Fari kama qodna faanoole
Fariin ku socoto maamulka iyo Shicibka Puntland
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib
akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahow iga gudooma salaanta Islaamka
(A.C.W.W).
Waxaa kasoo wareegatay 10 sanadood kadib markii
dhidibada loo taagay waxaa loogu yeero Maamul Goboleedka Puntland.
Waddamadan horumaray, mashruuc ma jiro la hirgaliyo, illaa waxaa daba
taagan wax la yiraahdo qiimeyn iyo xisaabtan ( Assessment and
Accountability ), xitaa shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha dowliga iyo kuwa
sida gaarka ah loo leeyahayba, waxaa lagu sameeyaa waxa loo yaqaan, (
Monthly Supervision ), oo qof walba miisaanka lagu saarayo bishaas
waxqabadkiisa, meelihii uu ku wanaagsanaa, iyo weliba halkii uu ku
xumaa. Kadibna la qiimeeyo inuu u baahan yahay tababaro dheeraad ah iyo
in kale. Runtii ma dhacdo wax ama shay iska socda bilaa qiimeyn.
Qiimeyntaas waxaa la marsiiyaa shirkaddaas ama hay’addaas kan ugu
sareeya illaa iyo ka ugu hooseeya, waxa kaloo qof walbaa loo qoraa wax
la yiraahdo Target, oo la doonayo inuu gaaro bisha soo socota. Waxaa
intaas u sii dheer inay shirkadaha leeyihiin waxa loogu yeero ( External
Monitoring ama External Auditing ), oo ah hay’addo ka madaxbannaan, oo u
taagan Qiimeynta shirkadaha ama hay’adaha. Waxaad arkeysaa warbixinno
bille ah ( Monthly report ) , oo ay hay’addu kaalin wanaagsan ku galeyso
ama ay galeyso wax loogu yeero ( Red Line ) , oo loogu digayo in ay
howlaheeda wax ka badasho. Horaanta bil walbaa hay’addu ama wey
ciideysaa, farxad ay ka heshay warbixintii loo soo gudbiyaya ama waxa
leysla dhex maraya cannaan iyo sidi wax loo sixi lahaa.
Nasiib darro annaga ka Soomaali ahaan, weliba ka reer
Puntland ahaan, qorshaha nooguma jirto waxa la yiraahdo la xisaabtan,
waagii dowladda Kacaanka, wey jirtay wixii la oran jiray (Xiaab xil M
aleh) Inkastoo iyaduba ay iska aheyd ( La jiifiyaanaa bannaan ), oo
ciddi la doono la saari jiray, kuwii la raban laga indho dadbi jiray.
Waxa dhici karta inay dad baddan is yiraahdaan, bal ninkan waalan arka,
oo isbar bar dhigaya dunidan horumartay iyo Soomaaliya, waxaana taas uga
jawaabay arintani waa daruuri, oo haddaanay jirin cid tallaabo qaadi
kartaa ma jirto, oo been uun baa leysku qancinayaa iyo waa isku dul
noolaansho.
Puntland asaaskeedi wuxuu ahaa arin loo baahnaa,
waayo waddanka intiisa kale leysuma gudbi karin, oo dagaaladi sokeeye
wey sii daba dheeraadeen, oo waa loo baahnaa in maamul la sameysto.
Dadweynuhu wey dareemeen in wax la qabsan karo, waxaa soo noqotay
yididiiladii shacabka. Dadku waxey dareemeen in ay dhul iyo awood ay
leeyihiin. Waxaa dadkii la baray in loo baahan yahay sharci iyo kala
danbeyn ( Law and order ), dadkii waxey Ogaadeen qiimaha ay leedahay in
canshuur la bixiyo, waxa dib loo arkay hay’ado dowli ah oo shaqeynaya.
Halkii ay dadka sheegan jireen magaca qabiilka ama tuuladii ay reerkiisa
ka yimaadeen , ayaa waxa bilaabatay sheegashada magaca guud ee ah {
waxaan ahay reer Puntland }, taasoo runtii ah magac ku dhaw Qaran.
Runtii maaha wax lasoo koobi karo wanaaga laga dhexlay Asaasidii
Puntland.
Waxaa arimahaa bar bar socday, oo weliba xowli ku
socday, wax isdaba marinta iyo dhaca tooska ah ee lagu hayey hantidi
dadka, taasoo ay geysanayeen nimaan, xilala sare ka haya maamulka, oo
aan jirin cid la xisabtameysa. Dakhli aad iyo aad u tiro baddan ayaa
maamulka ka soo galo canshuurta berriga iyo baddaba, nasiib darro meel
ay aado lama garanayo, waxa weliba wax laga naxo ah, Mushaharka askarta
difaaca, oo aan la siin, taasoo keentay in uu qalqal galo amniga iyo
nabaddi puntland. Waxaa kaloo wax laga naxo ah, in ciddi doonto ay iska
soo daabacato lacago been abuur ah, kuwaasoo qal qal galiyay dhaqaalihii
shicibka iyo goboladaba. Sidoo kale waxaa jira wasiiro la ogyahay inay
ka danbeeyaan wax isdaba marinta Puntland, oo cid wax ka qaban kartaa
aysan jirin. Maalin walbaa maamulku wuxuu sameeyaa ballanqaadyo been ah,
oo wax ka socdaa aysan jirin, cid kula xisaabtami kartaana aysan jirin.
Tahriibta oo ah arimo argagaxa leh, oo aysan maamulku waxna ka qaban,
kana diirin, taasoo hoos u dhigtay sumcaddi gobladaas. Aaway damiirkii
ka nixi lahaa kumanaanka soomaaliyeed ee ku la’day badaha u dhaxeeyo
Soomaaliya iyo Yemen. Waxa iyaduna uur ku taalo ah inuu ninka maamulka
heystaa, uu marar baddan ku cel celiyay hadalada yaq yaqsiga iyo
naxdinta leh ee ah { Dadkan maaha dad goboladeena u dhashay }, waa
yaabee miyaanay Soomaali aheyn, Muslim aheyn, bani’aadam aheyn. Waxaasoo
dhan waxa kasii daran dilalka qorsheysan ee kusoo badnaya Puntland, gaar
ahaan Gaalkacayo, oo uusan maamulku karti uu wax uga qabto laheyn.
Nasiib wanaag ummadda reer Puntland ayaa ah dad u
sameysan, dowlad la dhaqan, oo doonaya cid hanata oo maamusho, nasiib
darose aanan helin maamulkii hanan lahaa. Waxey dadku sameeyeen horumar
la taaban karo, oo ah hantida ay sida gaarka ah u leeyihiin, oo ay ka
mid tahay isbitaaladda, goobaha waxbarashada, Korontada, biyaha,
taleefoonada , shirkadaha xawaaladaha, duulimaadyada, warshadaha yar
yar, shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, magaalooyinkii oo aad u camirmay
una dhismay Sida Boosaaso, Gaalkacayo, Garoowe, Qardho, Laancaanood,
Dhahar, iyo weliba Carmo, waxaas oo idilna ayan shaqo ku laheyn maamul
ku sheega meesha fadhiya. Waxey shicibka muujiyeen inay u baahan yihii
dowlad guud iyo mid maamul goboleedba, laakiinse ma ay hayaan illaa iyo
hadda. Waxey dulqaad ka muujiyeen iyagoo og wax isdaba marinta maamulka,
ay haddana isku qanciyaan in { dowlad xun ay dowlad la’aan dhaanto }.
Runtii waa arin muhiim ah in la ilaaliyo maamulkaa dhisan si kastuu u
qaldamo, oo shicibka ammaan ayeey ku mudan yihiin.
Haddaba waxa isweydiin leh sidee loo saxa maamulkaas.
Waxey dad baddan diirada saaraan Madaxweynaha la dooranayo, oo waxaad
maqleysaa Cadde Muuse waqtigu wuu ka dhamaaday, waxaad kaloo aad
arkeysaa Musharixiin baddan oo isa soo sharaxay. Marna leysma weydiin
war maxeynu ku diidan nahay maamulkan hadda jira, muxuuse uga duwanaan
doonaa kan soo socda, sidoo kale marna leysma weydiin war Baarlamaankan
isagu wax dooranayaa isaga yaa la xisaabtamay, ma yihiin kuwo lagu
kalsoonaan karo waxey doortaan, ma yihiin kuwo kalsooni ka heystaa
dadkey matalayaan. Waxaa arin cajiib ah aheyd wareysi uu bixiyay Cadde
Muuse, oo uu u digayo nimanka musharixiinta ah, isagoo leh war lacagta
hadda ha iska dhameynina, oo waqtiga hala gaaro, taasoo kuu muujinaysaa
nimanka baarlamaanka ah ee wax dooranyaa, ay iyagu mar walba ku
xisaabtamayaan ragga meesha socdaa yaa ugu boorso weyn, ama bixin kara
codka ugu qaalisan. Waxaa kaloo iyaduna wax laga naxo ah, iyadoo uu weli
Cadde Muuse rajo ka qabo inuu kusoo noqdo Doorashada, waa yaabee
miyuusan u jeedin sida uu kusoo maray afartii sano ee tagtay.
Haddaba akhristow ma isweydiisay sidee ayaa wax loo
sixi karaa, sida muuqata nidaamka diyaarsan waa kii ahaa { shimbirayahow
heesa } ee tobanka sano shicibka waqtiga looga soo dilay. Haddaba ma
isweydiisay inaynu bal marka hore u baahanahay in laga shaqeeyo sidii
loo heli lahaa hay’ad awood leh, oo ka madax bannaan arimaha maamulka,
oo la xisaabtami kartaa cid walboo heysaa maamulka, makula tahay in loo
baahan yahay in la helo Gole baarlamaan, oo ka kooban rag isku darsaday
shaqsiyad, aqoon, karti, Alla ka cabsi, oo mabda’ wax ku doorta, oo
aanan ku dooran yaa jeebka ii buuxin kara, makula tahay in loo baahan
yahay Gole ka kooban { Isimo, Culumo, waxgarad, Aqoonyahano }, oo Allah
ka baqaya, soona diyaariya qaabka ugu macquulsan ee wax loo dooran
karo.
Runtii maanta haddeynu nahay ummadda reer Puntland
waxeynu u baahanahay isbadal wanaagsan, lagana taxadaro bur bur iyo
dagaal sokeeye. Hadduusan caqliga shaqeynna runtii meel fog ayeynu wax
ka raadinaynaa. War aynu iska ilowno kan ayeeynu isku reer nahay, kan
ayaa danteeda wada, annaga reer hebel ah mooyee cid kale wax ma maamuli
karaan, sidoo kale reer hebel miyaa weligood na hor taagnaanaya,
arimahaas oo idil waa waxa halkan ina dhigay. Maanta waxeynu u
baahanahay isbadal muuqda, oo dadkeena iyo dalkeenaba horumar gaarsiiya,
ee uma baahnin damiir laawe lacagteen iyo hantideena ku gor gor tama.
Waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa war aynu, Allaah
talada saarano, oo ka barino inuu talada iyo towfiiqda na waafajiyo.
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com