SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


HELLO SHEEKH SHARIF HAL MA KU IRAAHDA

Dhihi mayo sidii C/laahi Fiidow Cali Gar leh Caydiidna gar leh, waxaan leeyahay arrinta la isku hayo asalkeeda waxuu ka yimid shirkii aad adiga iyo Shariif Nayroobi ku soo gasheen hadana aad qarsateen, abwaanadda reer Cadale ee shiribka hodonka ka ah ayaa waxay yiraahdan ‘ Kumi nin qaatey keeni maa kamana maarmo kii lahaa’ hada runtu waxay tahay in qilaafka xalkiisu ku jiro talada oo aad intii kula lahayd u celiso hadiise warkaagu noqdo halhayskii Maxamed Ibraahim Cigaal uu 1968 yiri ‘ labaddii qeerinka ku qaybsataa bisaylka kuma dirirto ‘ waxay ila tahay caqabadahani ku sugayaan:-

1- Sidda warbaxin reer Yurub iyo Mareykankan ay soo saareen ay qorayso ilaa in kabadan saddex kun oo Itoobiyaan ah iyo ku dhawaad 1500 oo marya calas ah ayaa sanadkii 2007 muqaawamo aad madaxda u ahayd dishay , hadaba marya calastii waa ridoobay lagu dilay xukunkaasi markaagu ku sugi hadaad awooda C/laahi la qaybsato, dad kale iska daaye wiilashii Cabdalle Warsangali ee magaca Geedi iyo Maxamed Dheere loo dilay oo rido lagu xukumay waa ku sugi, Celi agoonyarkii Salaad Cali Jeelle qalday hadaad meeshay joogeen ugu tagtay aaway shareecada nagu dishay ayeey kaala horimaan, Gaballe Muusihi oday Cali Mahdi laga karaama tiray iyana ganbar gaaban bay kuugu fadhiyaan, labada Jarmalka Muuse Suudi ka dhashay oo la gacan baneeyey iyaga warkood daa, Cumar Galmaax taajkii Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin waayey, kursiga Nuur Cadana wayey waa ku sugi, intii mabda diini ah aad ku kala tagtaana waa ku sugi, tiiyoo ay kuu wehliyaan beelaha kale ee ridada lagu xukumay oo rag iyo damacba ku waayey riwaayadda meermeertada iyo madhamaatada isagu jirtaa guriga aad u socotay ka jirtaa.
2- Muqaawamo Jabiso iyo Alshabaab awalaysan gacan kuugu jirin, inta hartay qaarna waa ku raaci qaarna waa kaa hari miisankii mucaaradka oo aad matalaysana halkaasuu ku lumin qiyaastaydu ma ahan inaad meeshii Cabdi Iman gaari laakiin hankaagu hoos buu u dhici.
3- Ninka aad u socoto inaad wax la qaybsato waa C/laahiye waaguu SSDF ahaana tolkiis waxay ugu gabyeen’ ka tag talo xume u tag talo xume anna tala xume waa tabtaan nahay’ hadda intaad masraxa siyaasadda ku jirtayna waxaa dhaqankiisa kaaga filan been masheege Geedi siduu u galay, Nuur Cadde masraxa maalintuu soo galay erayga dibuheshiisin bay ku dirireen adigu dibuheshiisin+diin markaad ula tagto inta aad isla shaqaynaysan yaraa ama Gabayruu kaa dhigi ama ur iyo jiha la baad ku wada joogi.

Sheekoow laba arrimood hadii aad keento magacagu waa badbaadi tan koowaad Itoobiyoo la bixiyoo iyo dalkoo dowlad kale loo dhiso waayo kuwan hadda dowlad sheegta Itoobiya way ka fog yihiin, raga Asmarana daad baa qaadi hadaad labadaas hesho hadii kale ha is karaamo seejine intaad Emgaati u tanaasuli lahayd xertaadi Asmara u tanaasul oo talada dib ugu celi si midnimadiinuna u jirto wadada dibuheshiisintuna macno u samayso.
Ogow Shariifow wax kasta oo aad Eretareeya ka tirsanaysa waxaad xisaabta ku darsataa inuusan jirin dal kale oo muqaawamo saldhig ay Itoobiya kala diriraan siinaya, waxaad xisaabta ku darsataa inkastoon Jabuuti joogitaanka Itoobiya ogolayn hadana aysan koox dagaalamaysa saldhig siinayn, Yeman waligeed cadowga Soomaali bay la jirtay waana saldhigyada C/laahi.

Dib u xasuuso jabkii dagaalkii 1977 waxaa qayb ka ahaa siyaasadda dibadda oo qaldantay kadib markii Ruush la cayriyey Mareykana wax noo qaban waayey waaba hadii aad rabto inaad sii ahaato garab Asmara ka jaba oo dagaalama, gurbaanka bulshadda caalamka ma sii qodna mana aha mid aad uga tanaasuli karto masuuliyada ALLE dartii laguu igmadey, miyaadan xisaabta ku darsan Alislaax iyo Qaadiriya mooye cullimo inteedi kale inaad jihad ku wada jirteen oo xisaabta ALLE ka sakow cullimo kaa rabto wixii lagu doortay, shacab kaa rabo wixii loo dilay ee ahaa sharciga ALLE in la isku xukumaad la diidan yahay, labada malyan ee qaxday, tobonka kun ee dhimatay , kumanaanka cayrtoobay, kuwa dhawaca maxaad ka iibin kitaab ma wado oo dastuurka Emgaatiuyan wax ku qaybsan, mar labaad waxaan kugula talin wax kasta oo aad tirsanyso ragaagi talada ula laabo.

Maanso Hadraawi tiriyaa waxaa ku jiray’ dadku maahan kii hee laba jeer qaldamayee shalay iyo doraad jiray, dadku maahan kii hee intay daaf ka guuraan daacuun u raran jiray, dadku maahan kii hee markay door samaystaan dabarkoodu goi jiray’ hadda waxaan ku leeyahay Dimoqraadiyad lixdankii baa la soo arkay musuqmaasuq iyo cunug dibitaati kali baa wax baran karaana laga macaashay, hantiwadaag la soo arag oo xabad taangi baa laga macaashay, qabyaalad dastuur ah sideed iyo tobonkii sanaa la soo arkay oo burburkan iyo halaag baa laga macaashay, lixdii bilood nabada iyo barwaaqadda la helay ma ahayn adiga iyo Xasan Daahiroo hogaan ehe waxay ahayd shareecadda isku xukunkeeda , walaan barlamankii Itoobiya ansixiyey iyo bulshadda caalamkoo Mareykan u horeeya shareeco kaa yeelayne halganku waa dhow yahaye ku adkayso haddii kale durduri dib waxay ka noqtaan aragnee.

Waxaad ogaata Shariif Xasanka sheekadda kula jilaya in riwaaydiisu aysan ka duwanayn sheekadii dhex martay labadii dumarka ahayd ee wabiga Baladwayne u soo aroortay ee midna haruub uga dhacay wabigii midna wiil ee labadoodi midba wixii ka lumay u oyday oo tii wiilku uga dhacay ku tiri’ ha igu oohin darsan haruubkaas qaadee’ hadda Shariif halganka haruub baa uga dhacay kursi Emgati buu ku waaye wax kale kuma lumin.
Hogaamiyaheenoow warso waaya arag Cumar Xaashi oo sagaashankii shirkii Jabuuti oo Caydiid garabkiis u matalay wax aan garabkiis raali ka hayn u soo qaadey wixii ka dhashay, Warso Cusmaan Caato oo markii Caydiid dhintay iskadaa xile raggii bulshadda caalamkoo uu ku tashanayey xitaa cadkii walaalki dile u diideen, gabagabadi intaas oo talo ah kadib dadku halgan iyo shahado aaqiro inay helaan waxaan ahayn manta gacan kuma hayaan labadoda yeysan seegin.

W/Q CAANAGEEL
EX SUXUFI
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS