SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

CASMARA: BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH OO KU SOO BAXAY WEBSITYADA SOOMAALIDA.

Waxaan aad uga xunnahay iyadoo aan nahay dad muslim ah in aan faafino warar been abuur ah oo xaqiiqda ka fog taasoo aan ula jeedno koox ka baxsatay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya garab maray axdigii isbahaysiga oo ku salaysnaa in kitaabka alle lagu maamulo dalkeena hooyo lagana xoreeyo cadowga sida gardarada ah ugu soo duulay. Beenta aan geedka lagu gaban oo ay faafiyeen kooxdaasi waxaa ugu dambaysay in ay faafiyeen in ay ka fureen shirkii golaha dhexe dalka Jabuuti oo ayna ka soo qayb galeen xubno gaaraya 150 xubnood.

Halkaan waxaan ummada Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa in beentaa salka iyo raadka aan lahayn oo ay caadaysteen beryahaan kooxdaa uu xaqiiqda ka fog tahay been la soo dhoodhoobayna ay tahay. Tirada dhabta ah ee xubnaha ka tagay Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan dalka Jabuuti ay tiradooda guud ahayd 37 iyadoo magaalada sanca ka aadeen ilaa 9 xubnood waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa liiska magacyadooda.

Liiska xubnaha fakadka ah ee ku sugan Jabuuti.

1-Shariif Xasan Sheekh Aadan.
2- Maxamed Cabdi Yuusuf.
3- Daahir Xasn Guutaale.
4- Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nur.
5- Cisman Libaax Ibraahim.
6- Cabdirashiid Maxamed Axmed(Dirir).
7- Cabdiraxman Aadan Ibraahim(Ibbi).
8- Mustafa Ali Sheekh Maxamed.
9- Suldaan Maxamed Aways
10- Maxamed Cabdi Ibraahim(Garweyne).
11- Suuri Diiriye Carab.
12- Saleemaan Colaad Rooble.
13- Sheekh Axmed Macalim Yuusuf.
14- Maxamed Sheekh Xasan.
15- Maxamed Xuseen Saciid.
16- Maxamed Cali Xagaa.
17-Maxamed Xasan Cali(Daryeel).
18- Zakariye Maxamud Aare.
19- Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax).
20- Malaaq Aadan Ibraahim(Dhaayoow).
21- Maxamed Cumar Geedi.
22- Xasan Cismaan Xuseen(Qoryooley)
23- Prof: Maxamed Cabdi Maxamed(Gaandi).
24- Axmed Diiriye Maxamud.
25- Maxamed Cali Cusmaan
26- Maxamed Cumar Maxamed.
27- Maxamed Xasan Aadan.
28- Maxamed Cabdi Maxamed.
29- Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax(Abuu Dujaana).

Intaa aan kor ku soo xusnay waa inta ku sugan Dalka Jabuuti waxaase jira 8 qof oo kale oo ku sugan wadanka Yeman magaalada Sanca

1- Shariif Sheekh Axmed.
2- Cabdiraxmaan Maxamed Faarax(Janaqoow)
3- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
4- Axmed Cabdulaahi Sheekh Maxamed.
5- Cumar Sheekh Cali Idiris(Cumar Dheere).
6- Axmed Xasan Gaboobe(Axmed Bile).
7- Daahir Maxamud Geele.
8- Yuusuf Cali Caynte.

Xaafiiska wararka ee Isbahaysiga magaalada Asmara waxaa u xaqiijiyay arinkaan xubnaha gudiga qabanqaabada oo uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim(garyare) kaas oo uu cadeeyay waxa ay sheegeen inay tahay been aan sal iyo raad lahayn.

Xaafiiska Wararka ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta
Asmara July 1, 2008

 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS