SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Socodaalkii Danjiraha UN ee Soomaaliya Ahmed Oloud Abdala Uk

Sawiradda Halkan ka daawo....

Ahmed Oloud Abdala ayaa ah Danjiraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ( UN ) Somaliya, ayaa ku sugnaa 3 cisho ee u danbeeyay Uk London isagoo ka hadlay Aqalka Siyaasada ee Chatham House ee looga hadlo Arimaha Africa, Mudane Ahmed ayaa ka warbixiyay dadaalkiisi Nabdeyneed ee Soomaaliya isagoo xusay inuu sameeyay horomar weyn iyadoo aan isku keenay 2 dhinac oo TFG Ururka dibu xoreynta Soomaaliyeed ee fadhi goodu yahay Asmara, Ummada Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay nabad iyo horomar 17 sano oo dagaal ah,Soomaalida waxa ay rabaan nabad hadana ma yaqaanan wadadii loo mari lahaa, Nabada Soomaaliya, Soomaali baa keeni karta Tusale wadamo badan oo ay dagaalo aafeeyeen ayaa nabad laga gaaray sida, Rwandan Congo Mozambique Uganda, waan ognahay, Nabada Hal habeen lagu ma keeno balse Soomaaliya waxaa dhibta ku wada waa qurbajoogta, Ahmed Oloud oo sii wata hadalka ayaa yiri hadaan nahay UN, Soomaaliya waxa ay noo tahay Muhim oo waxaan rabnaa in aan helno nabad Shacbka Soomaali ay rabaan laakin taas waxa ay ku iman kartaa isu Tanaa sul iyo is afgrad, Waxa dhibka wada dad Ilmahooda ay dibada joogaan oo caafimaad iyo waxbarasho haysta, xili 1,million oo ay bari kacday wax ay cunaan haysan damiirku waa inuu kacaa,

Ahmed hadalkiisi waxaa kamid ah Soomaalida waa dad caqli badan oo horo mar ka sameeya meesha ay tagaan Wadamada Arabta Europe Canada intaba waxa ay ku haystaan ganacsi culus balse waxaad arkeysaa inaysan u soo jeedin Dalkooda Soomaaliya ,Ahmed ayaa yiri Qurbajoogta waa inay iska daayan dhibka ay ku hayaan dalkooda una fakiraan si cilmi iyo caqli leh, Hadii kale Soomaaliya xalkeedu waa cuslaan

Sulaahihii la weydiiyay mudane Ahmed Olou Abdala ayaa sidan u dhacay

S, Abdulahi Haji, British Broadcasting Corporation, Ahmed waxa aad tiri saacdo ka hor inta aan la saxiixin hishiiska waxaa tiri shirka waan ka tagayaa xal ma leh hadana shirkii waa la hishiiyay

J,Ahmed, Haa waxaan u bixyay warsaxaafadeedkaas in aan dareensiiyo qurbajoogta Soomaalida inay la soo hadlaan xubanaha shirka kuna baraarujiyaan in ay tanaasulaan una Tanaasulaan xalka Ummada

S,Abdulahi Haji,British Broadcasting Corporation, Sheekh Hassan waxa uu yiri shirka cida saxiixday ma talaan Ururuka ee maxaad arintaas ka leedahay

J,Ahmed, Anigu waxaan ka codsanayaa xubanaha maqan inay ka naxaan dhibta dadkooda si loo helo Nabad waarta cid waliba waxaan ku casumeynaa Miiska Shirka

S, 1, Million ayaa qaxay 10,0000 oo waa dhinteen UN kama aysan hadal arintaas maxay sidan u dhacday

J,Ahmed, Waan dhaleeceynay cid waliba oo geystay xasuuq waana lala xisaabtami doona balse hada waxaa muhiim ah in la dhaqan galiyo Hishiiska la galay

S,Ciidamada UN, Goorma ayay iman doonaan?

J, Dowlada Uk waan la hadlay tan USA waan la hadli doonaa UN waa la socdaan oo iyagaa shirkii goob joog ka ahaa waxaan ku rajo weyn nahay in la fuliyo hishiiska

S, Intee in Leg ayaa ka rajo qabtaa in hishiiskan fulo oo laguna dhaqan galo

J,Ahmed, Anigu waxa aan ahay howl gab lacag kuma qaato waxa aan rajeyn inay dareeman Soomaalida in aan ahay nin diyaar iib geynta Xaalada Soomaaliya

Ugu danbeyn Ahmed Oloud Abdala ayaa ka baaqay in wax lala qabto talo iyo Tusaale in qurbjoogta Soomaalida ay door weyn ka ciyaaraan dibu dhiska dalka, Hadii aad hishiisaan cidna wadankiina majoogi karto waxaa tihiin dadk isku Diin dhaqan dhalasho ah ee iska ilaawa waxa idin dhex yaal

Zakariye Xaaji Maxamed (Somali Youth Union)

Sakariye85@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS