Jaaliyada Soomaalida Western Cape K/afrika oo rajo ka
muujiyey xaalada soomaalida gobolkaasi.
Ganacsiyo baddan ayaa dib looga furey meelihii horey
looga boobey, dad baddan oo Soomaali ah ayaa kazoo baxay
xaroyinka iyo masaajidada dibna u bilaabay nolo
maalmeedkoodii, waxaana kazoo reeynaya xaalada amaanka
ee dalka, sidaasi waxaa manta shir jaraa’id ka sheegey
gudiga fulinta ee Jaaliyada Soomaalida weystern Cape oo
markii ugu horeysay xafiiskooda ku qaabiley koox
saxafiyiin ah oo ka socda qalabka warbaahinta
Soomaaliya.
Cabdi Axmed Cumar (jiidow) oo ah gudoomiyaha jaaliyada
iyo Maxamed Cusmaan (dheereeye) oo ah afayeenka
jaaliyada, ayaa saxafiyiinta u sheegey in xaaladu eey
soo hagaageyso, isla markaasina ganacsiyo baddan dib
loogu celiyey, meelihii horey looga baro kiciyey,
laakiin waxay intaasi ku dareen in wali ey jiraan
dhibaatooyin xalin u baahan. Cabdi Jiidow ayaa yiri “
dadaal baddan ayaan u galnay wax kla qabashada
dhibaatada Soomaalida gobolkani, wax baddan ayaa nooga
qabsoomay, wax baddan waa noo dhimanyihiin, waxaan kiu
guuleysanay in aan dadka mideyno walina waan ku raad
joognaa arrintaasi, kana daali meeyno, muhiimadu waa
midnimada”.


Mudane
Dheereeye oo isagu hadlayay inta baddan shirka jaraa’id
ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxqabadka
jaaliyada, waxyaalaha wali horyaala, qaabkii lagu
dhisey, dhibaatooyinka soomaalida , iyo ilaa hadda wixii
u qabsoomay. Mar uu ka hadlayay baaxada dhibaatada
soomalaida ayuu sheegey in dalka lgau diley 474 muddo 10
sanno ah, 3-kun qof lagu barakiciyey gobolkani oo
kaliya, kun dukaana lagu boobey gobolkani oo kaliya,
wuxuu intaasi ku daray in eeysan jirrin wax magdhow ah
oo ay dawladu arrintaasi ka bixisey, balse ay balan
qaaday in eey wax ka qaban doonto arrimaha kale ee wax
ka qabashada u baahan, sidda amaanka iyo sharciyada.
Labbadani mas’uul ayaa saxaafada oga jawaabay sulaalo
baddan oo la weeydiiyey, waxaa ka mid ahaa qilaaf la
sheegey in uu ka jirey dhismaha jaaliyada horaantii
asaaskooda, balse iminka ay muuqato in uu jirro jawi
isfaham ah oo lagu wada shaqeeyo, waxay sheegeyn in la
dhisey gole marjac oo iyagu awooda oo dhan gacanta loo
galiyay, halka iyagu ay yihiin fulin oo kaliya, wixii
loo adeegsana ay fulinayaan, waxay sheegeen in wali ay
ku guddo jirraan sidii soomalaida la’isugu keeni lahaa,
oo xittaa ay ka fakarayaan isu keenida dhamaan
soomaalida dalka joogta iyo mideynta jaaliyadaha.
Si kastaba shirka jara’id ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo
noociisa oo kale ah oo eey jaaliyada u qabato tiro
baddan oo warbaahinta soomaaliya ka mid ah, waxaana ugu
wacan warfidiyeeno baddan oo maalmahaan kulamo oga
socday Cape Town kuwaas oo urur matala dhawaan oga
dhawaaqay meesha.
Dhanka kale waxaa Cape town kusoo gabagaboobey kulan
maalmahaan oga socday koox saxafiyiin ah oo ka howlgala
qalabka warbaahinta Soomaaliya, Soomaliyana kasoo qaxay,
xsaxafiyiinta ayaa waxa ay kulankooda kaga dhawaaqeen
urur saxafiyiin oo loogu magac daray ururka saxafiyiinta
soomaalida koonfurta afrika, waxaa xubno ka ah 20
wariye, ujeedka loo asaasay ururkani ayaa ah sidii loo
hormarin lahaa isku xirnaanta xirfadlayaasha saxaafada
iyo sidii soomaalida dalkani looga kaabi lahaa baahida
saxaafadeed ee heysa, talaabadani waxaa si weyn usoo
dhaweeyey soomalaida dalkani oo ku tilmaamtey mid
horumar leh.
Cape town oo eey tahay muddo sanad ah markii iigu
horeysey oo aan dib u booqdo ayaa waxaa iiga muuqday
horumar xoogan oo Soomaalida ay ka samaysan xaga
ganacsiga, dhismooyin cusub, suuqyo waaweyn oo laga
dukaameysto iyo shirkado yaryar oo eey soomaalida
leedahay ayaa ii muuqday, balse sida dadka ay ii
sheegeen ganacsiga soomaalida waxaa soo gaaray dharbaaxo
weyn kadib rabshadihii shisheeye naceybka ee dalka ka
dhacay.
C/nasir Saxansoxo
K/Afrika | Somalitalk