SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Jawaasiistii Safaardda Itoobiya ee Koonfur Afrika oo ka qayb qaatay xuskii 20 Gimbot

Maalinimadii Arbacada ee 28 kii May 2008 ayaa waxaa Itoobiya laga xusay maalinkii Mingistu xukunka lada tuuray oo ku beegnayd 28 May 1991kii,wakhtigaas oo ay talada wadanka lawaregeen Ururka TPLF ee Tigreega oo ku raad gatay EPRDF.

Hadaba xuskii maalinkaas ee ay qabatay safaaradda Itoobiya ee wadanka Koonfur Afrika waxaa jiray Rag mudaba ka shintirinayay oo qayb galay waxaana raggaas kamid ahaa:-
  • [Magacyada qoraaga kala xiriir]

Hadaba akhristoow qormadan waxaad kaga bogan doondaa arimo badan oo muhiim ah isla markaana ay bulshadu iswaydiisay marar badan.

Mar walba waxaa jira loolan adag oo udhexa xaqa iyo baadhilka,taasoo soo jirtay illaa iyo intii aduunyada la askumay wuuna socon illaa lagaadho qiyaamaha,sidaas oo kale waxaa loolan kujira gumaysiga iyo gumaysi diidka,adoonsiga iyo adoonsi diidka.

Tigreega iyo dadka Ogaadeenya waxaa udhexeeya hardan adag oo kasoo farcamay hardan facwayn oo qaatay dhowr qarni,sidaas daraadeed meelaha hardanku kasocdo ma aha oo kaliya jiidda hore ee dagaalka ee meel kasta oo dunida dacaladeeda ah waxaa kasocda dagaal adag.

Safaaradda Itoobiya ayaa waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay sidii ay usamaysan lahayd dad reer Ogaadeenya ah oo ku xidhan safaaradda kuwaas oo safaaradda uqabta shaqooyinkan:-

  • In dadka ay kusoo xidhaan Safaaraddda
  • In mar walba dadka aan sida dhabta ah ula soconin xogta Itoobiya lagu cabsi galiyo in Itoobiya ay aragto meel kasta oo uu joogo,sidaas daraadeedna uu ku dhiiran waayo taageeridda halgankiisa.
    In ay Safaaradda usoo gudbiyaan hadba heerka uu marayo waxqabadan jaaliyadda iyo saamaynta ay jabhaddu keeladay bulsho waynta Ogaadeenya ee kunool Koonfur Afrika.
  • In ay si wayn uga muuqdaan xafladaha Itoobiya ee ay qabanayso safaaraddu,si loo sheego in ay Itoobiya haysato taageerada dadka Ogaadeenya ee kunool Koonfur Afrika.
  • In Mar walba ay shirqoolaan dad aan ku raacsanayn falkooda jaajuusnimada,laakiin ay si dhorrof la'aan ah ku geeyaan faraadda iyo meelaha ay ka dhacayaan xafladaha Itoobiya.

Haase ahaatee Itoobiya way ku guulan wayday in ay gacanta usoo galaan dadka Ogaadeenya gabi ahaanba,marka laga reebo tiro yar oo ay kamid yihiin kuwan magocoodu kor ku xusan yihiin iyo kuwa kale oo aan magocooda iyo sawiradoodaba kuxusi doono qormooyinka dambe.

Sadxeda nin iyo kuwo kale waxa ay siwayn uga qayb galeen xafladdia xuskii 20 Gimbot ee sanadkii 2007 kii ee ay qabatay safaaradda Itoobiya ee Koonfur Afrika,xafladdaas waxa ay geeyeen dad badan oo runta ku baraarugay markay ishoodu qabatay Tigree sar-saran, dhagahooduna maqleen luuqaddii Axmaariga ee dadka Ogaadeenya ay xasaasiyadda ku qabeen ah midda meesha ahmiyadda kaleh.

Waxa ay mar kale ka qayb galeen xuskii labo kun guuradii Itoobiya (millenniumka) oo ku beegnaa 13 kii Septemper 2007 kii,xafaladaas waxa ay geeyeen dad gaadhayay 30 ruux oo reer Ogaadeenya ah, oo badankood hawsha loo sikhiray,laakiin markii dambe lawada ogaaday in nimankani ay dadka shirqooleen.

Warar aan ka helnay qaar kamid ah ka qayb galayaashaas ayaa sheegayay in ay jireen shakhsiyaad khamri loo qariyay,oo mar dambe ogaaday in waxa ay cabeeni uu ahaa khamari,meeshaas waxaa ka dhacay mashaqo badan oo sababteeda ay lahaayeen sadexdan nin iyo kuwo kale oo hadda ay isku noqdeen Dawarsato dariiqay ku coloowdaa.

Kasoo gudub waxaa mar kale laga qayb galay xaflada lagu soo dhawaynayo safiir cusub oo loo soo magacaabay safaaradda ahna kan hadda fadhiya safaaradda,xafladaasna inkasta oo ayna badnayn dadka raacay laakiin hadana way jireen dad raacay oo kala qayb galay xafladaas lagu soo dhawaynayay safiirka, isla markaana safaiirka labarayay jawaasiista ushaqaysa safaaradda magaocooda iyo muuqoodaba,safiirka cusubaa ayaa xafladaas ka jeediyay qudbad oo ku sheegay in Itoobiya ay Kililka 5aad gaadhsiisay horumar balaadhan oo dhan walba ah,isagoo sheegay in la sameeyay wadooyin laami ah,in isgaadhsiintii meel kasta oo kililka ah ay gaadhay,in dawladdu kililka ay usamaysay mashaariic aad ubadan oo horumarineed kuwaas oo si wayn loogu aayay.

Hase ahaatee nin kamid ahaa dadkii uusan iimaanku ka dhimanin ee lasoo shirqoolay ayaa istaagay markuu safiirkii dhameeyay hadalkii, waxa uu ku bilaabay hadalkiisii "Waxa aad sheegayso waxba kama jiraan mana hayno warkaas laakiin waxaanhaynaa in dadka aad iska laysaan sabab la'aan,in dadka la iska xidho bilaa maxkamad,aniga adeerkay oo aabahay walaalkii ah ayay bishii hore dileen ciidamadiinu,dhanka horumarka ee aan sheegayso waxba kama jiraan magaalada Baabili iyo Fiiq oo isu jira in kayar 150 Km waxaan usoo dhaxnay 3 habeen,marka xageebay jiraan wadooyinka laamiga ah ee aad sheegayso?"

Safiirka maadaama oo loogu sheegay in dadka meesha isugu yimid ay yihiin jawaasiistii safaaradda ma uusan filaynin in cid hadalkiisa beeninaysa ay ka daba hadli doonto,hase ahaatee wiilku markii uu hadlay wuu naxay oo in mudo ah wax uu ku jawaabo ayuu la'aa, markii dambe ayuu yidhi "waan ka xumahay in adeerkaa ay ciidamada dawladu ay dileen, arintani waan soo baadhaynaa ee magacaaga ii sheeg ayuu wiilkii kuyidhi".

Waxaa kale oo uu safiirkan cusubi qudbadiisa u balan qaaday jawaasiista iyo cid kasta oo xidhiidh lasoo yeelata safaaradda magaalooyinka waawayn ee Ogaadenya laga siin doono boosas iyo in lasiin doonto laysanka ganacsiga ,arintan oo noqotay midda ugu way ee sii hanbooriday jawaasiistan.

Wakhti aad ubadan markii jawaasiistan ay safaaraddu ku qasbaysay in ay safaaradda kusoo xidhaan dad udhashay wadnkaas ee ay wayaayeen wax bulshada Ogaadeenya kamid ah oo raaca ayay Bishii 21 kii October waxa ay safaaraddu qabatay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen ugu yaraan 47 ruux,halkaas oo ay safaaraddu samaysay magac jaaliyadeed oo ay qaataan adeegayaayshani, waxaana loo bixiyay (Ethio-Somali Association of South Africa) waxaana khilaaf reereed iyo muran badan kadin la doortay:-
o gudoomiye
o kuxigeen
o Arimaha diinta
o Xaliyaha khilaafka guud iyo kormeerka

Dhismahaas markii la sameeyay waxaa markiiba ubilaabantay in si wayn loogu sharciyeeyay jaajuusnimadii iyo mukhalasnimadii ay isku dhex wateen oo ay usii qaraxday,shakhsi walba oo safaaradda warqad uga baahda waxaa lagu xidhay R1000 ,qofkii aan haysaninna waaxaa laga dhigay nin warqaddaas helitaankeeda uu cirku uga dhow yahay.

Dabeecadda lagu yaqaqano daka mukhalasiinta ah waxaa kamid ah in wax walba ay ka dhigaan wax adag si furdaamintiisa loogu huro lacag adag,mukhalasnimadii noocaas ahayd ayaa waxaa lagu sii darsaday jaajuusnimo sharciyaysan,mudo markii arintaas lagu shaqaysanayay ee ninba ninka uu soo gaadho uu ka qaadanayay lacagtaas iyo wixii kale uu dadka ee qofka ka qaadi karo ayaa waxaa ku kala dhex yimid khiliaaf wayn oo soo kala dhex galay jawaasiistii.

Maamulka Tigreega ee talada Itoobiya haya dhaqankoodu waa dhaqan jabhadeed,waayo wali kama uusan hadhin hab dhaqankii jabhadnimo oo ay soo moogyihiin uun 17 sano oo qudha,sidaas daraadeed si kasta oo ay ugu adeegtaan jaajuuska hadana waxa ay mar walba ogyihiin cawaaqib xumada uu leeyahay jaajuusku iyo sida uusan umudnayn in loola macaamiltamo sida qofka caadiga ah ee waxna diida waxna yeela,waxa ay sameeyaan jawaasiista uwada adeegsa ee midiba midka kale uu xoogga saarayay sidii ugaga dhawaan lahaa ayay mid walba wax gooni ah usheegaan,taasoo ah in isaga oo kaliya uu yahay ninka larabo ee daacadda ah, kuwan kalena aan loo baahnayn,marka mid waliba isagoo isu haysta in uu yahay midka ay safaarddu ku kalsoon tahay ayaa foodda la is daray,sidaan horay uxusnayna khilaafkaas salkiisu waxa uu ahaa Dawarsato dariiqay ku colowdaa, midda kale ninkii oo dheeraynayay ayay mid kale uyeedhan oo ay kii hore liifadda ka gaabsan,kan laga tagay lagama rajo qabo in uu quusto ee isna wuxuu isku dayi sidii mar kale uu uheli lahaa kalsoonida Tigreega.

Markaas waxaa loo kala jabay labo garab oo garab walba uu ka kooban yahay dhowr nin,sidii caadada jawaasiista ahaydna waxa ay markiiba isku bilaabeen in ay iyagu isku dacweeyaan safaaradda,iyadoo garabba markii kiiska uu ku oogayo kan kale uu sheegayo in ay lashaqeeyaan ONLF,waxayna isla gaadheen heerkii ugu saraysay illaa mar ay umuuqatay in garab kamid ah labadii garab uu liicay.

Sikastaba ha ahaatee raggan oo rumaysay balanqaadkii Safiirka ahaa in lasiin doono license iyo boosas ayaa waxa ay marar badan utageen magaalada Jigjiga si ay helaan balanqaadkaas,hase ahaatee si wayn ayay ugu soo hungoobeen iska daa wax lasiiyo e qaarkood waaba laxidhay halka qaarka kalena ay fara caaradood ku baxsadeen,waxa ayna dib ula soo noqdeen gacma madhan iyo guuldarro,markii ay yimaadeen iyadoo uu aad uga muuqdo hungowgii ay kasoo qaadeen Jigjiga ayaa waxa ay yimaadeen fasaarddii oo iyaduna looga hoos maray oo ay gacanta kudhigeen garabkii kale ee jawaasiisnimada.

Dhinaca kale hadii aad fiiriso noocyada safaaradda South Africa ay uhawl galiso jawaasiisteeda waxaa kamid ah nooc qabiil oo ruux walba lagu dhihi waa in qabiilkiina aad keento safaaradda,waxaan idiin sahlaynaa waxyaalo badan waxaanuna idiin aqoonsan doonaa in aad Itoobiya daacad utihiin,sidaas daraadeed ayaa qaar kamid ah jawaasiista ay reerkooda kula soo cawdaan in loo ciidmo,dhaqanka Tigreegu isu ekaa haduu joogo Jigjiga ama Muqdisho iyo haduu joogo Koonfur Africa.

Daraasad dheer oo ay jaaliyadda Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika ku samaysay waxaa soo baxday in ay iyagu yihiin kuwa safaaradda Itoobiya ciddii hawl uga baahata meel fog ka geeya,dad badan oo rabay in ay safaaradda ka helaan Vissooyin iyo qaar kale oo rabay in ay helaan warqadda Go home ta ah oo ay lacago badan ka qaateen waxna usoo dhamayn waayeena ayay markii damnbe dadkii ay go'aansadeen in ay iyagoo aan sii marin jawasiista toos utagaan safaarada,kuwaas oo wixii ay rabeen ku helay wax kayar 10 daqiiqo,hadaan wax yar ka xusno dhacdoyinkas waxaa kamid ahaa,
Waxaa jiray wiil rabay go home oo laga qaatay R1000 oo markii mudo ka badan 3 bilood ay usoo dhamayn la'ayeen waxba uu isaga laftiisu go'aansaday in uu meesha aado,hase ahaate markii uu safaaradda tagay wakhti yar ayuu ku helay wixiuu rabay.
Nin kale ayaa isna ayaa isna ubaahday visa waxa ayna jawasiistu usheegeen in arinmahaas ay safaaraddu joojisay oo aan lahelaynin (si lacag wayn uu qofka baahani ubixiyo) hase ahaatee markii ay talo ku cadaaday ayuu kaligii tagay safaaradda waxa uuna wixii uu rabay usoodhamaystay si sahlan.
Kuwo kale oo badan oo noocaas ahina way jiraan,oo qarkood markii ay ogaadeen in laga hoos guuray oo lasoo dhamaystay ay ugu hanjabeen in ay ka kansali doonaan.

Kadib dad badani waxa ay ku baraarugeen in waxa safaaradda ku cabsiinayaba ay yihiin nimankan mukhlasiinta iyo jaajuusnimada wada jira kula dhex jira bulshada,waxaana halkaas kasoo food saartay suuq xumo wayn oo ay aad uyaraadeen dadka uyimaada ee ubaahan in safaaradda looga mukahalso.

Maadaana oo safaaraddu ay rabtay in ay dad hesho nimankan wax yaabaha lagu hawl galiyay kamid ma ahayn in dadka qofkii wax uga baahda safaaradda lacag laga qaado,hase ahaatee markii ay ku cadaatay in uulacag uu qaato gudomiyaha jaajuusinta Inshaar ayaa waxaa laga mamnuucay in uu safaaradda soo galo isaga iyo xuludafiidiiisii,waxaana loo sheegay in qof dambe oo ay iyagu wadaan uusan waxba uga hirgali doonin sfaaradda.

Badhtamihii bishii April 2008 ayaa safaaradda waxaa la soo amray in ay usii diyaar garowdo xuska millenniumka Itoobiya ee lagu qaban doono xarunta baarlamaanka Africa(Pana African Parliament) oo kutaala magaalada Johannesburg,sidaas daraaded waxa ay safaaraddu u xayd xaydatay sidii uqaban lahayd kulamo badan oo loogu gogol xaadhayo sidii xafladdaas ay uga soo qayb gali lahaayeen dhamaan dadwaynaha Ogaadeenya iyo kuwa Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu maanta kujira gacanta Itoobiya,hadaba kulankaas ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli jawaasiistii ay kala qaybsanaayeen oo deeradu ay dhexdooda miranayso,hase ahaatee iyadoo labadii garab midkoodna latix galinin ayaa shirkii laqabtay waxaana kasoo qayb galay dhamaan dadkii goob joogga ka ahaa dhismihii maamulka kusheegga ee la sameeyay 21 kii October,waxaana halkaas lagu magacaabay gudoomiye cusub oo kamid ah raga garabka bidix ah,waxayna safaaraddu labadii garab oo loo badinayo in midkoodna uusan meesha joogin lagu armay in ay fuliyaan go'aanka shirka kasoo baxay oo ujeedadiisu ahayd in dadka si wayn looga soo qayb galiyo maalinta xuska.

Hadaba maalintii baarlamaanka afrika uu dhagaysanayay Millenniumka afrika oo ku beegnayd 09 kii May 2008 ayaa waxaa xafladda ka dhex muuqday hogaamiyayaashii labadii garab oo mid waliba uu diyaar u ahaa in maanta si wayn ay uqabtaan indhaha Tigreegu si markaas loo kasbado aaminaadda Tigreega.

Isku soo wada duuboo akhristoow ruuxa cabsidu ay ugaysay in uu jaasuus noqdo ama qofka gaajadu ugaysay in uu uadeego cadawga ee aynu layaabi jirnay waxaad hadda aragtaa niman lacag la'aani ayna haynin isla markaana la dhihi karo waxa ay haystaan nolol ka kaafidda dulliga ayay hadana maalin ilaah keeno ukallah guurayaan safaaradda.

jaaliyadda Ogaadeenya ee Minnesota ee Cariga Maraykanka ayaa markay isbar-bar dhig kusamaysay jaajuuska gudaha ee loo yaqaano dabaqoodhiga iyo kan dibadda ee isagu iskii isu qaba ayaa waxa ay ubixiyen kan dibadda (Waxba qoodhi) taas oo macneheedu yahay ninka gudaha ee laydhahdo dabaqoodhi waxa uu qoodhi uyahay nin Tigree ah oo dhulkiina haysta mar kastana qori la ag taagan,laakiin kan dibada jaajuuska ku ah ee isaga qorina aan lala ag taagnayn dhulkuna yahay dhul aan laga adkayn waxa uu noqonayaa Waxbaqoodhi.

Gabagabadii iyo gunanadkii waxaa laga wada dharag san yahay dadka Ogaadeenya iyo cadawga Tigreegu heerka ay isla marayaan oo ah ili aragtay meel kasta oo la iska soogaadho colaadda iyo cadaawadda heerkaas gaadhay ragga sidaas raaliga kaga ah ee maalin layl utafa xaydan dulaynta iyo gumaynta umadooda ee si kasta ay bulshadu uga digtay waxaa lama huraan in qofna uusan ku kadsoomin nimankaas dub muslinlayaasha ah uusanna u arkin in uu ehel yahay,qof kasta oo naruuro mooda in ay wax usoo dhamayn karaana ha ogaado in qofku isaga oo raadsada waxa uu rabo ay ka muhiimsan tahay in iyaga la adeegsado

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS