HESHIISKA JABUUTI YAY DANI UGU JIRTAA YAASE DIIDAN
Waxaa bishaan Juun sagaalkeedii (09/06/08) lagu saxiixay Magaalada
Jabuuti heshiis dhex maray Isbaheysiga Did u Xoreynta Soomaaliya iyo
Dowlada KMG ah oo uu muddo wadahadal uga socday Jabuuti, kaas oo ay soo
qabanqaabisay Qaramada midoobay iyo dowlado kale.
Ka dib ku dhawaaqidii qodobada heshiiska oo dal iyo dibadba aad loo
dhowrayay ayaa inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkuba
aad u soo dhaweeyeen, halka dadka qaarkii muujinayeen taageero balse
sheegeen in ay shaki ka qabaan qodobada qaarkood iyo hirgalinta
heshiiska, inkastoo ay jiraan koox ka tirsan Isbahaysiga oo ku
gacansayrtay heshiiska la gaaray kuna dooday in aysan waxba ka jirin.
Waxaan wada ogsoonahay in Isbahaysiga sida magabaciisaba ka muuqata
uu ahaa kooxo is bahaystay oo kala ahaa Golihii Maxkamadaha,
Xildhibaanadii DFKG ka tagay, Bulshada rayidka ah iyo Qurbojoog ee
uusan aheyn urur ama hal koox. Waxaa taa u sii dheer in qolo walbaa ka
koobaneyd kooxo badan sida Golahii Midowga Maxkamada oo ay isku
urursadeen ilaa iyo labo iyo toban koox, arintaa oo Isbahaysiga ka
dhigayso goor walba mid u nugul ismaandhaaf iyo khilaaf.
Ulajdeeda loo aasaasay Ishaysigani sida ku cad Axdiga Isbahaysiga
waxay aheyd “Dib u xoreynta dalka iyo dib u heshiisiin dhab ah oo u
danaynaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo in la sugo nabadgelyada muwaadinka
Soomaaliyeed…… in wadahalku uu ka mid yahay wadooyinka loo marayo
gaarista hadafkaas iyo in qadiyada ummada Soomaaliyeed wajigeeda saxda
loo soo bandhigo bulshada caalamka loona raadiyo taageero dhinac walba
ah”. Waxaana taa bilowgeedii noqday wadahadalada ka furmay Jabuuti, oo
ay soo dedejisay ka dib markii guulo laga gaaray gudaha wadanka iyo
jabka iyo fashilka uu la kulmay cadowga ee xag militari iyo xag maalmul
intaba.
Intii aanan la gudagalin howlihii wadahalada ayaa waxaa markiiba soo
booday oo si lixaad leh cirka isugu shareeray khilaaf iyo qaylodhaan ka
soo yeertay xubno ka tirsan Isbaheysiga oo u muuqday wax qorsheysan
marka laga fiiriyo sida ay isku dabajoogeen.
Digniinta iyo dareenka ay sheegeen xubnahaas wuxuu ahaa in halgankii
iyo dib u xoreyntii dalka la duminayo iyo in Axdigii lagu tuntay
ummadiina la khiyaanayo!! Inkastoo markaa aysan dhacin wax kulan oo
dhaxmaray labada dhinac.
Waxay dadka intooda badan muujinayaan dhibaatada iyo dhabarjabka ay
leedahay arintaan, inkastoo waxgarad badani u arkayeen in uu lama huraan
yahay khilaafkan lana filayay maadaama halganka lagu jiro uu galay
marxalad xasaasi ah oo ay ku adkaaneyso kooxaha Isbahaysiga qaarkood in
ay la jaan qaadaan. Qeylo dhaantan ka soo yeertayna ay tahay uun qorshe
ay kaga soo horjeedaan wadahadalka iyo waxwalba oo ka dhasha mustaqbalka
maadaama aysan ka dhaxmuuqan.
Waxaa si aan gabasho laheyn isu soo hor taagay warbaahinta Yuusuf
Siyaad ‘Indhacade’ oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga ee Isbahaysiga oo ay
ka muuqatay dhaqankii lagu yaqaanay qabqablayaashii dagaalka, waxa uuna
ku dooday halhayskoodii “ ANAGU SHUQUL KUMA LIHIN” “ LAYGALAMA TASHAN”
“WAXBA KAMA OGI” iyo“ NAMA MATALAAN” iwm.
“Hasha geela cuntee cabaadda” Idhacade wuxuu aad uga digay dhibaatada
khilaafka gaar ahaan waqtigaan uu leeyahay balse wuxuu noqday ninka
khilaafka hor keenay ummada kana hadlay warbaahinta gudaha iyo dibada,
isagoo raacsaday codsigiisii uu dowlada Jabuuti ku weydiistay in aysan
marti galin madaxda isbahaysiga oo ay soo kala eryaan !!! Waxaase
nasiib wanaag ah in Soomaali aqoon fiican u leedahay Indhacede ayna
xasuusatana dhibaatooyinkii uu dhaxalsiiyay ummada intii uu horjoogay.
Kalsoonida Indhacade iyo ragga la midka soo saartay waxaa la ogaa in
ay yeelaneyso rag gadaal ka jooga, waxaana isla markiiba hadlay Sh.
Xasan Daahir Aweys.
Sh. Xasan waxa uu rabo marar badan ayuu sheegay oo ah in uu dowlad
Islaami ka dhiso dalka balse waxay ummada Soomaaliyeed xaqiiqsatay in
fahamkiisa dowladnimo iyo fikirkiisa siyaasadeed ee ku saleysan
laablakaca iyo arigtidiisa gaaban ee waaqica adduunkan in uusan u heyn
wax qorshe cad ah oo ummadan dhibaataysan badbaadin kara xalna u noqon
kara. Dowlada uu ka hadlayana uu isagu yahay ruuxa ugu horeeya ee
caqabada ku ah, marka laga fiiriyo natiijooyinka habdhaqankiisa. Waxaana
taa cadeeyay howlgaladiisii dhowr iyo tobankii sano ee tagtay ee laga
dhaxlay burbur iyo dhibaato si gaar ah u taabaneysay dadkii mustaqbalka
u noqon lahaa ummada iyo maskaxdii dhalinta yareyd ee daacada aheyd ee
badbaadin laheyd.
Waxaa soo raacay kooxo kale oo ka tirsan Isbahysiga sida Xuseen
Caydiid oo ahaa dagaal-ooge hore iyo raga la midka ah oo sida dabeysha
marba meel u socda. U maleyn maayo in wax badan iyaga looga fadhiyo
waayo go’aanada ay qaadanayaan waa la garan karaa wax ay salka ku
hayaan. Waxaa wax lala yaabo noqotay in rag uu ka mid yahay Sakariye
Maxamuud Xaaji (Ku xigeenkii Gudoomiyaha G. Fulinta) oo xaafadaha
magaalada London dhax wareegagay bishii tagtay si uu u helo cod uu uga
mid noqdo golaha Duqa magaalada London, ka dib markii uu ku guul
dareysatay in isla bishii gudaheeda uu Asmara ka soo jeesto isagoo eed
iyo dambi kii ugu weynaa oo ah khiyaano ummadeed iyo khilaaf Axdigii
Isbaheysiga dusha uga tuuray masuuliyiintii ka sareysay oo uusan mudaba
la meel joogin!!!
Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiqo ah in halgankan muqadaska ah
loogi jiro xoreynta dalka iyo dadka, soo celinta sharafta iyo karaamadii
ummada iyo joojinta dhiiga ummada ee qulqulaya in uusan u joogsan
doonin koox gaar ah, ayna waajib tahay in loo maro wada kastoo oo sharci
oo ay dani ugu jirto ummada iyadoo aan cid looga heybeysaneynin. Waxayna
ummada Soomaaliyeed intooda badani aaminsan yihiin in heshiiskani uu
horseed u noqon karo in dalkeena loogaga saaro mugdiga ay galiyeen
cadowga iyo damiir laawayaashii u adeegayay, islamarkaana uu suuro
galinayo in qadiyada Soomaaliyeed ay yeelato taageerayaal caalami, taas
oo fududeyn karta in cadowga wadanka laga saaro.
Haddaba waxaa lama huraan ah in maamulka Isbaheysiga iyagoo kalsooni
ku qaba Ilaahay iyo shacabkooda in ay muujiyaan karti iyo dadaal joogta
ah iyagoo maskaxda ku haya silaca iyo saxariirta ay ummada ku jirto una
horseedaan badbaado iyo horumar, taas oo lagu gaari karo wadatashi iyo
ismaqal, iyo tan igu muhiimsan oo ah si looga miro dhaliyo heshiiska
uuna u noqda mid u adeega maslaxada iyo danta ummada in marxalad kasta
oo uu marayo loo helo dadkii ehelka u ahaa ilaalinta howshaas maadaama
uu yeelanayo koox badan oo ku howlan har iyo habeen fashilintiisa.
Ummaduna dankama laha magacyadiina ee waxay idin kula xisaabtami doontaa
waxqabadkiina .
Sidoo kale waxaan u soo jeedin lahaa waxgaradkii iyo wadaniyiinta
Soomaaliyeed inay ka soo baxaan kaalintooda kaga aadan badbaadinta dadka
iyo dalkaba, howshani ma aha arin kooxi si gooni u leedahay waa masiirka
ummadeena, waxaana lama huraan ah si degdeg ah loo galo abuubul ku aadan
arintaan iyo hirgalinteeda.
Ugu dambeyntii waxaa kula talin lahaa kooxdan ku gacansayrtay
heshiiskan la gaaray ee Asmara in ay ummadaa dhibaataysan Ilaahay uga
baqaan, taageeraan dadaalada ay waxgaradku wadaan si loo xakameeyo
khilaafkan, caqli iyo xikmadna ay isticmaalaan si ay dadkooda u
badbaadiyaan, waxna ka bartaan wixii ay soo mareen iyo inay ka
hormariyaan danta guud mida gaarka ah, waxaana hubaal ah in taasi soo
dadagin karto in laga mirodhaliyo heshiiskan. Waxaadna ogaataan in
ummadeenu aysan ku xuroobeyn in lagu kala jiro dhufaysyada Itoobiya iyo
Eritariya, waana xaqiiqo in qolowalbaa danteeda wadato.
Wabilahi Towfiiq
C/qaadir Xaaji Xuseen
cxxuseen@gmail.com