SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kaniisad K/Afrika ku taala oo Dad Soomaaliyeed ku eedeysay tuugonimo, kana ceeyrisey dhismaha kaniisada oo eey seexanayeen.

Cimrigaaga oo raagayu geel dhaluu ku tusaa, Koonfur Afrika joog kaniisad tuugonimo halaagaga ceeyriyo,kadibna wargeysyada halugu shaaciyo ayay ku tustaa. waa qiso cajiib ah, waxaana maanta soo daabacay wageys Cape Town kasoo baxa oo lagu magacaabo Cape Argus, qisadu waxay ku saabsantahay Kaniisad dad Soomaali ah ka ceeyrisey gudaha kaniisada kadib markii lagu eedeyey xatooyo cunto bisil.

sida uu cadadkii maanta soo daabacay wargeyska da'da weyn ee magaalada Cape Town kasoo baxa ee Cape Argus, kaniisada madhabta Presbyterian, ee hoos tagta madhabta Methodist oo ku taala xaafada Soomaalida u badantahay ee Cape Town, oo Bellville lagu magacaabo ayaa gudaha kaniisada kasoo ceeyrisey dad Soomaaliyeed oo ku hoyanayay gudaha kaniisada, kadib markii baadiriyada kaniisada ku eedeeyeen Soomaalida xatooyo cunto bisil.
wargeyska ma sheegin tirada rasmiga ah ee kaniisada ku hoyata, laakiin waxaa jirtey in dad Soomaaliyeed oo dhawaan K/Afrika ku barokacay in eey hoy ahaan u miciin bideen dhismayaal kaniisadeed, iyagoo caawimaadna ka helley kaniisado raashiin iyo hug ku caawiyey.
 
Nin ka tirsan kaniisada oo lagu magacaabo John Kleynhans ayaa wargeyska u sheegey in kaniisadu ey ku hoydaan 300 qof oo qaxooti ah, oo jinsiyado baddan isugu jirra, balse eey aad ula yaabeen markii eey ogaadeen in qaxootiga ay raashiinka ka xadaan sanaadiiq kaniisadu cuntada bisil ku keysato, wuxuuna yiri "Mainly the Somalis made a lot of trouble. They stole food and crockery out of the church cupboards and even stole from each other.We are very upset and disturbed by what had happened."" Soomaalida ayaa inta baddan dhib baddan samaysa, waxay xadeen cunto iyo qalabka wax lagu karsado oo ku jirey armaajooyinka , xittaa iyaga ayaa kala xada cuntada (Bisil), aad ayaan oga niyad qabnay waxa dhacay, waa eeyna na dhibtey". ayuu yiri baadariga oo u waramayay wargeyska.
 
wuxuu intaasi ku daray in koox qaxooti tuugo ah laga ceeyriyey dhismaha kaniisada oo gaaraya illaa 50 qof .
 
sheekadani oo aad iisoo jiidatay, isla markaasina aan shaqsi ahaan aad ola fajacay, ayaa u muuqata fadeexad lama arkaan iyo lama maqlaan ah, marka aan dhan kale ka eegana ma lahan wax marmarsiimo ah oo qof Islaam ah ku kalifi karta in uu kaniisad galo, misane xatooyo lagu eedeeyo.
sida aan ka war hayo inka badda kun Soomaali ah oo ku barokacay rabshadihii dhawaanta ka dhacay dalka, kuwaas oo galay xerooyin ku kala yaala Cape Town iyo Pretoria ayaa iyagu diidey in eey u yimaadaan Soomaalida kale ee aan xerada ku jirin, gaar ururada jaaliyadaha dalka, iyo kuwa dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo shaqsi kasta oo isku dayay in eey caawiytaan, xerada Akasia ee waqooyiga Pretoria waxaa dhacday in culumada Soomaaliyeed, wax garad odayaal, gtanacsato iyo jaaliyada guddi Gurmadka degdega ah loo saaray sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida halkaasi ku jirta, balse axaa dhacday markii culumadii oo uu hor kacayay Imaamka masaajidka Soomaalida Johannesburg lasoo dhagax tuurey, lagana soo ceeyriyey Xerada, iyadoo lagu eedeynayo in eey magaca dadka dawlada iyo hey'adaha wax ku cunayaan.
 
Bustooyin, lacag iyo waxyaabo kale oo eey Soomaalida u aruurisey dadkaasi Soomaalida ah ayaa illaa iminka meel iska yaala, taasina waxay dhacday markii Soomaalida xerooyinka ku jirra ay sinaba u diideen in eey Soomaalida kale wax caawimaad ah u fidiso, arrintani ayaa waxaa ad oga xumaaday culumada iyo Soomaalida inteeda kale.

xerooyinka waxaa caawimaad geeya kaniisado, taasi Soomaalida waxbo kama qabaan, waxaa dhawaan la'ii sheegey mar aan Xerada Akasia booqdey in ururo Islaam ah oo caawimo siinayay qaxootiga iyo kaniisado eey isku qabsadeen qaabka karinta cuntooyinka islaamka la siinayo, tasoo kaliftey in muddo la hakiyo cunnooyinkii lasiin jirey.
 
Falalkani ey Soomaalida xerooyinka ku jirta ku dhaqaaqday ayaa ah ah wax cid kasta ka yaabiyey, in marakni ey kasiinbado Kiristaan galaana waa yaabka yaabkiisa noqdey.
 
lama oran karro diin yari iyo aqoon yari ayaa qof Soomaali ah u geeyneysa in uu kaniisad galo, mana jirto wax marmarsiimo ah oo qof islaam ah maanta isagoo dalkan jooga u geeyneysa in uu kaniisad galo, walow aanan la oran karin caqiido ahaan ayuu u galaa, oo rabi niyada xukumo, laakiin waxaa magac xummo iyo sharaf dhac noogu filan in inaga oo Soomaali islaam ah, hanti , ganacsiyo iyo masaajido ku leh dalka, oo waliba ku dhiiran in aan caawino walaalaha tabaaleysa, in caawinteena la diido, gaalana loo galo, misane lagu eedeeyo xatooyo, taasi waa wax aniga maskaxdayda ka weyn.
 
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir Saxansoxo. Email?: saxansoxo1@hotmail.com, Johannesnurg.
Hoos ka eeg Linkiga warbixinta wargeyska
 
http://www.capeargus.co.za/?fSectionId=3571&fArticleId=vn20080621101900173C645070

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS