SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 July 2008.

Midowga Afrika oo cadaadinaya madaxwayne Mugabe.
Soomaaliya: Kooxo dablay ah oo sii daayay shaqaale UN ah ooy haysteen.
Ururka Caafimaadka Adduunka oo la tacaalaya Qaaxada aan dawada lahayn
Jaaliyada Ogadenya ee Northampton-Uk oo shir isugu timid.
Jaaliyada Ogadenya ee Bariga Afrika oo Nairobi shir ku yeelatay.
======================
Midowga Afrika oo cadaadinaya madaxwayne Mugabe.

Madaxda ka qayb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Sharma El Sheekh e dalka Masar ayaa maalintii isniitii cadaadis ballaadhan ku saaray madaxwaynaha Zimbabwe inuu wadaxaajood la furo mucaaradka xukunkiisa ka soo horjeeda.

Madaxwayne Robert Mugabe ayaa habayn hore markii madaxtinimada dalkiisa loo dhaariyay si toos ah ugu soo duulay madasha uu shirku ka dhacayo. Madaxwaynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa si wayn loogu dhaleeceeyay diidmadii uu diiday inuu joojiyo doorashada, ka dib markii uu hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ku dhawaaqay inaanuu ka qayb galaynin doorashada, isagoo goʼaankiisa sabab uga dhigay in ka qayb qaadashadu ay khatar galiso nolosha taageerayaashiisa.

Wadammo badan oo adduunka ka mid ah, oo ay ku jiraan kuwo daris la ah waddanka Zimbabwe, ayaa madaxwayne Mugabe ugu baaqay inuu doorashada dib u dhigo, isla markaana mucaaradka la sameeyo wadaxaajood lagu xalliyo dhibaatooyinka dalka ka jira. Hase yeeshee madaxwayne Mugabe ayaa arrintaas ku gacan saydhay, isla markaana doorashada sidii ay ahayd u hirgaliyay.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa madaxwayne Mugabe ugu baaqday inuu wadaxaajood la galo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee MDC, isla markaana ay isla dhistaan dowlad ku meelgaadh ah oo ay ku midaysan yihiin. Waa markii ugu horraysay ee dowlada Koonfur Afrika ay ku taliso in xisbiga madaxwayne Mugabe iyo MDC ay isla samaystaan dowlad wadajir ah.

Dalalka reer galbeedka ah ayaa si wayn uga soo horjeeday in madwaxyne Mugabe uu ka qayb galo shirwaynaha Midowga Afrika ee Sharma El Sheekh ka dhacayay, waxaa sidoo kale dhaleecooyin kala duwan kaga imanayaan ururrada xuquuqul insaanka iyo kuwa ku kuur-galayay doorashada Zimbabwe.

Soomaaliya: Kooxo dablay ah oo sii daayay shaqaale UN ah ooy haysteen.

Kooxo dablay ah oo horay u afduubay labo sargaal oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay ayaa la xaqiijiyay inay nimankaas sii daayeen. Labadan, nin oo u kala dhashay dalalka Swedan iyo Denmark, ayaa lagu afduubay gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoo kui hawllan mashruuca mina baadhka ee Qaramada Midoobay.

Xoogag ka tirsan dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa nimankan la tagay wax yar ka dib markii ay qabsadeen magaalada Xudur.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal qallafsani uu dhex maray kooxaha magaalada qabsaday iyo ciidammo magaalada horay u haystay, iyadoo kooxaha weerarka gaystay ay magaalada markii denbe iskood uga baxeen markii ay ka caydhiyeen ciidammadii haystay ee taabacsanaa dowlada ku meelgaadhka ah.

Kooxaha dagaalka kula jira ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay khasaarooyin baʼan u gaystay ciidammada Itoobiya, taasoo sababtay in ciidammada Itoobiya ay ka cararaan meelo ay ka mid tahay magaalada Baladweyne, iyagoo u guuray dhinaca gobollada dhexe ee Soomaaliya, hase yeeshee waxaa mar kale lagu helay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo la sheegayo in halkaasna khasaare xun loogu gaystay.

Ururka Caafimaadka Adduunka oo la tacaalaya Qaaxada aan dawada lahayn

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa diyaarinaya laba qorshe oo loola jeedo sidii loo ogaan lahaa oo loo dawayn lahaa Qaaxada, nooca dawada u adkaysata ee loo yaqaano MDE-TB oo ku badan wadammada soo koraya.

Ururka Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ka shaqaynaya sidii loo samayn lahaa qalab labo maalmood oo kaliya ku soo saaraya cudurka MDR-TB. Qalabka hadda loo isticmaala ogaanshaha MDR-TB waxaa natiijadiisa la ogaan karaa seddex bilood ka dib.

Ururka Caafikaadka Adduunku wuxuu sidoo kale ka shaqaynayaa qorshe 54 waddan lagu gaadhsiinayo dawooyinka lagula tacaalo MDR-TB, iyadoo waliba qiimaha dawadaas aad hoos loogu dhigayo.

Bakteeriyada MDR-TB si fiican looma dawayn karo, sababtoo ah waxay adkaysin u leedahay dawaooyinka caadiga ah ee loo adeegsado Qaaxada. Qiyaastii 2% oo kaliya oo ka mid ah kaysaska MDR-TB ayaa addoonka oo dhan si fiican loo ogaadaa oo loo daweeyaa.

Qorshaha uu hadda Ururka Caafimaadka Adduunka waxaa bud-dhige u ah sidii afarta sano ee soo socota 15% looga dhigi lahaa kaysaska MDR-TB ee sida habboon loo ogaado ee loo daweeyo guud ahaan adduunka.

Dadka bukaanka ah eek u dhaqan wadammada soo koraya waxaa bakteeriyada MDR-TB laga baadhaa oo kaliya marka lagu guul darraysto in lagu tahbiibo dawooyinka caadiga ah ee Qaaxada, natiijada baadhistoodana waxaa la sugaa muddo seddex bilood ah, taasoo ka dhigan in bukaanku ay muddo dheer sugaan inta looga billaabayo dadwada saxda ah eey u baahan yihiin.

Muddadan dhexdeedana waxaa suuragal ah inay dadka kale ku sii faafiyaan bakteeriyada dawada u adkaysata ee MDR-TB. Qaaxadu waxay ku jirtaa cudurrada ugu badan ee dadka ku dhaqan Ogaadeenya ay u leʼdaan, iyagoo aan marna helin dadwadii iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

01 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS