SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaalada Dadka U Barkacay Deegaanada U Dhexeeya Afgooye Iyo Muqdisho Oo Kasii Daraysa
 
Waxaa Aad Uga sii daraya Xaalada Dhibaato ee Gaajo iyo gabaad la,aaneed ee ka Jirta Qaar ka Tirsan deegaanada U dhexeeya Afgooye Iyo Muqdisho oo ay u barkaceen Kumaanaan Qoys oo ka cararay dagaalada Ka Jira caasimada iyo Nawaaxigeeda .
 
Waxaa gaajo Iyo Qaboow ugu Geeriyooday Qaar ka tirsan deegaanadaasi Ilaa5 qof oo isugu jira Caruur iyo Dad Waayeel ah Oo Dhamaantood U geeriyooday Gaajo Kadib markii ay deegaanadaasi Ku haleeleen Roobab mahiigaan ah oo aan kala Go, lahayn islamrkaana ay waayeen wax Ay Cunaan iyadoo ay markoodii Horena ay Macaluul ba,ani ku haysay Deegaanadasi .
 
Sidoo Kale 5-ta qof ayaa la sheegay Inay 3- ka mid ahi yihiin Caruur islamrkaana Ugu geeriyoodeen Gaajo Xero Qaxooti Oo Lagu Magacaabo Sarmaan oo U dhaxaysa Degaanada Xaawo Cabdi Iyo Lafoole ee Gobolka shabeelada Hoose sida Uu saxaafada U xaqiijiyey Nin Magaciisa Ku sheegay Axmed waraay oo Ku Nool Xeradaasi ay caruurtaasi Ku geeriyootay
 
Maaha markii Ugu Horaysay oo sidan Oo kale ay dadka ka barkacay Magaalada Muqdisho ay dad kaga le,edaan deegaanada Loo barkacay Bishan aynu Ku Jirno Horaanteedii ayay Ahayd markii Deegaanka carbiska Uu ku geeriyooday Cunug Dhalanaa 4-habeen kadib markii Roobab badan oo halkaasi ka da,een Ay Hooyadii dhashay Cunugaasi ay U weyday Meel ay Gabaad Ka dhigato islamrkaasna halkasi Uu ku dhinto Cunugaasi Qaboow dartiis .
 
 
Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
 
YaasiinFaytin@hotmail.com
Somalitalk  Muqdisho
+2521-5580916
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS