Prof Muxiyadiin Cali Yusuuf oo ka mid ah Musharaxiinta Puntland ayaa
ka dayriyay Xaalada Amaan ee Puntland
Mid kamid ah Musharixiita isu diyaarinaya tartanka Madaxweynanimada
Maamulka Goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu haatan marayo heerkii
ugu xumaa Maamul Goboleedka Puntland tan iyo markii la aas aasay.
Pro Muxudiin Cali Yuusuf oo ka mid ah Musharixiita
isu diyaarineeysa xilka Madaxweynenimo ee Maamulka Puntland oo shalay
Shir Jaraa’id ku qabtay Hotelka Shirton ee Magaalada Jabuuti ayaa waxaa
uu sheegay in Puntland ay mareyso heerkii ugu hooseeyay ee
nabadgalayada,dhaqaalaha iyo nolosha dadka waxaana uu arintaasi ku
sababeeyay in maamulka haatan jiraa uu ku fashilmay hanaankii
Dowladanimo.
Pro Muxudiin ayaa intaa
ku daray in dadka reer Puntland aysan ka maarmin in ay helaan xiligan
Maamul cusub oo wax ka bedela xaalada mugdiga ah ee ay haatan ku sugan
yihiin.
Masuulkasi ayaa sheegay
in hadii uu ku guuleeysto Madaxtinimada Puntland uu wax ka badali doono
mudo 6 Bilood ama sanad gudeheeda ah sida Burcad Badeeda iyo
tahriibayaasha oo todobaadkiiba ay ku geeriyoodaan dad ka badan boqolaal
qofood waa sida uu hadalka u dhigayee .
Pro Muxudiin Cali
Yuusuf ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax lacag ah ku bixin doonin in
la doorto uuna taageeri doono ciidii ka mid ah Musharixiita ee la
doorto,waxaana hadaladiisa ka muuqanayay in hadii uu guuldareeysto in
Maamulka Puntladn uu qabto weji cusub ee badala Maamulka Cadde Muuse ee
xiligan Maamulkasi hor kacaya.
Jaamac Ayaanle Feyte
Bosaaso-
Feyte37@hotmail.com