SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharxa Eng Faataxo Oo lakulmay Jaaliyada reer Puntland ee UK...

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday iimaan restaurant ee magalada london,

xafladaas oo ku saabsanayd soo bandhigida qorshaha musharaxa Eng Cabdilahi Cabdiqadir Cali oo u istaagay in uu qabto jagada madaxweyne nimo ee Dowlada Goboleedka.


Waxa Halkaas Hadalo Kala Duwan Kasoo jeediyay Aqoonyahana Siyaasiyiinta iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay xafladaas.

Musharaxa ayaaa waxa uu soo bandhigay wax yaalaha ugu muhiimsan ee uu wax ka qaban doono,-

SAWIRADA XAFLADDA HALKAN KA DAAWO...

-----------------------------------------------------


Dulmar kooban oo ku saabsan

Barnaamijka Waxqabadka

Musharaxa Madaxweynaha MG Puntland

Eng. Abdullahi Abdulkadir Ali (Faatoxo)



Macluumaadka musharraxa

Magac: Abdullahi Abdulqadir Ali

Gobta Dhalashada: Kismaayo, Jubbaland, Somaaliya

Da'da Musharraxa: 43 sano jir


Luqadaha uu ku hadlo: Soomaali, Ingiriis, Talyani iyo Carabi

Aqoonta musharraxa:

1973-1984: Dugsiga Hoose ee Maxamed Jaamac, Kismaayo; Dugsiga Hoose /Dhexe Galdogob; Dugsiga Sare Cumar Samatar, Gaalkacyo, Soomaaliya

1986-1987: Kuliyadda Beeraha, Jamacadda Umadda Soomaaliyeed, Afgooye

1987-1988: Leyli Sarkaal, Kuliyadda Ciidanka Cirka Somaaliyeed, Muqdisho

1988-1996 (8 years): Leyli Sarkaal, Kuliyadda Ciidanka Cirka, Accademia di Puzzuoli, Napoli, Italy;

1989-1996: Kuliyadda Engineria Aeronautica (Qaybta barashada Diyaaradaha), Universita' Degli Studi Di Napoli, Federico II, Napoli, Italy

1996: Qualified professional aeronautic engineer, Napoli, Italy;

1997-1998: Started dottorato di recherca, Ingegneria Aerospaziale, Politecnico Di Milano, Italy;

2005-2006: Effective manager and understanding organizations, Barkbeck University of London, London, UK;

Khibradaha kale ee musharraxa


1984-1986: Macalin dugsiga sare ee Cumar Samater, Galkacyo

1996 –1998: Quality control engineer for ellectric and sound appliences, Co.E.Fra (Cooperativa Elettronica Fraternita'), Milano Italy;


2003-2004: Natwark Injineering, Direct Treaning Compurer (DTC), London, UK;

2000-2004: Co-founder, Treasurer and teacher of Mathematics, Somali Education Centre, Islington London;

Himilada Musharraxa (My Vission)

"Himiladaydu waa in Puntland noqoto meel qof kasta uu jeclaysto inuu ku noolaado, ubadkiisa ku korsado, maalgashado, kuna faano."

Himiladayda muhiimadeedu waa kor u qaadista tayada nolosha qof kasta oo ku nool deegaannada Puntland. Waxaan ku dadaalayaa in aan ka dhabeeyo hirgelinta himiladan dhammaanteed ilaa iyo dabayaaqada xilliga mas'uuliyadda la ii doorto, hadii Alle idmo. Waxaa hubaal ah, haddii aan si wada jir ah isgu duubnaanno, waxaan Puntland ka dhigi karnaa meel qof kasta oo naga midihi uu ku faano, ubadkeenunu u aayo, oo barwaaqo sooran ah. Haddaba, haddii la ii doorto mas'uuliyadda Puntland, waxaa balan iga ah in aan u hawl galo sidii qof kasta oo reer Puntland ah uu ugu noolaan lahaa cadaalad, nabadgelyo iyo xasilooni; sharciguna uu hogaaminayo.

Barnaamijka Waxqabadka ee Musharraxa (My Mission)

· Wax ka qabashada maamulka

Waxaan mudnaanta kowaad siindoonaa maamul wanaagsan oo saldhig looga dhigo wada shaqayn buuxda oo ka dhaxaysa golayaasha xukumadda, garsoorka, baarlamanka iyo taageerada dadweynaha reer Puntland, iyadoo laga duulayo ku dhaqanka dhabta ah iyo u hogaansanaanta dastuurka dalaka. Haddii Alle idmo, waxaan abuuri doonaa hay'ad madaxbanaan oo ilaalo joogto ah ku haysa hantidhowrka qaranka, una xilsaaran dabagalka iyo qaymaynta wixii horumar ah oo la gaaray (control and progress monitoring system), ilaalinta maamul wanaaga (conduct monitoring), islamarkaana u xilsaaran sixitaanka iyo toosinta qorshaha dhaqaale ee dowladda.

Qorshaha dardargelinta iyo dib u habaynta maamulku wuxuu ka koobnaan doonaa

a) maamul ku shaqeeya caddaalad kana fog eexda iyo qaraabokiilka

b) ku shaqeeya cilmi iyo farsamo (knowledge based government)

c) leh kormeer, ka warqab iyo xisaabtan (control, monitoring and book-keeping)

d) gaarsiisan dhammaan degaannada Puntland iyo nawaaxigeedaba

e) iyo kuwo kale oo aad u fara badan

· Wax ka qabashada amniga dalka

Waxaan sanadka kowaad mudnaanta siin sdoonaa, awood aad u badanna la saari doonaa wax ka qabashada arrimaha nabad-galyada, soo celinta dhulka maqan, sugidda xuduudaha Puntland. Waxaa si deg-deg ah loogu hawlgeli doonaa in la soo nooleeyo, awooddoodiina la soo celiyo hay'adaha fulinta sharciga ee ciidanka booliiska, maxkamadaha iyo xabsiyada. Haddii Alle idmo, waxay dawladdu u hawlgeli doontaa in la helo jawi nabadeed oo suurta galiya in sharciga iyo kala danbaynta gacanta sare ay yeeshaan; iyo weliba in la abuuro qaab kalsooni gelin kara hay'adaha ammaanka ee dawliga ah.

Qorsha sugidda Amaanka gudaha iyo dibadaba

a) Dhismaha Ciidan Tayo leh ( Booliska, Daraawiishta, Asluubta iyo Sirdoonka)

b) Abuurista hay'adda kormeerka iyo ilaalinta habsami u socodka hawlaha amniga (control system)

c) Diyaarinta jaangooyada dhaqaalaha ee hawlgalka amniga (security and stability budget)

d) Dhismaha Gole Guurti oo ka qaybqaata xassilloonida qaranka

e) Hagaajinta Nidaamka Koontaroolada Magaalooyinka.

f) Hagaajinta Nidaamka Xabsiyadda.

g) La dagaalanka Maandooriyayaasha iyo Anshax xumada

· Waxabarashada iyo Sportiga: Waxbarashadu waa halbeegga dhabta ah ee lagu cabiro horumarka bulshada. Qowmiyad walba hadii laga dhiso aqoonta, waxay qowmiyaddaasi noqonaysaa mid leh mustaqbal wanaagsan, awood badan, islamarkaana karaamaysan (The knowledge is a power and gives respect). Sidaa awgeed, waxbarashadu waxay saamayn toos ah ku leedahay tayada nololsha bulshada oo dhan.

Soptigu wuxuu ka qaybqaaataan caafimaadka guud ee jirka iyo kor u qaadidda fahmada ee aadanaha. Sportiga waxaa kale oo loo adeegsan karaa dhaqan toosinta dhallinyarada; kordhinta iyo adkaynta xiriirka bulshadda dhexdeeda. Waxaa intaa dheer, sportigu waa ilo dhaqaale oo aad muhiim u ah hadii si wanaagsan loo agaasimo.

Hadaba, doorashada dabadeed, waxaan ku dadaali doonaa inaan siiyo ahmiyd gaar ah (categorizing) iyo mudnaan wayn (prioritizing) soo nooleynta iyo tayo u yeellidda waxbarashada iyo cayaaraha ilaa heer caalami. Dawladda cusubi waxay wadashaqayn iyo xiriir wanaagsan la yeelan doontaa hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa deegaanka ee bixiya taakulaynta waxbarashadda iyo sports.

Qorsha horumarinta waxbarashada iyo sportigu wuxuu noqon doonaa sidan

a) Dib u habaynta iyo horumarinta barnaamijyada waxbarashada iyo sportiga

b) Is-waafajinta waxbarashada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay

c) Midaynta manaahijta kala duwan ee ka jirta dalka (unifying the education curriculums and policies)

d) Aasaasidda dugsiyo cusub oo farsamo ama mihinado (polytechnics)

e) In wadashaqayn lala yeesho jaamacadaha dalka ka jira

f) Iyo kuwo kale oo aad u tiro badan

· Caafimaadk: horumarinta iyo dardargelinta adeegga caafimaadku wuxuu ka mid noqon doonaa waxyaalaha aan siin doono ahmiyadda kowaad. Ahmiyadda caafimaadka bulshaddu uma baahna xusuusin, waxay u bahaan tahay oo keliya ficil, farsamo iyo farakuhayn joogto ah. Hadii la ii doorto mas'uuliyadda Maamul Goboleedka Puntland (MGP), waxqabadkayga ku aadan caafimaadku waxaa ugu horeeya in aan ku dadaalo in Puntland ay yeelato adeeg caafimaad oo tayo leh oo haddana haqabbax ah.

Waxqabadkayga ku aaddan caafimaadku wuxuu noqon doonaa sidan

a) Dejinta qawaaniinta horumarinta caafimaadka

b) Kormeerka iyo ka warqabka faya-dhawrka guud ee bulshada Puntland sida biyaha, cunnada, carrada (soil) iyo hawada

c) Horumarinta goobaha caafimaadka oo dhan iyo xakamaynta cudurada faafa

d) Agaasimidda iyo taageeridda rugaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay

e) Dhiirragelinta wadashaqaynta hay'adaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa degaaneed, iyo guud ahaan kuwa dawliga ahba ee bixiya taageerooyinka caafimaadka

f) Iyo kuwo kale oo aad u tiro badan

· Horumarinta gaadiidka (Dhul, Bad, iyo Cir): kaabayaasha (ilaha) dhaqaalaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah adeegga gaadiidka bulshada ha ahaadaan kuwa dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Tayada iyo habsami u shaqaynta gaadiidku wuxuu kale oo uu tilmaan u yahay heer horumarka bushada iska leh lafteeda.

Waxqabadkayga horumarinta gaadiidku wuxuu isugu jiraa sida soo socota

a) Dejinta qawaaniinta lagu maamulo horumarinta gaadiidka (diyaaradaha, doonyaha, maraakiibta iyo gawaaridaba)

b) Horumarinta aqoonta iyo tayada shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo dekedahaba

c) Sugitaanka ammaanka garoomada diyaaradaha Puntland

d) Dayactirka, dib u habaynta iyo horumarinta garoomada, dekedaha iyo waddooyinka Puntland oo dhan

e) Kormeerka iyo ka warqabka xassilloonida iyo isu-socodka gaadiidka Puntland

f) Horumarinta badbaadinta bulashada Puntiland gaar ahaan: ilaalinta shilalka, xakamaynta nooca iyo tayada gaadiidka dibada lagala soo dagayo, kordhinta tayada darawaliinta

g) Iyo kuwo kale oo aad u tiro badan

· Ka faa'iideysiga khayraadka Puntland:

Haddii la ii doorto mas'uuliyadda Puntland, waxaa iga go'an in aan xoog saaro dabargooynta saboolnimada, anigoo fiira gaar ah siinaya maatada iyo danyarta reer Puntlabd oo idil. Waxaan kale oo aan ku dadaali doonaa, haddii Alle idmo, in qof kasta oo reer Puntland ahi uu gaaro hodantinnimo iyo haqabbax dhaqaale.

Himiladan sare waxaa lagu gaari karaa:

a) In la horumariyo kaabayaasha ama ilaha dhaqaalaha ee hadda jira

b) In la horumariyo adeegyada dadweynaha, lana abuuro adeegyada aan hadda shaqayn ee soo hoyn kara dhaqaale xooggan

c) In la soo saaro kaydka qarsoon ee Puntland (patroolka, macdanta, biyaha, kalluunka iyo khayraadka kale ee badda)

d) In khayraadkaas si xaq ah loo wada gaarsiiyo bulshada Puntland oo idil

e) In tabaabushe iyo kayd loogu talagalo 200 ee sano ee soo socota

f) Iyo kuwo kale oo aad u tiro badan

o Khayraadka Badda: in bulshada lagu baraarujiyo ka faa'iidaysiga khayraadka bada.loona sameeyo hay'ad gaar u ah maal-gelinta, suuqgaynta iyo kobcinta kaluumaysiga iyo khayraadka badda. In kaluumaysatada dalkeenna lagu dhiirigaliyo inay sameeyaan iskaashato wayn oo midaysa danahooda iyo ganacsiga kaluumaysiga.

o Horumarinta Macdanta, Biyaha iyo Patrolka Puntland: waxaa kale oo aan mudnaan siinayaa la dagaalanka biyo la'aanta dhamaan deegamada Puntland. In sahamin weyn iyo soo saaridba lagu sameeyo macdanta iyo shidaalka gobollada Puntland ku jira.

o Xoolaha nool: in la horumariyo xannaanada, daawada iyo degaannada lagu dhaqo xooleheenna. in la tababaro xooladhaqatadeenna, loona sameeyo hay'ad gaar u ah maal-gelinta, suuqgaynta iyo kobcinta xoolaha nool. In xoolo dhaqatada dalkeenna lagu dhiirigaliyo inay sameeyaan iskaashato wayn oo midaysa danahooda iyo ganacsiga xoolaha.

o Daaqa iyo deegaanka: in loo tabaabushaysto ka hortaga abaaraha, daaq yaraanta iyo nabaad guurka. In la ilaaliyo ugaadha iyo duurjoogta dalka. In dib loo beero kaymaha, dibna loo kaymeeyo dhulkii xaalufay (re-forestration), la abuuro machadyo lagu barto arrimaha la xidhiidha deegaanka iyo duruusta cimiladda (environmental studies). In la sameeyo shuruuc iyo nidaam adag oo lagu dhaqo laguna ilaaliyo deegaanka iyo duurjoogta. In wadashaqayn iyo xiriir wanaagsan ay dowladu la yeeto hayada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ka shaqeeya, bixiyana taakulaynta iyo horumarinta daaqa iyo deegaanka.

o Ganacsiga iyo Wershadaynta: In la soo dhaweeyo lana dhiirigeliyo maalgashiga waxkasta oo faa'iido u leh bulshaddeenna iyo dhamaan deegaannada maamulka Puntland uu ka taliyo. In la xoojiyo siyaasadda suuqa xorta ah, ganacsatadana lagu baraarujiyo inay abuuraan shirkado si loo helo warshado yaryar oo ka qaybqaata waxsoosaarka iyo horumarka bulshada

Waxyaabaha kale aan wax ka qaban doono way fara badan yihiin waxaanse timaamayaa Sugidda Sharafta ama Karaamada qofka reer Puntlandka ah, Horumarinta Gobollada, Daryeelka Qoyska, Hidaha iyo Dhaqanka iyo kuwo kale. Waxaan rajeynayaa in aan noqdo mid Puntland ka saara dhibaatooyinka, ayna kaga tallawdo caqabooyinka hortaagan. Waxaan aniga iyo kooxda ila shaqayn doontaba ku dadaalaynaa in aan fujinno dhibka hortaagan Puntland, reer Puntlanna ay ku noolaadaan bash-bash iyo barwaaqo aniga dabaday. Waxaan jeclahay in aan qof walba dareensiiyo in aanan isu sharxin xukun jacayl ee aan isu sharxayo danta Puntland. Waxaa iga ballan ah, haddii Alle idmo, in ay Punland noqoto meel aan kulligeen ku faanno, maalgashanno, ubadkeennuna u aayaan, una baxsadaan taariikhaha inaga dambeeya oo dhan.

Maxamuud Maxamed XASan Shire
boocame@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 7, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS