SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamadii Itoobiya ee ka soo guurey Guriceel dagaal Qaraar ku qabsadey Matabaan.

(JULY 1, 2008) Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in halkaas uu dagaal ku qabsadey Ciidamadii Itoobiya ee Saaka ka soo guurey Degamada Guri Ceel ee Gobolka Galguduud wxaxaana lagu waramey in dagaalkaas la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo lagu waramey in Ciiidamada Itoobiya laga soo weerarey Afar jiho wuxuuna dagaalka bilowdey markii ciidamada Itoobiya iyagoo Kolonyo ah jidka loo galey waxaana la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay Khasaaro ka soo gaartey Dagaalaas oo lagu tilmaamey dagaalkaas in uu ahaa kii ugu Qraraaraa ee ay galaan Ciidamada Itoobiya waxaana warar aan ka helney deegaanka guriceel ay noo sheegeen in Ciidamada Itoobiya laga gubey dhowr gaari sidoo kale waxaa la sheegay in ay jiidayeen Saddex gaari oo ku waxyeelowdey Dagaalkii Guri ceel.

Ciidamada Itoobita ayaa sadexdii maalmood ee ay ku sugnaayeen Magaalada Guriceel waxaa lagu qaadey weero aan kala Go’a lahayn kaaso ay ka dhalarey Khasaaro soo kala gaarey dhinacyadii halkaas ku dagaalamey hase yeeshee waxaa la sheegay in dadka raiyidka iyana ka soo gaartey Khasaaro waxaana degmadaas ka barakacay kumanaan kun kuwaas oo maanta ku dhibaateysab dhul baadiya ah oo aan lahayn Biyo iyo baad.

Dadka barakacay ayaa la sheegey in ay u badan yihiin kuwii ka barakacay Magaalada Muqdisho waana barakicii sadexaad ee qabsada Dadkaa oo la sheegay insi aad looga dayrinayo noloshooda .

Ciidamada Itoobiya ee dagaalka ku qabsadey deegaanka Matabaan ayaa waxaa la sheegayin ay Madaafiic la dheceen Matabaan waxaana khasaaro ka soo gaartey dadkii halkaas degenaa oo markki horeba nolosha ay ciriiri ku ahayd waxaana wararka ay sheegayaan in dadka ay haatan u cararayan dhulka Baadiyaha ah si ay ugu gambadaan madaafiicda waxaana la sheegay in dadka qaarkii ay madaaciicda ugu tagtey dhula kaynta ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.

EW-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS