SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Wararkii: Jan 14, 2008

  • Kooxo burcad ah oo nin rayid ah ku dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
  • 3 qof uu ku dhaawacmeen kadib markii gaari rakaab ah lagu rasaaseeyay deegaanka Bajiire gobolka Mudug
  • Weriyayaal lagu xirey magaalada muqdisho kuwaasi oo ka shaqeeynaayey idaacad FM ah

Kooxo burcad ah oo nin rayid ah ku dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Ninkani rayidka ah ayaa Axadii lagu dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgauud, waxaan dilkaasi geystey kooxo burcad ah kadib markii ay ka dhaceen lacag dhan $4000 dollar.

Dilka ninkani ayaa yimid kib markii kooxaha burcadka ahi ay fal dhac ahi u gaysteen marxuumka geeriyooday, arinkaasina waxa uu sababay geerida marxuumkaasi.

Burcadkaani oo ka koobnaa ilaa 3 nin uu ku hubeysnaa bostoolado ayaa galabnimadii Axada ay soo qabteen ciidanka nabad gelyada degmada Guriceel, ciidankaani ayaa la wareegay amaanka degamada kadib markii ciidamada ethopia ay sanadkii tagay isaga tageen degmadaasi.

Arinka soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dad degaanka iyadoo ay u muuqaato saan saan nabadeed inay ka dhalan rabto dhamaan degaanada maamulkaaan hoos yimaada.

3 qof uu ku dhaawacmeen kadib markii gaari rakaab ah lagu rasaaseeyay deegaanka Bajiire gobolka Mudug

3 qof ayaa ku geeriyootey 8 kalena way ku dhaawacmeed kadib markii kooxo hubeysen ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari siday rakaac oo marayay degaanka Bajiire ee gobolka Mudug.

Isbitaalka koofurta galkacyo ayaa Axadii waxa la gaarsiiyay ku dhawaad toban ruux oo dhaawacyo culus qaba kuwaas oo ku soo dhaawacmey deegaanka Bajiire ee gobolka Mudug kadib markii saakay ay kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaarigaanaki xamuulka ah oo halkaasi marayey.

Waxana wararka qaar ay xaqiijiyanayaa in sadex ka mid ah dadkaasi ay geeriyoodeen kadib markii rasaastu ay meel xun ka abaartay.

Ilaa iminka macada sababta ka dambeysay in dadkaasi koooxaha hubeysan ah ay xabadeeyaan,hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegeen in falkaasi uu yahay mid deegaankooda ku cusub islamarkaana si wayn looga dareemay deegaanka.

Dhaawacyada la gaarsiiyay galkacyo waxa ka mid ah haween kuwaas oo xaaladooda ay aad u liidato.
Waa markii ugu horeysay oo dhacdo nuucaan ay ka dhacdo deegaanka Bajiire oo katirsan gobolka Mudug.

Weriyayaal lagu xirey magaalada muqdisho kuwaasi oo ka shaqeeynaayey idaacad FM ah

Ciidamo katirsan kuwa dowlada KMG ah ee soomaaliya ayaa Axadii xabsiga utaxaabay agaasimaga idaacada FM ah oo ka ahadasha Muqdisho, C/raxmaan Xuseyfi iyo mid kamid ah wariyayaasha idaacadaasi oo lagu magacaabo bashiir C/qaadir Al-bashiir waxaana wararka inasoo gaaraya aay sheegayaan in labadaasi wariye loo taxaabay xabsi kuyaala madaxtooyada dowlada kmg ah ee muqdisho. Ilaa haatan lama garanayo sababaha loo xiray labadaasi suxufi.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dagaal qaraar ku dhexmaray tuulada dhamasa ee magaalada Laascaanood

Dagaalkaan oo bilowdey subaxnimadii hore ee saaka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabsacsan Maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland waxaana la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay tuulada dhamasa oo 80 KM dhinaca Woqooyi kaga beegaa Magaalada Laascaano ee Xarunta gobolka Sool Lama oga qasaaraha soo kala gaaray Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Labada Maamul ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu dagaalkaasi ka dambeeyo waxaana ay sheeganayaan in midba kan kale uu ka gacan sareeyo.

Balse Sheegashada labadani maamul ayaa waxaan jirin warar ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda sidoo kale ma cada qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhex maraya ciidmada maamulada puntland iyo Somaliland.

Bishii October ee sanadii tagtay ayeey aheeyd markii ciidamo ka socda maamulka Somaliland ay la wareegeen gacan ku heeynta magaalada laascaano ee xarunta gobolka Sool kadib dagaal qaraar oo dhex maray labada ciidan ee kala taabacsan maamulaada Somaliland iyo Puntland.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Mail: muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com