SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Shirku sheegyadii Nayroobi iyo Jabuuti waa shaati cusub oo loo galinaayo gumeysiga dalka xoogga ku qabsaday 
 

      Tan iyo markii ciidamada cadowga itoobiya soo galeen gudaha dalkeena soomaaliya iyaga oo gacan buuxda ka helaya qaar ka mid ah dowladaha caalamka sida mareykanka ayaa waxaa bilawday  weeraro lagu bar tilmaameedsanayo ciidamadaas cadowga ah  weeraradan ayaa isugu jira  kuwa toos ah  iyo kuwa aan toos aheynba sida qaraxyo iyo gantaalo lagu weerarayo fariisimada ciidamada  xoogga ku soo galay dalka iyo kuwa u adeegaya. 
 

      Hadaba weeraradaasi lagu qaadayey ciidamada cadowga waxaa loogu geestay qasaarooyin isugu jira naf iyo maalba oo aysan ka soo waaqsan karin, waxaana warar lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in ciidamada cadowga itoobiya halkaasi ay ku waayeen guutooyin badan oo ka tirsan ciidamadooda waxuuna dhaawacoodu ka badan yahay 70,000 (todobaatan kun) oo askari, halka tiro ka mid ah askartaasi itoobiyaanka ay gacantooda isku dileen ka dib markii ay u adkeysan waayeen weerarada kaga imaanaya dhanka mujaahidiin Soomaaliyeed oo harsi iyo hoyaadba u diiday cadowga gumeysiga doonka ah. 
 

      waxaa sidoo kale  qasaaro  ba’ani soo gaareen maleeshiyaadka kooxda embagathi oo soo horkacday gumeysiga dalka qabsaday waxay inta badan howlgaladaasi ka dhaceen gudaha caasimada muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka, waxaana maleeshiyaadkaasi la shaqeynayay cadowga markii dambe qaarkood isu soo dhiibeen xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed oo naftooda u huray difaaca diinta iyo dalka. 
 

         Si kastaba arintu ha ahaatee marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka gudihiisa ka dhacay, waxay muujinayaan in ay ciidamada muqaawamada Soomaaliyeed gaareen guulo wax ku ool ah, kuna qasbeen cadowga gabalkiisa sii dhacaya inay ka eryaan goobo badan oo ay ka daganaayeen gobolada dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ka gadaal markay u adkeysan waayeen jacda baaruuda geesiyaasha Soomaaliyeed. 
 

      Waxay ciidamada muqaawamadu gacanta ku dhigeen gobolada koonfureed ee dalkeena Soomaaliya, ka dib markay isaga carareen cadowga iyo ku wii ku adeegayay iyaga oo la wareegay 92 % (boqolkiiba sagaashan iyo labo) farasiimadii uu cadowgu ku sugnaa.

      halkaasi waxaa inooga cad in awoodii ciidamada cadowga itoobiya si weyn loo wiiqay waxayna ku soo uruureen meelo kooban oo fara ku tiris ah, kuwaasi oo ay ku sugan yihiin saraakiishooda ka jooga gudaha dalka Soomaaliya oo ayagu naf la caari ah halka maleeshiyaadka dabadhilifka kuwii yaraa ee ka haray ay ku koobmeen in ay ilaaliyaan xarunta madaxtooyada oo uu ku sagan yahay ninka madaxda u ah kooxda gumeysiga soo hor kacday, ee imbagaati ,waxaasa jirta in maleeshiyaadkaasi u adeegaya cadowga ee jooga madaxtooyada markii dambe lagu aamini waayey xaruntaasi haatanna lageeyay  ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha magaalada muqdisho. 
 

      Xaafiiska Warfaafinta Asmara

      Asmara July 1, 2008

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS