SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taageerida Heshiiskii ka dhacay Gobalaka Ceyn

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Asc, SALAANTA iSLAAMKA KA DIB, Anagoo kala ah jaaliyadaha Sool Sanaag iyo Ceyn ee ku dhaqan Gobolka Minnesota, ayaa waxa ay ku faraxsan yihiin wanaagii iyo gunaanadkii ka soo baxay shirkii loo fadhiyey baryahan ee ku saabsanaa, SHILKII NAXDINTA LAHAA ee ka dhacay Gobalka Ceyn, gaar ahaan magaalada Sararaweyne.

Anagoo haddaba ka duuleyna go'aamadii ka soo baxay shirkaas ee u qornaa sidatan:

LABADII NIN EE DHINTAY WAXAA LAGA XUKUMAY
A. Duug ama aas dhan 20.000.000 sh.so

B. halkii Ninba waxaa laga xukumay Mag Geel oo dhan 120 halaad, marka la isu geeyo labada Nin waa 240 halaad.

C. Waxa Beesha hayaag lagu xukumay Ardaaga hayaag inay magta ku bixiyaan muddo dhan 40 habeen oo ka bilaabmaysa 28.06.08 kuna eg 7.08.08.

D. waxaa ganaax nabad jebin ah oo dhan US $ 5000 lagu xukumay Ardaaga Hayaag

E. laga bilaabo maanta waxaa la go'aamiyey in waxii dil ah ee dhexmara labada beelood ee camdan ah ay ku koobnaato qofkii gaystay, isla markaana la soo qabto oo loo qisaaso Dembigaasi.

f. wax kasta oo xaajadii hore ka qabyo ah in loo fuliyo sidii loo xukumay, waxaana ay arintaasi dhaqan gelaysaa maalinta magtaasi la kala qaato.

Haddaba, hadaanu nahay dadka degan gobalka Minnesota ee ka soo jeeda Sool, Sanaag, iyo Ceyn, waxa aanu si buuxda u taageersanahay go'aamadaas kor ku lifaaqan. Waxana hambalyo aanu u direynaa dhamaan dadkii ka shaqeeyey nabada iyo in la soo nooleeyo DARIS WANAAGII ay lahaan jireen labada beelood.

Waxa hoos ku qoran dhamaan dadkii ka damqanday dhibaatadii ka dhacday dhulkeenii hooyo:

1.Husein Ahmed Dabagoye (odey)
2.eng Abdirshiid Awil Bacalul
3.Ahmed Yowle Duale (aqoonyahan)
4.Abdirshiid Ma,alin Farah(aqoonyahan)
5.Ahmed Mahamed H.Ali _Gudur_Aqoonyahan)
6.Haji Abdiyare Muse (Odey)
7.Haji Mahamoud Nuh(Odey)
8. ex col.Ahmed Mahamed Kodah (Qalacow)
9. Mahamoud Ahmed Johor (odey)
10.Mahammed Hassan Mahamoud (abgaal)gudoomiyaha jaalaiyada minnisota ee sscayn.
11.Abdi hakim H.abdullaahi H.Omer (caaqil)
12.Abdikariim Ahmed Johor ( taariikhyahan)
13.Hassan Mahdi H. Faarah (aqoonyahan)
14.Ali ahmed Gidhifaa (AliBustaale) Odey
15.Mohamed Askar Galeydh (Aqoonyahan)
16.Abdimaalik Mohamed Askar(BHD candidate )
17.Jama Hassan KHalif (BHD candidate)
18.Mohamed Abdi Galad
19 Yusuf Mohamed Samater (Aqoon yahan, ex col)
20.Abdi Wahab Mohamed Laangadhe (aqoonyahan )
21.Mahamed Abdullaahi Abokor (aqoonyahan)
22. Deeq Mahamoud Awmuse (aqoonayahan)
23.Awil Mihel Dolal
24.Deeq Mihile dolal
25. Abdifatah Mahamoud H Omer
26.Ali Abshir Ismail DHimbil (Siyaasi)
27.Jamal H,Abakor Jofey(aqoonayahan)
28.shiikh yusuf Hasan madoobe (shiikh)
29.xildhibaan Siyad Gelle (xafiiska sanatorka )
30. aqoonyahan Abdirashiid Xanbiuuse
31. aqoonayahan jihaad Abdi Aw Ali
32.Mahamoud abdullaahi Garaad (Afjaar)
33.Ibarahim Abdullahi Jama(ina suul cayn )
34. Mahamed Abdi Buqul (Ihdina)
35. Abdilaaahi Garmaqaate Mahamed Adde

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS