaynayaa in riyada noocaas ah aysan u baahnayn in lays weydiiyo run iyo been midka ay noqonayso waayo qofka riyoonaya waaba uu soo jeedaa,... waa Riyo, laakiin nolosha qofka oo dhan baa riyo ku salaysan.

Mid ku riyoonay wax barashadiisa inuu heer sare ka gaaro,inuu
ganacsigiisa meel ka gaaro, inuu guursado oo uu dego aabe noqdo... hooyo noqoto, gobanimo gaaro oo ka xoroobo gumeysi uu ku jiro...Riyo soo-jeed waa rumowdaa!!...Waxa ugu weyn ugu weyn ee uu qofku meel ku gaarana waa inuu riyoodaa.

Wax kale igama aha waa iga su'aal, " Dalkeenii Soomaaliya ma la
qabsaday?!"waxaa laga yaabaa inaad adiga laftaada su'aashan qudheeda ama mid la mid ah ay marar badan madaxaaga ku soo noq-noqotay....Marna ma is tiri malaha waa riyadii Menelik waxa socda...Ma laga yaabaa in Itoobiya ay noqoto Israe-shii Geeska Afrika annagana aan noqono kuwo maalin kasta dhagax tuura oo isku qarxiya Itoobiaanka oo dalkeenii aayaha ugu noolaano si la mid ah sida xaalka Falastiin hadda yahay?!.... Mindhaa... Maya waxaas wax dhici kara ma aha...Yaa?!Wali ma innaagaaba is ogaanay?!...

Bal Maraykan muxuu innaga rabaa?!...Argagixiso inaan la daagaalanno, waliba Argagixisada isku si uma naqaan, kow, oo muxuu kaloo innaga rabaa inuu dhiso maamul xukuumad uu isaga ka raali yahay, ma la hubaa inay intaas tahay!... bal adigu wad oo qalin iyo waraaq qaado oo qor!... amuusan intaasba rabin?!...

Amxaaro maxay innaga rabtaa?!... In lala sugo ammaanka guud ee gobolka si ay u xaqiijiso ammaanka dalkeeda,... laakiin Kililka 5aad nabad looga seexan maayo, ilmihii yar-yaraa ee u dhashay hashoodii caano looga soo liso maayo, ceelkii ay ka cabbi lahaydna ciid baan lagu rogayaa, Soomaaliyana saxiibkeedaan ahay in dowlad loo dhiso oo ay nabad noqotaan rabaa, labadaas ma is keenayaan?!... ama iskaba dhaaf Kililka 5aad waligeedba silic dilyadaas Itoobiya waa ay ku haysayee Soomaliya inay dowladnimo la rabto ma dhab baa?!...maxaa akloo ay innaga rabtaa? bal adigu qalin iyo waraaq qaado oo qor maxay innaga rabtaa?!...

Talyaani muxuu innaga rabaa?.... "Dalkaan anigaa gumaysan jiray
reer yurub ha iiga dambeeyaan!.."ANNAA GUMEYSAN JIRAY! "... ma oraah fiican baa? hadana waxaad moodaa reer Yurub inay ka yeeleen, waa hagaagee talladii Soomaaliya isagaa looga harayee muxuu innaga rabaa?!...beerihii Jannaale, sarrihii cad-cadaanta badnaa ee gaab-gaabnaa, Mooskii udugga iyo macaanka badnaa, ma intaas oo keliya buu innaga rabaa? mise?!...bal hadda adigu qallin iyo waraaq soo qaado oo qor muxuu innaga rabaa?!....

Waxaa shaki la'aan ah haddii aad si fiican u fekerto oo aad u
fiirsato jawaabaha ku saabsan waxa ay dalalkaas innaga rabaan dhammaan waa dano siyaasadeed ama mid dhaqaale, laakiin waxaa intaas u dheer oo aad moodaa inay ka midaysanyihiin kuligood inay wada qabaan burburka aan ku jirno in dantooda ay ku gaari karaan, sidaa daraadeedna ay haboontahay in Soomaaliya sida ay ku jirto loo daayo sidaasna danaha laga leeyahay looga gaaro.

Waxaa arrintaas aad looga dareemi karaa qaabkii Maraykanka iyo Itoobiya ay ku soo galeen Soomaliya iyo wali sida uu yahay xiriirka ay la leeyihiin DFS, waxaadna mooda inta aan la gaarin danaha dahsoon ee mustaqbalka fog ay labada dal Soomaaliya ka leeyihiin inay hadd ku qanacsanyihiin inay halkaa ka ugaarsadaan oo keliya waxa ay ugu yeeraan Argagixisada, isla markaasna uu Maraykanka kala socdo dhaqdhaqaaqa ka jira Badda cas, Kanaalka suweys, gacanka Cadan, iyo marinka Bad-weynta hindiya ilaa Bariga-fog.

Haddii aad dib u milicsato shirkii labada sano iyo dheeriga Nairobi ka socday ee lagu soo dhisay DFS kaalinta Maraykanka waxay ku ekeyd oo kleiya Goob-joognimo, laakiin dalalka reer yurub,IGAD, iyo Jaamacadda carbta ayey ahaayeen kuwii isku howlay in laga miro dhaliyo shirkaas, sidaasoo kale markii dowladda la soo dhisay Maraykanku wuxuu markiiba la saftay dhinacyadii dowladda ka hor yimid iyagoo waliba xubno ka ah Parliament-ka iyo golaha wasiirrada, wuxuuna iyaga ku taageeray cabashadoodii ahayd inaan Soomaaliya la keenin ciidamo safka hore ah, ...Ciidamo safka hore ah!....

Markii uu Maraykanka ku taageerayay Af-hayeenkii Parliament-ka SHariif Xasan SHeekh Adan, iyo wasiirradii xukuummadda walibana ku jiray golaha parliament-ka sida Qan-yare, Al-xaaj Muuse Suudi, Cusmaan-caato, Max'ud-sifir, Bootaan Ciise, iyo Max'ed J. Furux inaan la keenin ciidamo safka hore ah, muxuu uga jeeday?! maanta oo uu Itoobiya keenay Soomaaliya isaga oo aan cidna ka tali gelinna muxuu ka waday?!...

Wali shaxdani dad badan bay malaha ka dahsoontahay oo isugu jira kuwo DFS taageersan iyo kuwo ka soo hor-jeeda oo dhammaantood qaba in DFS ay iyadu keensatay Itoobiyaanka, laakiin xaqiiqdu taas aad bay uga duwantahay.

Maraykanku muxuu u keenay Itoobiyaanka? Ma dowlad ayuu ku
taageerayay?...Horta waxaa iska cad inuusan u keenin inuu ku taageero dhismaha DFS iyo dhaqan gelinteeda, ama inay Soomaaliya ka dhaqan gasho wax dowlad ah waayo taasi waxaysan ka muuqan sida uu ula dhaqmayo DFS, taageerada ay dowladda ka heshana waa mid uu isagu rabo inuu ku wiiqo waxa uu ugu yeero Argagixisada ee uu sheego inay Soomaaliya joogaan, xogta ku saabsan inay Soomaaliya argagixiso joogtaanna waa mid mugddi badan uu kaga jiro dad badan oo Soomaali ah.

Waxaan iyadana cadayn ilaa iyo hadda in Maraykanku aqoonsanyahay dowladda, sida la sheegayo Maraykanku waa aqoonsanyahay DFS, laakiin wuxuu ka biyo diidanyahay safiirka ay dowladda u soo magacowday isagoo ku eedaynaya inuu vissa la'aan ku soo galay ciidda Maraykanka, waxayna sheekada oo dhan u egtahay habkii uu ula dhaqmay Angola 1975kii markii ay xornimmada qaadatay mana uusan aqoonsan ilaa laga dilay ninkii isagu gacan siinayay JONAS SAVIMBI 2002dii.

Marka aad fiiriso sida ay mas'uuliyiinta Maraykanka u hadlaan waxaa is leedahay waxaa jira qorshe u gaar ah oo Maraykanku malaha doonayo inuu Soomaaliya dowlad cusub ugu dhiso, gaar ahaan marka aad fiiriso sida uu ugu adkaynayso in xilliga dowladda markuu dhammaado 2009 doorasho la qabto, iyagoo xaaladaha dalka sida ay yihiin iska indho tiraya isla markaasna aan wax gacan ah ka gaysanayn wax kasta oo suuro gelin lahaa arrintaas.

Sida uu cahdiga ku meel gaarka ah qorayay waxay ahayd in la soo
diyaariyo dastuurka federal-ka isla markaasna dad-weynuhu u codeeyaan, waxay ahayd in la dhiso wasaaradda arrimaha federal-ka taasoo ay ahayd in muddo 2sano iyo bar ah ay dalka ka dhaqan geliso dastuurkaas, waxay ahayd in dalka oo dhan laga dhaqan geliyo tirinta dadka si loo soo tiro koobo dadka ku nool dalka, waxay ahayd in barlamanka xeerarkiisa iyo guddiyo hoosaadyadiisa si dhamays-tiran loo dhiso.

DHammaan arrimahaas iyo kuw kale oo muhiim ahaa oo ay ahayd in la soo ebyo intaan la qaban doorasho caam ah ammaan darrada dalka ku baahday aawgeed waxba kama qabsoomin, marka laga reebo barlamanka oo guddiyo hoosaadyadiisii la soo dhisay, xaaladda Soomaaliya sida ay maanta tahay marka la fiiriyo ma suuroobayso in doorasho caam ah dalka ay ka dhacdo haddii aan mar labaad barlamanka hadda jiraa wax soo dooranayn isla markaasna ciidammada ay Qarammada midoobay ku baaqday aan degdeg loo keenin.

Maalin kasta dalka dhibaatooyin waxaa ka dhaca ay caqli xummadu
horseedday, waxaana la banaystay sabab la'aan in qof kasta la dilo wadaad waa la dilayaa, aqoonyahan waa la dilayaa, askari waa la dilayaa, arday waa la dilayaa, oday waa la dilayaa, ganacsade waa la dilayaa, qofku ama dowladda ha taageersanaado ama ha ka soo horjeeda waa la dilayaa,... macnaha wax sabab ah oo qofka loo dilayo magac loo yeelayo ma jiraan, taasi kuma jirto inta isaga dhimanaysa ciidammada hubaysan ee DFS iyo kuwa ka soo horjeeda, sababtuna maxay tahay?!... bal adba?!...lama yaqaan cidda la dilayo ama sababta loo dialayo waayo cid la daynayaba ma jirto.

Maraykanka howl gallada uu ka wado dalka gudihiisa ninna ma yaqaan waxa ay ku salaysanyihiin laakiin waxay dadka xoogiisa rumaysanyihiin inuu diinta iyo culummada la dagaalansanyahay, iyada oo ay taas jirto oo uu tuhunkaas uu dadka ku weynyahay ayaa hadana in badan oo shacabka ah ay qabaan in haddii cududda Maraykanka soo af jari karto dhibaatada dalka ka jirta aan laga hor immaan, qayb kale ayaa fikir intaas ka duwan qabta waxayna qabaan walaac ku salaysan in dowladaha reer galbeedka oo uu hor-kacayo Maraykanka uu jiro qorshe dahsoon oo ay rabaan inay dalkaan ku dhaxal wareejiyaan laakiin aan wali la ogeyn....Wali ma innagaaba is ogaanay?!

Sidoo kale waxay in badan dadku hadal hayaan sababta cuno qabataynta xagga hubka DFS looga qaadi la'yahay haddiiba ay dhacday in la oggollaaday in ciidamo Itoobiyaan ay dalkooda soo galaan?!....Ciidamo hubaysan oo Itoobiyaan ah baa la soo geliyay laakiin dowladdi hubkii waa loo diiday, ..Caqli iga badan waayay!..Sababta looga cago jiidayo in Qarammada midoobay ay maal gelin siiso ciidamo Afrikaan ah, ama dalalka Islaamka ah, ama beesha caalamkaka soo jeeda, si ay kaalintooda uga qaataan ammaanka iyo dib u soo celinta qaranimmadii Soomaaliya oo Itoobiya keligeed loogu dhaafay howshaas?!....
weydiimahan ayaa dhamaan jawaabtoodu waxay ku soo dhammaanaysaa hadaadan adigu arrinsan karin waa laguu arriminayaa....

Xubno ka tirsan barlamanka DFS oo runtii muhiim ah marka laga eego aqoonta iyo waayo aragnimadooda siyaasadeed ayaan weydiiyay aayaha DFS mar haddii uu waqtigi dhammaanayo iyadoo aan sidii lagu talo galsanaa la diyaarin dastuurkii cusbaa iyo doorasho caam ah oo dalka laga qabto? ugu horeyn xubnahaas waxay dhammaan ka walaacsanaayeen cadaadis badan oo beesha caalamka ay ku saareyso dowladda inaan dib loo dhigin doorashooyinka mar haddii uu dhammaado xilligeeda, siiba Maraykanka, waxayna isku raaceen in lama huraan ay noqonayso DFS xilliga loo kordhiyo si ay u diyaariso sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka, barlamankana uu yahay hay'adda keliya ee hadda qaynuun ahaan howshaas inay qabato laga sugayo, beesha caalamkana looga baahanyahay inay ka caawiso xagga dhaqaalaha iyo farsammada.

Mar aan xubnahaas weydiiyay ma u malaynaysaan in Itoobiyo dalka si nabad ah uga baxayso haddii arrimuhu hagaagaan oo dowladdu dhisanto? ayeey si isku mid ah arrintaas walaac uga muujiyeen jawaab cadna ka bixin waayeen;...Waa laga yaabaa haddii ay Ameerikaanka yiraahdaan ka bax!....Wallaahay nimankaan waa nala soo degeen oo sahal kuma guuri karaan sida aan u wada noolnahayna waxay i soo xasuusinaysaa heshiiskii Belfast ee 1948kii Israel lagu soo dejiyay Falastiin....Itoobiya saxiibnimo ayeey rabtaa baan u malynayaa cadownimo ay maanta Soomaaliya ka samaysatana waxba ka dheefi maysaan u malaynayaa...Malo...Belfast...laga yaabaa Ameerikaanka...Wali ma innagaaba is ogaanay?!

Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.
allayaqaan99@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS