Faah faahin ku saabsan kalfadhiyada golaha dhexe iyo sida ay
ku ansaxmayaan
Iyadoo labadii todobaad ee ugu dambeysay ay magaalooyinka
Jabuuti iyo Asmara ay ka kala dhaceen kulamadii golaha dhexe ee
isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, khilaaf soo kala
dhex galay madaxda isbaheysiga owgiisna ay kulamadaasi iska soo
horjeedeen balse lagu kala sheegay in mid walba uu yahay mid
sharci ah ayaa waxaa faah faahin ka bixinaya qaabka uu ku
ansaxmayo kalfadhi uu yeesho golaha dhexe ee isbaheysiga iyo
weliba shuruudaha looga baahan yahay madaxda ku baaqeyso
qabsoomida shirka golaha dhexe, guddoomiyaha gudiga warfaafinta
iyo wacyi gelinta golaha dhexe ee isbaheysiga Saleebaan Colaad
Rooble.
"Sida ku cad qodobka 11-naad ee Axdiga u degsan isbaheysiga dib
u xoreynta, xarafkiisa 2-aad, waxa uu dhigayaa golaha dhexe waa
hay'adda labaad ee isbaheysiga,.. waa marka laga hadlayo qaab
dhismeedka isbaheysiga.
"Qodobka 13-aad ee isbaheysiga xarafkiisa koowaad wuxuu leeyahay
golaha dhexe waa awooda ugu sareysa ee leh qaadashada go'aamada
masiiriga ah iyadoo la marayo qaabka loogu tala galay go'aan
qaadashada".
"Isla qodobkaas xarafkiisa 2-aad wuxuu leeyahay, golaha dhexe ee
isbaheysiga wuxuu ka kooban yahay 191 xubnood, oo uu ansixiyay
shirweynaha".
QODOBKA 17-AAD FADHIYADA GOLAHA DHEXE EE ISBAHEYSIGA IYO GO'AAN
QAADASHADA
Xarafka koowaad Golaha dhexe wuxuu kulmayaa sanadkiiba labo
jeer, haddii aysan jirin sababo keenaya in wax ka badan la
qabto.
Xarafka labaad kalfadhiga aan caadiga aheyn waxaa isugu yeeri
kara:-
A, guddoomiyaha golaha dhexe ee isbaheysiga
B, guddooomiyaha golaha isbaheysiga, ahna guddoomiyaha gudiga
fulinta oo weydiisanaya inuu u kulmiyo golaha dhexe shir aan
caadi aheyn guddoomiyaha golaha dhexe.
C: saddex meelood meel xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga inay
weydiistaan guddoomiyaha golaha dhexe.
3:- kalfadhiga golaha dhexe waxa uu ku guntami karaa
A, marka ay soo xaadiraan saddex meelood labo meel 2/3
Iyadoo tilmaamahaas cad cad uu dhigayo axdiga isbaheysiga,
sideebuu ku qabsoomi karaa shirka golaha dhexe ee la sheegay
inuu ka dhacayo Asmara, mase Zakariye Xaaji ayaa isugu yeeri
kara golaha dhexe isagoo aan xubin ka aheyn isbaheysiga.?.
Sida aanu la socono qodobka 10-naad ee waayida xubinimada
isbaheysiga xarafkiisa 5-naad waxaa ku cad in xubin ka tirsan
isbaheysiga aaney ka mid noqon Karin isbaheysiga ama Xisbi kale
oo siyaasadeed.
Sidaas darteed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaan cadeyneynaa
in uusan ka mid aheyn xubnaha isbaheysiga kadib markii uu ku
biiray Xisbi siyaasadeed ka dhisan dalka Ingiriiska isla
markaana u tartamay xubin golaha deegaanka ee magaalada London,
waxaana iska cad in haddii uu Zakariye ku guuleysan lahaa
xubintaas golaha deegaanka ee uu waayay maanta aanu dib ugu soo
laabteen Asmara iyo isbaheysigaba.
Ugu dambeyntii waxaan cadeyneynaa in uusan wax sharciyad ah
heysanin kulankaas la sheegay in xubnaha labaatanka gaaraya ee
golaha dhexe uga furmay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, kol
haddii qodobaas aan soo xusnay uusan meelna ka waafaq saneyn.
Ilo wargal ah