SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad weyn oo lagu maamuusayay ardayda ka qalinjabisey Mac-hadka Al-furqaan oo ka dhacday L/caanood

Sawirada Xafladda halkan ka daawo....

      Waxaa lagu qabtay xarunta Khadiija Bint Khuweylid ee dumarka subaxnimadii isniinta 30/06/2008 xaflad ballaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay ardaydii ka qanlinjabisay mac-hadka Al-furqaan ee culuumta sharciga iyo luqada carabiga. Xafladda waxaa ka soo qeybgalay maamulka, macallimiinta, ardayda mac-hadka, waalidiintooda iyo qaar ka mid ah dadweynaha reer Laascaanood. Waxaa kale oo ka soo qeybgalay marti sharaf kale oo ka kala yimid gobolada dalka iyo dibadaha.

      Ugu horrayn waxaa xafladda lagu bilaabay aayado Qur’aan ah, ka dibna waxaa kalimad soo dhaweyn iyo mahadcelin ah ka soo jeediyay goobtaas Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo uga mahadceliyay marti sharafta meelo dhaadheer uga yimid ka qeybgalka munaasabaddan qiimaha badan, wuxuuna yiri sheekhu abaalgud waxaa ugu qiimobadan ducada ee Alle khayr ha idan ku abaalmariyo. Waxaa kale oo sheekhu ku tilmaamay risaalada mac-hadku in ay tahay: barista iyo faafinta cilmiga sharciga oo ah dhaxalkii nabiyaasha. Waxaa kale oo sheekhu tilmaamay in cilmigu xal u yahay mushkiladda bulshada.

      Waxaa iyana bandhig aqooneed aad u heer sarreeya oo ku socday afka carabiga ku soo bandhigay xafladda qaar ka mid ah ardayda machadka. Culuumta ardaydu soo bandhigeen oo aad loogu riyaaqay waxaa ka mid ahaa: caqiido, tajwiid, musdalaxa xadiiska, qawaacidda fiq-higa, sarfaha, naxwaha, usuulul fiqhi, tafsiirka iyo culuumta Qur’aanka, fiqhi, usuusha takhriijka xadiiska, balaaghada. Waxaa intaa dheeraa gabayo kala jaad jaad ah oo qaarkood ay kaga hadlayeen mac-hadka. Waxaa marti sharaftii iyo dadweynihii xafladda ka soo qeybgalay oo dhan aad u soo jiitay ardayda oo culuumtaas oo dhan ku soo gudbiayay luqada carabiga iyaga oo waliba kor ka akhriyayey. Waxaa iyana xusid mudan manhajka ardayda loo dhigay oo ah mid aad iyo aad isugu dheellitiran oo funuunta diinta iyo luqada carabiguba ku dhan yihiin. Waxaa iyana wax aad loogu farxo ahaa tarbiyada sare iyo haybadda culimanimo ee ka muuqatay ardaydaas oo da’doodu aad u yaryarayd.

      Madaxa guddiga maamulka mac-hadka Eng. Jaamac C/laahi Caydiid ayaa isna xafladda ku soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa taariikhda mac-hadka, ujeedooyinkiisa, waxqabadkiisa, waxyaabaha uu hiigsanayo iyo kaalinta bulshada kaga aaddan horumarinta mac-hadka.

      Waxaa iyana xafladda ka hadlay Sh. Maxamuud Max’ed Xalliike oo ka mid ah macallimiinta mac-hadka. Waxaa isna kalimad xamaasad iyo qiiro ku dhehantahay ka yiri xafladda Suldaan C/salaam Max’ud Xaaji Nuur oo ku tilmaamay dadku in ay yihiin wax la maalgashado waxa ugu  muhiimsan, ciddii ubadkeeda maalgashanweydana ay taariikhda ka harayso. Suldaanka oo ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee wax ku baratay mac-hadkan waxa uu ugu baaqay balshada in ay taageeraan mac-hadka, ayna u shafeecaan, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida qof walba loogaga baahanyahay in uu kaalintiisa ka qaato horumarinta mac-hadka.

Sh. Axmed Max’ed Suleymaan oo gabay uu ku amaanayo mac-hadka halkaa ka tiriyay, Yuusuf Jaamac Calas oo ku hadlayay magaca waalidiinta ardayda, waxaana uu ku ballanqaaday in ay si buuxda u taageeri doonaan mac-hadka. Waxaa kale oo kalimad kooban soo jeediyay Sh. C/laahi Daahir Jaamac (Baashe) oo ku hadlay magaca marti sharafta ka timid Hargeysa iyo Burco. Waxaa kale oo kalimad kooban isna soo jeediyay Cumar Faaruuq oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda isgaarsiinta Golis ee saldhiggeedu yahay Boosaaso. Waxaa kale oo kalimad ka yiri golaha Jaamac Max’ed Mire (Amiir) oo ka mid ah duqowda deegaanka, wuxuuna ku ballanqaaday in ay taageero buuxda siinayaan mac-hadka. Waxaa magaca jaaliayadaha dibadda ku hadlay Garaad Ciise Garaad Soofe oo ardayda ku dhiirrigaliyay in ay dadaalka waxbarasho sii wadaan, wuxuuna ugu baaqay jaaliyadaha iyo dadweynahana in ay labanlaabaan taageerda ay siiyaan mac-hadka. Waxaa kale oo uu tibaaxay Garaad Ciise in ardaydii ka baxday mac-hadka L/caanood ay ku xiriiriyaan arrintaas meel kasta oo ay joogaan.

Xafladdan waxaa lagu maamuusayey 59 arday oo dhamaysatay daraasadii machadka oo ahayd labo sanadood, iyo 65 arday oo dhamaysatay sanadkii koowaad ee waxbarashada.

      Ugu dambayntii waxaa la guddoonsiiyay ardayda ugu sarsarreysey abaalmarin dhiirrigalin ah. 

Maamulka Machadka Al Furqaan ee Culuumta Shareecada Islaamka iyo Luqada Carabiga

Laascaanood

la xiriir: alfurqaninstitute@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS