SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigey, bardhig carweed dhaqamada oo ka dhacay Port elizaberth

Dhalinyaro xirran dhar muujinaya dhaqanka Soomaalida, cunto udgoon oo ah cunto Soomaali iyo Calanka Soomaaliya ayaa soo jiitey dareenka boqolaal dad ah oo kazoo qeybgalay bardhig carweed lagu soo bandhigayay dhaqamada kala duwan ee dadka Afrikaanka ah oo ka dhacday magaalada Port elizaberth ee dalka K/Afrika.

Waxaa loogu magac daray maalinta hidaha iyo dhaqanka ee qaranka, waxaa loogu tallo galay isdhexgalka dhaqamada bulshooyinka Afrikaanka ah eek u wada nool dalka K/Africa, dadkii dhaqamadooda soo bandhigey waxaa ka mid ahaa Soomaalida oo si weyn sacab ugu dhacay markii aay masraxa kasoo muuqdeen.

Illaa 4 dhalinyaro ah ayaa loo labisay dharkii hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ee ahaa go’a labbada qeyd ah, waxaana laga dul babiyay calanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale goobta lagu soo diyaariyey cuntada Soomaalida oo si heersare ah loo diyaariyey, taasoo caraf iyo udgoon laga dheehan karayay,.

Bandhiga dhaqanka Soomaalida oo eey soo qabanqaabisey jaaliyada Soomaalida dalkani ee SASA ayaa u dhacay si haboon oo aad loola dhacay,. Gudoomiyaha jaaliyada ee gobolkani Mudane Khaasim Boosh Cali iyo xoghayaha arrimaha Maaliyada iyo Isboortiga mudane Muxuyudiin Nuur Jilley oo labbadooduba loogu yeerey masraxa ayaa hadalo qiiro leh ka jeediyey goobta, kuwaas oo sacab weyn u dhacay, Khaasim Boosh ayaa masraxa ka sheegey in dadka afrikaanka ah ay yihiin dad walaalo ah oo wada dhashay, islamarkaasina aan kala maarmin, wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal Afrikaan ah oo dagaalo iyo dhibaatooyin ay ka jiraan, taasina ay tahay sababta Soomaalida dalkani keentey, ayna Soomaalidu tahay dad iskood u shaqaysta oo aan wax dambi ah dalkani ka galin. Wuxuu baraarujiyey in si wada jir ah looga hortago amaandarada iyo dambiyada.

Mudane Muxuyudiin Nuur Jilley oo munaasabada kadib saxaafada la hadlay ayaa u mahad celiyey dawlada dalkani oo uu sheegey in eey dhabo wanaagsan arrimaha Soomaalida marsiisay, wuxuu ka rajeeyey dowlada in eey wax ka qaban doonto arrimaha wali xalka u baahan ee Soomaalida heysta.

Bandhiga ayaa waxaa joogey jilayaal xidigo ka ah aflaan musalsal ah oo ka baxa TV-yada dalkani, gaar ahaan waxaa goobta joogey labbo jilaa oo nin iyo naag kala ah oo kazoo muuqdo filimka musalsalka ah ee 7 delaan ee luuqada Afrikaanska ku baxa ee aadka loo jecelyahay, kana baxa malin kasta TV-ha SABC 2, jilayaasha oo dadka kala hadlay fagaaraha ayaa si cad u sheegey in Soomaalidu ay tahay dad walaalo Afrikaan ah, ayna tahay in daryeel gaar ah loo fidiyo, waxay dadka gobolkani ku amaaneen sida geesinimada leh ee ay oga baaqsadeen in eey ka qeybqaataan rabshadihii shisheeye Naceybka ee dalka ka dhacay dhawaan.

Munaasabado noocan oo kale ah ayaa lagu wadaa in eey dalka ka dhacaan, waxaana jira qorsheyaal dawladu ay ku dooneyso in eey dadka dalka ka wacyi galiso in eeysan beegsan dadka walaalaha Afrikaanka ah. Rabshadihii dalka ka dhacay kadib ayay dawladu ku baraarugtey muhiimada ay leedahay in shacabka la baro muhiimada dadka Afrikaanka ah ey leeyihiin iyo doorka ay ka qaateen halgankii dalkani lagu xoreeyey.

Saxansoxo. South Afrika. Email: Saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 6, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS