SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Puntland: Mashaakilaadka maanta  bulshadeena haysta

Qore: Mursal abdi dahir 

dhibaatoyin aadami oo aad  u daran ayaa  kajira  guryaha inagu xiga  marka laga hadlayo gurikasta oo uu deganyahay qoys reer bosaso  ah oo ladan,  waxana ugu badan dhibaatoyinka haysta dadkan soomaalida ah ee  ay dagaladu iyo coladahu  ka soo barakiciyeen  deganadii ay ku noolayeen iyo waxi ay hanti haysteen Gaajo aad u daran iyo Cuduro ay sababeen  dhibaatoyinka dhaqale xumo ee haysata  dadkan soo barakacay Ee soomaalida ah. 

waxaa aad xalada nololed ee dadkan uga siidaray  sicirbararka  bahsan ee maalinba malanta  kadanbaysa  cirka siku sii shareerayaa iyo iyagoo aan wax shaqooyina oo rasimi ah haysan  waxana uu sigara u sameeyay  dadkan soo barakcay oo ah dad xoogsato ah oo ay nolo shoodo inta badan ku tiirsanayd shaqooyinka aan rasmiga ahayn. 

  badi kanani waxaa ay  nolo shodu kuu tiir santahay shaqoyin adag isla markasina dhaqaalo yari uu ka soo galijiray  taasi oo  ay noloshu  adagtahay inay mareeyaan, shaqooyinka ay inta badan ka xoogsadan dadka ka soo barakacay gobolada aya waxaa ka mida sida  qashin gurista iyo xamaliga ogada, iyo waxyabo kale, waxase ay xaladu kasii dartay hatan oo ay adkatay inay soo helaan xataa shaqooyinkaas adag oo ay inta badan ka cayrsadan qutuldururigooda. 

  qaarkamida dadka tabalaysan oo aan  xog waraysi layeeshay ayaa iga  waramay dhibtooyinka nolosha kahaysta. 

sida dhabta ah  waxa muuqata arin bina adanimo oo halis  ah  una bahan in si degdega wax looga qabto  caruuta ayaa aad ugu dhimanaysa gajo iyo cuduro  ay kentay gaajadu waxana 3 malmood ee la so dhafay ku geeriyooday5 caruur ah  kamka lagu magacabo tawakal oo dhinaca galbeedka  magaladan bosaso kata tosan kadib gaajo iyo cudurka shuban biyoodka oo aad ugu so badanaya xeryaha ay ku noolyihiin dadka so barakacay. 

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii ay isimadu ay  qaylo dhaan ka soo sareen sidii loogu gurmadi lahada dadka tabalaysan ee  ay gajadu ku haysato hareeraha magalada Bosaso  ayna inaga sarantahay masuliyada  soomaalinimo  iyo mid islaantinimo waxase muuqta inaan wali cidna iska xilsarin dhibatadan haysata dadkan u badan  caruur iyo hoyooyin. 

dhinaca dawlada,ganacsatada iyo  cidksta oo ay masuulidi qabato waxaa  lama huraan  u ah    in ay indho aragti dheer iyo dhago maqal wanagsan  ku eegaan dhibatooyinka haysta dadka ku nool  xeryaha  ay degan yihiin dadka soo barakacay Ee magaladan bosaso   ee ay haystaan dhibatoyinka bini adanimo  ee halista ah oo ay kamidtahay nolol xumo{Gaajo} Cuduro, iyo WIM. 

marka laga hadlayo dhibatooyinka  ku haysata muwadiniin soomali ah gudaha dalkooda ayaa waxaa ay dad badni is tusaan inay adagtahay  in gurmad lofidiyo la deeqasiinkaro ayadoo aan gacan shisheeye loo qaylin, waxase hubaal ah in hadii ay dadka reer Bosaso manta masuuliyad iska saraan sidii looga sacidilaha dhibtada  haysta walalahooda kaso barakacay  gobolada, ay noqon donto wax qabad weyn   hadii laga duulo  aragtida ah  Xuubka caraduba waxaa uu noqon kara dabin  libaax hadii uu urursan yahay.

kabtanmursal01@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS