Kala jabka isbahaysiga
Asmara: Ifafaalo rajo.
Dadka Soomaalida ee wadaniyiinta
ah ee halganka kula jira
gumeysiga Itoobiya waxay kala
hor-tageen kala-jabka ka soo
yeeray isbahaysiga Asmara,
cabsi, shaki, niyad-jab aan loo
meel-dayin, iyaga oo ku doodaya
in kala jabka uu ka faa’idayo
cadawga umadda oo kaliya, balse
aysan fursad siinin dadaalka
lawado ee looga golleeyahay in
xal lagu gaarsiiyo Soomaalida,
loogana saaro cadawga Itoobiya
dalka.
Waa xaqiiq in kala-jabku guud
ahaan aanu wax wanaag ah lahayn,
hase ahaatee arimaha qaar waxaa
laga yaabaa in xalkuba ku jiro
kala-jabka laftiisa. Ilaalinta
midnimada darteed ayaa
maxaakimta waxay galiyeen kooxo
mayal’adag, dagaalkii cadawga
Itoobiya ay ku qabsatay
Soomaaliya, dad badan oo
Soomaalinimo doon ah oo ka mid
ahaa maxaakimta ama
taageersanaa, ayaa ka aamusay
xilligaa isaga ah, dagaalka ay
dhankooda ka iclaamiyeen kooxdan
aanan akhriska fiican u lahayn
diinta Islaamka iyo aduunka aynu
maanta joogno labadaba.
Wacyi la’aantaasi waxey ina
dhaxalsiisay waanu ujeednaa,
gumaysi, sharaf-dhac, burbur,
malyan iyo bar Soomaaliyeed oo
ku tabaalaysan, macaluulna ku
haayso duleedka caasimadoodii
Muqdisho, qax iyo barakac ka
dhacay dhamaan magaalooyinka
koofurta Soomaaliya iyo Itoobiya
inay u hibeeyeen hadiyad ay
waligeed raadinaysay oo ah in
aduunka u xalaaleeyo galitaanka
Soomaaliya. Itoobiya waxay ku
heshay taageero aduunka badankii
waxay ka gaysatay Soomaaliya,
dawladaha carabta iyo kuwa
Islaamka ayaa ugu horeeyay wax
taageera weerarka gardarada ah
ee Itoobiya, oo ay hor kacayaan
Masar iyo Sacuudiga.
Reer-galbeedka oo ah quwadda
jirta waxay Itoobiya u garab
istaageen si buuxda.
Sababta keentay in aduunka
inooga hiiliyo Itoobiya, ma aha
mid si fudud looga jawaabi karo,
sida dad badani oo Soomaali ah
ku doodaan oo ah in aduunka
xilligan yahay gaalo iyo gaalo
raac. Haddaba ma Soomaalida
maanta, ee iyadaba is cunaysa
ayaa ka muslinsan dunida
muslimka inteeda kale?
Arintu intaa ka culus!!!!
Jawaabtana waxay noqon
kartaa, in dunidu ku guul
dareysatay inay fahmaan garabkii
markaa majaraha u hayay talada
maxaakimta sida ay doonayeen in
dunida uga mid noqdaan, caalamka
waxuu ka filayay inay ku hadli
doonaan codkii Soomaaliyeed ee
dunida ka maqnaa mudo todobo iyo
toban sano ah, balse waxay
dunida la kulantay dad ku
hadlaya cod kale, calankii
buluuga ahaa hoos ayay u
dhigeen, luqadii Soomaaliga
waxay sheegeen inaan loo
baahnayn, dhaqankii Soomaalida
waa la inkiray, xuduudii aduunka
inagu yaqiinay mugdi ayaa galay.
Iyadoo cadaabka la baday
shacabka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan Koofurta Soomaaliya uu ka
sii darayo, ayaa dunida markale
soo jaleecday Soomaaliya ka dib
dayradii warbaahinta iyo qaylo
dhaantii aduunka nabadda jecel,
laakiin waxaa nasiib daro ah
dadkii shalay nabaddii iyo
xuriyadii ceelka ku riday inay
doonayaan inay haddana ka
arimiyaan dadaalka cusub ee
nabad raadinta, doonayaana inay
caqliyadoodii guracnayd ku
sharxaan dhibka Soomaaliya
maanta ka taagan.
Wadahadalka ma aha doonista
garabka Djabouti oo kaliya, ee
waa rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed, sidaa darteed;
waxay iila muuqataa in garabka
hadda jooga Djibouti ay galeen
xaalad adag:Inay ilaaliyaan
midnimada isbahaysiga Asmara iyo
inay qadiyada iyo shacaka
Soomaaliyeed dhankiisa
xigsadaan, go’aankoodana; waa
ifafaalo rajo fiican oo ku soo
biirtay goobaha lagu kariyo
siyaasada Soomaaliya.
Hadaba sababaha hoos ku qoran
iyo kuwo kale oo badan ayaa
dhiiri galinaya doorashada tubta
wadahadalka:
- In dhibaatada
Soomaaliya lagu
xallinwaayay qori la
yuurur, oo waxaan
haysanaa khibrad dheer
oo la xiriirta arinkaan.
- Sheekada
Itoobiyaanka; ma aha
Itoobiya qabsatay
Soomaaliya ee waa
Itoobiyaan u qabtay
aduunka kale Soomaaliya,
wayna cadahay beesha
caalamka iyo kaalinta ay
ka cayaarayso
mushkilada. Sidaa
darteed; waxaa muhiim in
lala fariisto beesha
caalamka oo lagu qanciyo
in Itoobiya wadanka laga
saaro.
- In loo dhago
nuglaado xasuuqa iyo
macaluusha ku habsatay
shacabka Soomaaliyeed.
Markii heshiis la
galayana waxaa lama
huraan ah in la
tixgaliyo dareenka,
duruufaha dadka qadiyada
ka dhaxeeyso.
- Dagaalka mar walba
oo uu sii daba
dheeraado, kornayl Gabra
na uu ka arimiyo
caasimada Muqdisho,
waxaa mugdi sii gali
doona dowladnimada iyo
qaranimada Soomaaliya.
Hadafka ugu weyn ee shacabka
Soomaaliyeed waa in Itoobiya
dhulka laga saaro, taana waxaa
lagu gaari karaa xanuujinta
cadawga oo la joogteeyo iyo in
laga garab furo dadaal
diblimaasiyadeed. Waxaa intaa oo
dhan ka sii muhiimsan in laga
koro caqliyadii keentay xaalada
maanta wadanka iyo dadku marayo.
Waana qodobkaas kan lagawada
xaajoonayo shirarka
dib-u-heshiisiinta ee Djabouti
ka soconaya. Lagu heshiiyaa ama
lagu kala tagyaaba waxuu mudan
yahay in la tijaabiyo lagana
dhursugo waxa ka soo baxa.
C/raxiim C. Shaafici
Email: shafieuk@gmail.com