30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka
siyaasada Soomaaliya
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan
July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Makka,
Isbaheysiga Dib uxoreynta Soomaaliya iyo DKGka, ayaa lafilayaa
in ay albaabada u furaan xal siyaasadeed, islamarkaana
dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya oo dhamina muujiyaan
laazimitaankooda hirgalinta wixii lagu saxiixay shirkii
Dijibuuti iyo kan Makka. Sidaa darted qormadan kooban waxaan ku
falanqeyn doonaa, UN-ka iyo waajibka kasaaran sidii ay
dhinacooda wixii ay balanqaadeen u hirgalin lahaayeen,
Isbaheysiga oo iyaguna laga dhowrayo sidii imtixaanka adag ee
horyaala ugu guuleysan lahaayeen iyo DKG/Ethiopia oo iyaguna
laga sugayo dhowrista meel marinta dhinacooda wixii ay
ogolaadeen.
UN iyo waxa Soomaalidu ka dhowreyso
Heshiiskii Dijibuuti wuxuu ka dhignaa bilow
fiican iyo niyad wanaag loogu googol xaadhayay heshiika kama
dambeysta ah ee 30ka bishan ka dhaci doona Makka. Heshiiskan
ayaa sida muuqata noqondoona, midka lagu kala ogaandoono, awooda
UN ay u leedahay hirgalintiisa. Aragtiyo wey jiraan odhanaya UN
waxey katarjuntaa rabitaanka quwadaha waaweyn ee caalamka kajira
sida Mareykanka iyo Midowga Yurub. Balse si kastoy tahayba,
markan imtixaan culus ayaa horyaal, oo Soomaalida oo dhami wada
eegayaan awooda ay UN uleedahay hirgalinta wixii ay balan
qaadeen oo ah;
- Keenista ciidamo badala kuwa Ethiopia
- Hubinta bixitaanka Ethiopia ee dalka Soomaliya ay kaga
baxeyso
- Fududeynta xalka siyaasada iyo meelmarintiisas
- Gargaar u fidinta shacabka ku tabaaleysan dalka
gudihiisa
Isbaheysiga waxyaabaha laga dhowrayo
Sida aanu lawada soconno, Isbaheysiga intii
shirkia Dijibuuti saxiixday waxaa laga dhowrayaa, in ay
laazimaan wixii ay balan qaadeen. Runtii waxaan isleeyahay 30 ka
July bishan aynu ku jirno waa xilligii lakala ogaan lahaa awooda
ay Sheekh Shariif iyo garabkiisu ku leeyihiin muqaawamada lagula
jiro DKG/Ethiopia. Ragga u dhuun daloola bilowgii dhismihii
Midowga Maxaamkunta Islaamku waxey tilmaamaan, in Sheekh Shariif
uu isbaheysigaas ku lahaa awooda 90%, halaka 10% soo hadhayna ay
lahaayeen Sheekh Xassan Daahir iyo Al-shabaabka.
Hadaba hadii boqolkiiba 90-ka ay Sheekh
Shariif dhankiisu xabad joojinta laazimaan, waa lahubaa in
culeyska garabkaasi uu yahay mid dhab ah oo aan la dhayalsan
Karin, xabad joojintuna sidaas ay ku meemari doontaa. Hadii
boqokiiba 10-ka soo hadhay ay xabadda siiwadaan, garabka
heshiiska ogoli sidii ay heshiiska ku galeen waa in ay
dhaleeceynta ku muujiyaan diidmadooda cunfiga socda.
DMG/Ethiopia maxaa laga filayaa?
DKG/Ethiopia waxaa laga filayaa in ay
dhowraan xabad joojinta, islamarkaana fududeeyaan howlaha
gargaarka iyo isu socodaka dadweynaha. DKGka waxyaabaha laga
dhowrayo waxaa ugu muhiinsan in ay ka tanaazusho inku dhajinta
ay ciidamada Ethiopianka kusii dhiiri galinayaa in ay wadanka
sii joogaan, iyagoo cabsi kamuujinaya in jiritaankoodu khatar
galayo hadii ay Ethiopianku baxaan.
Cabsidani waa mid dhab ah, inkastoo
lagayaabo, in soo shaac bixitaankeedu wakhti gaaban qaato,
hadana wadanka Ciraaq wayba ka dhacday. Mareykanku isagoo
ciidamadiisu xoog ku heystaan Ciraaq, dowlada Ciraaqqna ku
waardiyeeya goobta cagaaran, ayuu haddan la sixiixanayaa
baarlamaanka Ciraaq in ay heshiis amni iyo mid military
layeeshaan. Sidaas si lamid ah ayey Ethiopia iyadoo kaashaneysa
DKG ayey dooneysaa in ay heshiis kula gasho in ay wadanka sii
joogi karto, xitaa hadii UN ciidamo kale oo Africa ah keento.
Furmida albaabka xalka siyaasada
Soomaalida
Xabad joojintu waxey sidoo kale albaabda u
furi doontaa xal siyaasadeed oo laga gaadho arinta murugsan ee
siyaasada Soomaaliya ay xilligan mareyso. Waxyaabaha miiska
wadahadaladda saaran waxaa ka mid ah sedex xal siyaasadeed oo
kala duwan, wexeyna kala yihiin;
- In ladhiso dowlad “Technocrats” dhexdhaxaad ah, oo ku
meelgaadh ah, islamarkaana dhamestirta sannad iyo 3da bilood
ee ka dhiman xilliga u dhiman DKG oo ah bisha 9/Oktobar/2009
- In awood qeybsi lasameeyo, oo Isbaheysiga lasiiyo qeyb
kuraasta baalamaanka iyo wasiirada dowlada
- In Isbaheysigu iyagoo dibada ka jooga dowlada ay xisbi
mucaarad ah doorasho u soo istaagaan, cidii ku guuleysatana
ay dalka u taliso.
Hadii hal xal aan sanka la’iska galineyn,
waxaa haboon in ummadda lakala dooransiiyoo dhowr mashruuc,
halkii hal nooc oo xal loo arko dusha lagaga keeni lahaa.
Mathalan awood qeybsigu ma ogaalanayo in shacabka Soomaaliyeed
kala doortaan labo mashruuc midkii ay ku qanacsan yihiin. Marka
isku milanka awood qeybsigu xal ma’aha, sidaa darteed kaa isaga
ah meesha kasaar. Hase ahaatee cabsi waxaa jirta ah, in bulshada
caalamku ay doorbideyso qodobka labaad ee ah awoof qeybsiga.
Waxaanse isleeyahay, hadii laqaato qodobka 1
iyo 3, in labaduba ay yihiin labo qodob oo wanaagsan, ummadda
Soomaaliyeedna u ogolaanaya in ay labo dariiq mid doortaan, oo
ah;
- Siyaasada la qabyaaladeeyay, ee dalka kala googoysay,
dadka Soomaalida ahna kala irdheysay
- Iyo Mashruuca wadinayada iyo akhlaakhda Islaamka,
midnimada, horumarka, cadaalada iyo dhowrista xaqa iyo
sharafta ruuxa Soomaaliga ah ju saleysan.
Hadii aan umadda laka dooransiin laba shey,
isla markaana la’ogaan kan ay rabaan, wixii laga sheegaayi waa
wax aan waxba ka jirin. Wadadaas ayaana ah midda lagu kala
ogaanayo, in shacabka Soomaaliyeed uu yahay bulsho sida
bulshooyinka caalamka oo kale ku naaloonaya in ay sinnaan iyo
cadaalad helaan, ama in ay yihiin bulsho qabyaalad dilootay oo
jaahli ragaadiyay, jecelna kii dilaya in ay warmaha u dhiibato!
Gabagabdii
Hashiiska 30ka bisha Makka ka dhici doona
wuxuu imtixaan lagukala ogaandoono cida ku dhacda iyo cidda ka
gudubtaba u yahay dhamaan qeybaha ku lug leh. Mana noqondoonto
wax qarsooma cidda ku fashilma in ay fulin weydo wixii ay
balanqaaday. Marar hore wey jirtay, in hadii cidi ka gaabiso
dhinaceeda ay dhinacyada kale eedda waxkasaarto, balse hadda
dhibta baaxadeeda ayaa keentay, I indhaha ummadda oo dhami wada
hayaan dhamaan qeybaha oo idil. Si dhankii fashalku kayimaado
mas’uuliyadiisa bani aadanimao iyo middiisa qaanuun loogula
xisaabtamo mustaqbalka.
Qore Nuradiin Askar Ibrahim
nuradiin_as@yahoo.co.uk