SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxda Midowga Afrika ayaa sakay shirkoodi Kow iyo tobnaad uga furmay Magaalada Xeebta ah ee Sharma Sheekh ee wadanka Masar.

(JUNE 30, 2008) Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa furitaanka shirka ka jeediyay qudbad waxuu ka sheegay Masar in ay ku qanacsantahay in Qarada afrika ay hayso wadada saxda ah ee ay ku geerayso Hormar iyo Isku Filnaasho,waxuu kaloo ku nuux nuuxsaday Madaxweynaha Masar adkeenta Golaha nabad galyada iyo amaanka ee Qarada Afrika taasoo u sheegay in qayb wayn ay ka qadanayo ka hortagida dhibatooyinka iyo dagaalada ka jiro qarada Afrika .

Sido kale Madaxweyne Mubarak waxuu ugu baaqay Madaxda Dalalka Afrika iyo dowladahooda intaba in ay Midowaan si ay uga hortagi lahayeen dhibaatooyinka ka jira calamka .

Qodobada lahadal hayo ee kulanka maantay soconaya ilaa barito ayaa waxaa hareyay dhibatada Dalka Zimbabwe nabada amniga Qarada Afrika Mushkiladaha Daarfuur iyo Soomaaliya iyo waliba tan Jabuuti iyo Eratarya.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugambe oo canbaareenti ugu xumeyd uga imaanayso dhanka beesha calamka tan iyo intii la qabtay dhawaan doorashadii Madaxtinimada ee ka dhacday dalkaasi .

Golaha nabad galyada iyo amaanka Qarada Afrika ee tabacsan Midowga Afrika oo ka koban shan iyo toban xibnood oo ka kala socda Dalalka Afrikaanka ah ayaa Malintii Axada kulan ay ku yesheen Magaalada Sharma Sheekh ee Wadanka Masar kuna lafa guray dacwooyinka faraha badan ee Midowga Afrika kaga imaanayo dhinaca Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugambe .

Ilo ku dhaw dhaw Midowga Afrika oo u waramay warbaahinta ayaa xusay Golaha nabad galyada iyo amaanka Midowga Afrika qadiyada la dhaqanka arinta Mugambe in lagu falanqaynayo kulamada dhacayo Mantay iyo Barito.

Madaxweynaha Zambiya Mr. Levy ayaa malintii axada la dhigay isbitaal ku yaalo magaalada Sharma sheekh ee dalka Masar kadib markii xanuun uu ku soo booday iyadoo hadda la hadal haayo in loo soo qaadi doono magalada qaahira ,walow xaladiisa ay hadda ay wanagsantahay sida ay sheegayaan warar ka soo baxay dhinaca isbitaalada.

Mr.Levy Madaxweynaha Zambiya ayaa waxaa la sheegay in uu fahan ka Muujiyay Moqifka Koxda mucaradka ah ee Zimbabwe ee uu Hogaamiyo Morgan Tsvangaria kadib markii ay dib uga gurteen wareegi labaad ee Doorashada Madaxtinimada ee ka dhacday dalka Zimbabwe .

Waxaa kaloo lagu soo qadayaa shirkaan xiisadaha ka jira Dalalka Afrika ay ugu horeyso dhibaatada Darfuur ee dalka Sudaan tan Jabuuti iyo Eratarya ee dhanka Xaduuda iyo arimaha Soomalida oo la filayo in laga hadlo kulan kaasi iyado waliba la sugayo kulanka Kow iyo tobnaad ee Midowga Afrika in ay qaraaro gaaari doonaan dhibaatooyinka ka jiro Qarada Afrika .

Waxaa Muuqata in shirkaan xoogiisa uu u batay dhinaca arimaha Zimbabwe iyo dhanka Jabuuti iyo Eratarya mana muuqata in arimaha Soomaaliya la siinayo culays saas u wayn waxaana muuqata in madaxweyne C/laahi Yusuf iyo waftigiisa ay shirkaan ku soo hungoween waliba ayagoo filayeen in Madaxda Afrika ay waydiistaan mar labaad Ciidamadii Midowga Afrika ee hore looga Balan qaaday .

Raage Cali Dheere

raagenews@hotmail.com

Qaahira -Masar

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.