Dagaal dhiig badan ku Daatay oo Muqdisho la isku habeensaday (1da
Luulyo 2008, 48 sano kaddib xorriyadii)
July 1, 2008: Dagaal aad u Qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada shisheeyaha ah ee
ku sugan Magaalada Muqdisho iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa ka soconaya qeybo
kala duwan oo Magaalada ah.
Iska hor imaadkan ayaa ka kala dhacay KM4,Buulo xuubay,Tarabuunka,Saldhiga
waaberi, Wadada Maka al Mukarama iyo Xararyaale oo ka tirsan degmada
Wardhiigleey ayaa bilowday kadib markii kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka
shisheeyaha soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariimada ciidankaas ee Muqdisho.
Dagaalkan oo bilowday galabta Abaarihii 5tii galabnimo ayaa la isku habeensaday
waxaana la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka waaweyn iyo kuwa yar yar
intaba, waxaana warar Xog ogaal ahi ay sheegayaan in duqeyn ay geysteen
ciidamada Ugandha iyo Ethiopia waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah iyo
guryahoodii gaar ahaan Degmada Waaberi iyo Xaafadda African village, oo ay ku
dhinteen illaa 7 ruux iyo 9 kalena dhaawacyo kala duwan inta la og yahay.
Wararka ayaa tilmaamaya in Dadka ku dhaqan deegaamadaasi ay bilaabeen barakac
iyadoo aysan sida muuqata heli Karin fursad ay ku qaxaan dagaalada illaa haatan
soconaya awgood, sidoo kale waxaan illaa iminka la ogeyn Qasaaraha rasmiga ah ee
Labada dhinac ee dagaalamaya soo kala gaaraya Waloow warar soo baxaya ay
sheegayaan in dagaalkaan lagu dilay Janan lagu magacaabo Muqtaar Xasan Afrax iyo
qaar ka mida ilaaladisii kadib markii loogu galay Hotelka Embassador oo ay ku
sugnaayeen iyadoo lagu waramayo in boob loo geystay hotelka kadib markii shacab
farabadani ku soo qamaameen hotelkaasi.
Si kastaba ha ahaatee waxaa habeeniadii soconayey madaafiic duul duul ah iyo
rasaasta qoryaha yar yar oo goos goos ah, waxaana jiray khalkhal iyo cabsi
balaaran oo ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan deegaamada dagaalku ka
dhacayay.
SomaliTalk | Muqdisho
Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008