SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Goontinta Madax-dhaqameedyadda iyo Hanjabaadda Xukuumadda

Waxaa mudooyinkan danbe Haayadaha warbaahinta hadalo kulkul iyo Eedaynba isku dhaafsanayey Madax-dhaqameedyadda Puntland iyo Xukuumadda ka dib markii ay Isimaddu ku Eedeeyeen Dawladda Boqor Cadde mid gudan weydey Hawlaheedii loo igmaday, dhagahana ku furaysatay talo soo jeedintii Isimadda, taasina ay ku liftay in ay Shirweyne lagu Bad baadinayo Puntland ay ku dhawaaqaan Isimadu balse Wasiirka wasaaradaha badan Maamule (Bangax) ayaa sheegay in aysan jirin go'aamo uga yimi dhanka Isimadda, ayna sharciga puntland baal marsan tahay in Duubabku ay qabtaan shirweyne aan Dawladda ka soo fulin.

Waraf iyo shiinbiro war iskuma hayaan! Madax dhaqameedyadu waa heerka ugu sareeya ee DGPl, waana meesha loo noqonayo marka ay xaalad adagi timaado, waxa ayna Golaha Isimadda Puntland oo aan ahayn mid jira balse marka ay dani timaado dhisma u arkaan in ay Maanta loo baahan yahay samata bixin iyo Badbaado Puntland ayna daruuri tahay in la qabto shirweyne la mid ah kuwii 1998 iyo 2001 waa jibna ka saaran yahay, Isimadda ayaa dhismihii Puntland ka soo ciyaaray koolal aad u waa weyn, iyaga oo ilaa hadana laf-dhabar u ah jiritaanka puntland,hadii ay maanta ka seexdaan noqonaysa Ukun dhulka lagu sii daayey!!!

Maxaa ka dhacaysiiyey Odayaasha?

waxaa ka maqan gacanta Maamulka Puntland wali Magaalo madaxdii labaad ee Puntland oo ay Maamulka Soomaaliland ku qabsadeed xeelad iyo talo balse aan looga awood sheegan, waxaa had iyo habenba la afduubayaa Ajnabigii ka qayb qaadanayey horumarinta deegaanka, waxa ay Puntland hooyo u noqotay Burcad-badeedda Badaha Hindiya iyo Badda Casba, waxaa dalka Saameyey Sixir barar ay sahashay Dawladdu ka dib markii ay Wasiiradda qaar iyo Ganacsato ay wadeegeen samaysiga Makiinadaha lacagta daabaca, waxaan jirinba Nabad, waxaa baaba'ay Ciidamadii Police-ka iyo Daraawiishtaba, Tayadii Maamulku maba jirto, Subaxa Boqorku yimaado ayaa Xafiiska Puntlandba Furmaa, Dawladduna waa Madaxweynaha kaliya

Talaabadee ka Qaadi karaan Isimadu hadaba?

hadii ay isku duubni la yimaadaan dhamaan Madax-dhaqameedyadda Puntland oo dhani ayna ka midaysnaadaan Samata bixinta iyo qarka soo qabaddka Puntland waxa ay gaadhi karaan Xal waayo Cudud isbiirsatay waa hubaal in ay wax badan badali karto!

sanadkii 2001-kii kolkii uu wakhtigu ka dhamaaday Odaygga! waa tii ay Isimadu u wada soo jeesteen Puntland in aysan galin gacanta Cabdilaahi dhamaan Muwaadininta oo dhani xaq u leeyihiin ay isi soo wada sharaxaan lana qabto shirwenihii labaad, Madaxweyne Yuusuf Geed dheer iyo mid gaabanba waa uu u fuulay in aan shirkas la qaban, Isimadii wakhtigaa ugu Dhabarka weynaana waa uu la wada kulmay gaar gaar isaga oo raadinaya in aan shiri dhicin,lacag inta uu Isin walibana doono Duluca ugu laabo balse markii uu ogaaday in ay hawshu marayso Baraka ma leh ayuu Gaalkacyo u Kolanyeystay waana kii soo jabhadeeyey.

Isimaddii waagaas hawsha u dhabar adaygayey badankoodu maanta waa ay xijaabteen balse badalkoodii ayaad tihiin kuwa maanta joogow, in aan Xabsi u gashaan oo aad u soo habeyno dhaxdaan, dadaal uusan idinku yaraan oo Ilaahay baa wax suurto galiya e aysan marnaba hawshaasi idinka dhici soobin ayaa maanta idin la haboon

Xukuumadda iyo Dareenkeedda

Madaxweynaha oo dhawr jeer  hanjabaado u jeediyey Isimadda Puntland qaarkood gaar ahaan kuwa Sool iyo Sanaag ayaan isagu wax sidaas u sii weynba u arag qayladda, Siyaasi ku dhaw Madaxtooyadda ayaa sheegay mar aan telephone kula xidhiidhay in aan wax sidaas u sii weynba looga arag madaxtooyadda , arinkan aniga igu weyn ee ay Isimadu ka dhawaajiyeen, waxana uu ii sheegay in ay Isimadu kun jeer baaqyo iyo go'aamo ay soo saareen balse aysan waxba ka fulin kanina uu la mid yahay kuwii hore oo kale

Xukuumaadda Cadde oo iyadu u aragta Dadaalkan iyo Goontintan Isimadda mid ku dhamaanaysa Kharash iyo wada hadal ayna haboontahay in aan la qaban shirweyne, Lacagta ay keenaan shirkadaha sahamiska Shidaalka qayb odayaasha loo laabo

Dawladda ayaa iyadu wax weynba u arag amaan daradda ay shacabku ka qayliyaan,sixir bararka saameeyey dabaqadii hoosena aan wali soo gaadhi Madaxdda Xukuumadda ,waxa ayna ku dadaalasaa Dawladdu in ay dalka keento Shirkado Baadha Shidaalka iyo Macdanta ku duugan oo ay dhaqaalo badan ka helan hase yeeshee Maamul Xumadda, Dhulka maqan,Ciidamadda tayadda yar,iyo Puntland oo qarka ka laalaata aan arag, talow xagee baa loo socdaa?

Cabdiqani Makhtal Maxamed

cmakhtal@yahoo.com

Laascaanood Soomaaliya

25224105913

 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 6, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS