Dagaal U dhexeeya Ciidamada Ethiopia Iyo Xoogaga Kasoo
Horjeeda Oo Ka Dhacay Degmada Matabaan(July 1, 2008) Dagaal Xoogan ayaa Daqiiqado ka hor ka Qarxay deegaanka Degmada Matabaan ee
Gobolka Gal-guduud iyadoo Halkaasi ay isku fara saareen Ciidamadii Ethiopianka
ahaa ee kasoo ruqaansaday degmada Guray ceel iyo xoogaga kasoo horjeeda
islamarkaana Weerar Xoogan oo sadex Goosood ah ay soo qaadeen xoogaga Hubaysan
ee Muqaawimada .
Sida Uu shabakada somalitalk U xaqiijiyey C/fataax axmed oo ku sugan degmada
Matabaan ayaa sheegay inay Ciidamada Ethiopia oo marayey wadada dheer ee laamiga
Duleedka Matabaan oo watey 28-Tikiniko ah Laga soo weeraray sadex dhinac
islamrkana dagaal Xoogan oo laysu adeegsanayo hubka madaafiicda iyo kan kaleba
uu halkaasi ka socdo iyadoo uu Sheegay Goob joogahaasi inuu Indhahiisa KU
arkayey Mid kamid ah gawaarida Qaada Ciidanka oo Nooca Uralka Loo yaqaano Oo
halkaasi Ku gubanaya .
Sidoo Kale dagaalkan oo ah MId baaxad weyn ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba
Qoriga Baasuukaha Lala Helay gaari Noocyada ciidanka qaada ah oo aan la Ogayn
Tirada Ciidan ee saarnaa Balse la cadeeyey Inuu shuf beelay , Dagaalka Oo socda
awgeed mana Jiraan Warar dheeraad ah oo Laga helayo Halkaasi waloow uu dagaalku
sii Kululaanayo marba marka kasii dambeeya .
Ciidamada Ethiopianka ah ayaa xalay goor Dambe kasoo ruqaansaday degmada Guray
ceel oo dhowaanahanba ay degananaayeen iyadoo dagaalo ay faraha kaga Gubteen ay
kala Hor Yimaadeen Xoogaga Diidan Joogitaankooda islamrkaana Intii ay ku
sugnaayeen degmada Guray ceel ay madaafiic Aargoosi ah Ku garaaceen dadka
shacabka ah ee degmadaasi oo badankoodu ka barakacay halkaasi
Si kastaba Ha ahaatee Dagaalada Soo Noqnoqda ee badanaaba Dhex mara Ciidamada
Ethiopia Iyo Xoogaga Diidan joogitaanka wadanka soomaaliya ayaa Wiiqay Xoogii
Hore ee ay Ciidamada Ethiopianku Kusoo galeen dalka soomaaliya Iyadoo ay iminka
ka qabsadeen Goobo badan oo ka Tirsan Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo ay
ka taliyaan Xoogaga muqaawimadu
Sidee Looga dareemay Maalinta 1-da Luulyo Ee Xoriyada Koonfur Iyo Israacii
Labada Gobol Magaalada Muqdisho
Waxaa dan iyo Muraad toona Laga Lahayn maalinta dadka soomaalida Ku weyn ee ay
ka Xoroobeen gumaysigii Reer Yurub 1960-kii 1-dii Luulyo oo ahayd maalintii ay
gobolada Koonfureed qaateen xoriyada islamrkaana ay calan soomaaliyi leedahay Uu
u Muuqday taasoo maanta u Muuqata Mid aan La ogayn iyadoo Dadka qaarkiis U
aanaynayaan in wadanka soomaaliyeed uusan xor ahayn halka Qaarna sheegayaan in
xarig Jiidadka siyaasadeed ee u dhexeeya soomaalida uu baabiyey maalmaha
Xusuusta Leh .
Hadaba Si aan wax Uga Ogaano taariikhda Mugdiga Ku Jirta ee xaalada soomaaliya
iminka Ku sugan tahay iyo sababaha keenay inay maanta Oo kale Noqoto maalin aan
taariikhdeeda la xasuusan ayaan waxaan Xog waraysiyo la yeeshay Ruug cadaa aan
is Iri waxay soo joogeen waayo badan taasoo aan ku eegayo bal sida iyo sababta
keentay in la weynayn waayo maalinta 1-da Luulyo .
Ugu Horayn waxaan su,aal ka weydiiyey madaama ay tahay maanta 1-dii luulyo maxay
tahay sababta looga dareemi la, yahay caasimada iyo meelo kale prof,axmed Raage
ayaa ku jawaabay waxaa mudan in maanta ay tahay maalin ku weyn Umada
soomaaliyeed oo aan la ilaawi karin taasina maaha inaan Muqdisho laga Xusin waa
Laga xusay laakiin sidii la rabay ayaan loo Xusin waayo waxaan Jirin qaran
soomaaliyeed oo laysla Ogol, yahay taas ayaana keeni karta In la weyniisiiyo
shacabku waa Ogsoon Yihiin in maanta ay tahay maalintay Xoriyada Qaateen ayuu ku
jwaabay prof-ku.
Sidoo kale waxaan kaloo wax ka weydiiyey Oday ,Cabdi xalane oo kamid ah dadka
Taariikhda soomaalida wax badan ka Og islamrkaana isku Howla Waxyaabihii dadka
iyo dalku ay soo mareen intii ay Gumaysiga Ku jireen iyo waxii ka dambeeyeyba
waxuuna hadalkiisii ku Bilaabay
'' waxaan Murugo leh oo aan maanta xasuustaa muuqaalkii ay lahaan jirtay Xiligii
dowladihii gaar ahaan Dowladii miltariga ahayd ee wadanku soo maray tasoo la
oran karo dowladii Maxamed siyaad barre waxay ahayd mida keliya ee muuqaal
Dowladnimo Lahayd waxaana maanta runtii La Oran karaa in aysan jirin xoriyad
Lagu faani karo waayo waxaa is bedelay siyaasadii oo waxaa wadanka Ku sugan
Ciidamo ethiopian ah oo nagu soo duulay mana Jiraan Xusid sidaasa oo maanta loo
dhigi karo 1-da Luulyo '' ayuu yiri Oday Cabdi xalane .
Dhinaca kale waxaa meelo kamid ah Caasimada Muqdisho xalay laga Xusay 1-da
Luulyo iyadoo dowlada KMG ah ay Munaasabadaasi ku xustay xaruntii Hore ee
gaadiidka islamarkaana xalay saqdii dhexe calanka la saaray waloow aan la oran
karin way weynaayd oo dadka reer Muqdisho waa wada Ogaayeen ,waxaa jira Iyana
Bulsho aan sidaa U badnayn oo iyagu isu xilqaamay Maalintaasi Inay weyneyaan
ayaa meelo kamid ah muqdisho ka sameeyey Xusida maalinta La qaatay Xoriyada ee
1-luulyo.
Yaasiin Maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk Muqdisho