SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guriceel: Boqolaal qoys ayaa ka Qaxay Guryahooda Dagaal dhexmaray Itoobiyaan iyo Muqaawamada

Boqolaal qoys ayaa ka qaxeen guryahooda magaalada guriceel ee ku taala gobolada dhexe ee dalka Somalia kadib markii dagaal qaraar uu ka qarxay halkaasi oo u dhaxeeyey ciidamada ethopia iyo kooxaha Muqaawamada, sidaa waxaa wakalada waraka ee (xinhua) u sheegay mid ka mid dadka degaanka.

Ciidama ethopia ayaa soo gaaray degmada guriceel habeenkii sabtida kadib markii ay ka yimaaden magaalda B/weyne ee caasimada gobolka Hiiraan oo 300 km dhanka waqooyi kaga began Caasimada Somalia.

Dagaalayanaha kooxaha kacdoonka wada ayaa la wareegay gacan ku haynta gobolka Hiiraan ee ku yaalaa bartamaha Somalia, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ethopia oo gacanta ku hayey maamulka magaalada B/weyne.

Ciidamada Ethopia ayaa waxa ay xarun ka samaysteen duleedka magaalada Guricel ee gobolka Galgadud, iyagoo markii ay in muda ah ku sugnaayeen ay codsadeen inay la kulmaan odoyaasha degaanka, odoyaasha ayaa iyagana ku gacan sayray inay la kulmaan saraakiisha ciidamada Ethopia.

Kooxaha kacdoonka wada ayaa habeenamii xalay ahayd weerareen ciidamad Ethopia, waxa ayna ciidamada Ethopianka ku jawaabeen madaafiic culus oo ay ku duqeeyeen xafaadaha magaalada.

Arinkaan ayaa waxa uu dhaliyeyinay inay qoysas farabadan isaga qaxaan magaalada oo 100 km dhanka waqooyi kaga began mgaalada B.weyne iyagoona qaarkood u barakacay degaanada ku dhawdhaw.

Ma cada qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalmay iyadoo dad aryidka ahna ay degaano ka samaysteen, geedaha hoostooda iyo guryo cawshado ah duleedka magaalda Guricel halkaasi oo ay ka maciin bideen goobhii ay daganaayeen.

Taliyaasha ciidamada ethopia ayaa caado ka dhigteen inaysa la hadlin warbaahinta marka ay qaadayan talaabooyin Militari, waxa ayna diyaaar u ahayn inay ka hadlaan duqeeynta lagu eedeeynayo inay ka gaysteen degmada Guricel ee gobolka Galgaduud oo ku taala bartamaha Somalia.

Ciidamada Ethopia ayaa waa ay gudaha Somalia soo galeen dabyaaqadii sanadkii 2006 iyaga oo gacan siinayay ciidamada dowlada Somalia, waxa aya xukunka ka tureen ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ee ka talinayay Bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Dowlada Ethopia ayaa sheegtay inay u aragta Maxakamada Islaamiga inay Qatar ku yihiin Jiritaanka Qaranimada Ethiopia.

Dhaqdhaqaaqyadii malayshiyaadka Islmaaiga ayaa awoodooda la wiiqay kadib markii ay dagaal maalmo socanayay la galeen ciidadama Dowlada Somalia oo gacan ka helaya Milatariga Ethopia.

Kumanaan Somali ah ayaa la dilay, qaarna la dhaawacay iyadoo qaar kalena guryahoodii laga barakiciyey, qalalaasha ka jira gudaha dalka Somalia aawgiis.

Weerarada ay muqaawamada ku qaadayaan ciidamada Ethopia iyo Kuwa Somalia ayaa ah kuwo isbada joga oo an kala go’lahayn, Marka laga soo tago saansaan nabadeed oo ay heshiis ku gaareen xubnaha mucaaradka iyo dowlada KMG ah magalada Jabuti, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadinaysay qaramada Midobay horaantii bishaan.

Qeyb kale oo katirsan Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa ayaa ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eritrea iyadoo ururka Al-shabaab ay ka biyo diideen heshiiskii bishaan horaanteedii lagu galay dalka Jabuti.

Waxa ayna sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada KMG ah inay ilaa ciidamada Ethopia ay dalka ka baxaan.

Somalia ayaanan lahayn xukuumada dhexe kadib markii xukunka laga tuuray Xukuumadii Maxamed Siyad bare 1991.

Abdulkarim Muxsin
Somalitalk-Nairobi
Mail: Muxsin55@hotmail.com
Tel: +254-727965067

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS