SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

48dii Xoriyada Koonfurta Somaliya iyo midowgii Waqooyiga oo lagu qatay Sir Ali Muslim Club Nairobi (Daawo Sawiradda)

Sawirada halkan ka daawo......

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalin yarada aqoon yahada Soomaaliyeed ee Xaafada islii iyadoo lagu qabtay xarunta SirAli Muslim club ee shirarka waxaana ka soo qabayb galay dad wayne aad u fara badan oo boqolaalah oo ay ka muuqatay wajiyadooda farxad ku Aadan maalinta 1 luulyo iyo ahmiyada ay u lee dahahay umada Soomaaliyeed.

Xafladaan ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka ah iyadoo, lagu sii xijiyay hadal dheer oo uu halkaasi ka jeediyay shiikh Jacafar Xaji Cali oo ka mid ah Culumada Soomaliyed ee Magaalada Nairobi,waxaana uu ka hadlay shiikhu maalinta 1da july in ay tahay maalin xusid mudan isagoo ugu baaqay umada soomaaliyeed in ay iska dheeraanada ku dhaqanka qabyaalada ah oo ah tii bur burisay qarannimadii soomaaliye ee loo soo hal gamay waxaa uu shiikhu taabtay markii la helo qof muslim ah iyo guri muslim ah la heli karo umad islaam ah oo dowlad wanaagsan haysto.

Intaasi ka dib ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta Sir Ali Muslim Club, Anaashiid iyo heeso wadani ah oo ay qaadayeen arday ka mid ah kuwa wax barta Imamu nawawi iyo Imaamu Shaafici, waxaana ka mid ahaa, heesahaasi Heesta Calanka Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo aan wax Music ah wadan taas oo ay dadkii si wayn uga qiiraysay qaabkii ay caruurtaani uqaadayaan iyaduu uu soo diyaariyay Abwan Cali Cawaale cali dhoof oo ah wiil oo adeer u yahay maxmud cawaale liibaan ninkii calanka soomaaliyeed sameya.

Abwaan Axmed Shiikh Helaale oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu isagu yiri ‘’ maanta maahan maalin lagu farxo maadaama aan bur burinay dalkeenee oo maanta oo kale 1960 xoriyadiisa aan helnay’’ waxaana uu halkasi ka soo jeediyay, waxaa sidoo kale halkasi hadal dheer ka soo jeediyay gudoomiye ku xigaynka ganastada xaafada islii Xaaji Xuseen Aar oo 75 kenyan ah oo aana waligiis arag somaliya sida uu sheegay laakiinse oo ku farax san yahay xoriyada 1 july 1960 ee ay Soomaalidu u dabaal dagayaan isgoo sheegay in somalidu meel kasta oo ay joogan yihiin dad isleh waxii guul ahna ay ka wada dhaxayso waxii khaladaad ahna iyaga lagu dacaayadeedu marka ay dadka kale dhex joogaan waxaa uu taabtay in laga fogaado qabyaalada iyo

Qaar ka mid ah haweenka soomaaliyeed ayaa munaasabadan hdalo ka jeediyay iyadoo ay maran maxamed marayn jacayl ay halkaasi ka soo jeedisay buraan bur qiiro leh oo dadka qaar qiiro owgeed ay la ilmeeyeenn iyadoona sidoo kale Alla bari tix u badan soo bandhigtay

Ugu danbaytii waxaa munaasabada soo Afmeray qonsolka Soomaaliya ee Kenya Mudane Mohamed Cuthman Aadan isagoo u hanbaleeyay dhaman umada soomaaliyed gaar ahaana kuwa munaasabda Sir Ali Muslim Club soo qaban qaabiyay iyo kuwii ka soo qayb galayba.

Sawirada halkan ka daawo......

Mohamed Abdi Mohamed Bootaan | botaan1@hotmail.com
Sawir Qaade Ibrahim Daud Abdallah (Gental man )

Somali Talk Nairobi Kenya 01 | July | 2008

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS