SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Wararkii: Jan 13, 2008

  • Sool: Dagaal Xooggan oo Dhexmaray Somaliland iyo Puntland
  • Muqdisho: Dagaal xooggan oo Xalay ka dhacay Muqdisho
  • Boorama: Dagaal ka dhacay Degaanka Dixda Harawo
  • Baydhabo: Prof. Dalxa oo shir jaraa'id kaga hadlay dilkii Baalbaalow

Sool: Dagaal Xooggan oo Dhexmaray Somaliland iyo Puntland

  • SomaliTalk.com | Bosaso

Waxaa maanta [Axad Jan 13, 2008] dagaal xooggan uu Gobolka Sool ku dhex maray ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland, dagaalkaas oo wararka ugu horreeya ee ka soo baxaya ay tibaaxayaan in khasaare xooggani ka dhashay, halkaas oo dad kudhinteen.

Dagaalkaas oo ka dhacay meel dhanka Koonfur kaga beegaan magaalada Laascaanood ayaa Puntland iyo Somaliland midba kan kale ku eedeeyey in uu dagaalkaasi soo qaday.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaas.

Muqdisho: Dagaal xooggan oo Xalay ka dhacay Muqdisho

  • SomaliTalk.com | Muqdisho

Dagaal xooggan oo xalay (Axad soo geleysey) ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid, inta u dhexaysa Warshaddii hore ee Baastada ilaa Caymiska, ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Dagaalkan ayaa dhacay kaddib markii ay weerar qaadeen xooggaga ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaa kale oo weerar hoobiyaal lagu qaaday Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga halkas oo fariisn uah ciidamaad Itoobiya oo magaalada Muqdisho ku sugan in ka badan sannad.

Itoobiya waa dal ay Soomaaliya ka dhexayso colaad soo jireen ah oo la xiriirta dhul iyo dad ay ka gumeysato Soomaalida. Sidaas daraadeed marka weerar lagu qaado fariisimo ay ka joogaan Muqdisho waxay kujwaabaan madaafiic ay ku garaacaan goobaha shacabka iyaga oo aan u aabba yeelayn wixii ay khasaare keenikaraan ama ku dhimanaya.

Boorama: Dagaal ka dhacay Degaanka Dixda Harawo

  • SomaliTalk.com | Muqdisho

Dagaal dhex maray laba beelood oo Sabtidii kadhacay degaalka Dixda Harawa oo ku yaal meel galbeedka kaga beegan magaalada Boorama ee Gobolka Awadal ayaa waxaa kudhintay ugu yaraan lix qof, dhawr kalena waa ku dhaawacmeen.

Wararka ka imanaya degaanka dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu laxiriirey dhul ay muddo dheer isku hayeen laba beelood oo walaalo ah kawada tirsan beel weynta Samaroon.

Dhulka dagaalku ka dhacay ayaa lagu tiriyaa in uu ka tirsan yahay dhulka ay Xabashidu u bixisay 'Kilika 5aad' ee ay gumaysato, waana degaan la ollog ah Gobolka Awdal.

Qaar kamid ah dhaawaca waxa la geeyey magaalada Borama.

Prof. Dhalxa "in Xukuumada laga soo horjeeda micnaheeda ma ahan in Culimada la dilo iyo aqoonyahanada” shir jaraa'id

  • Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo ayaa ka hadley dilkii Af-hayeenka Ahlu-suna Wal jamaaca Sh. C/laahi Cali Aadan (Baalbaalow) , xasilooni derida ka jirta dalka qaarkood iyo arimo kale.

Gudoomiye ku xigeenka “sida aad la socotaan beryahan xaalada dalka dhinaca nabadgelyada gaar ahaan deegaanka Baarlamaanka uu ku shaqeynayo, taasoo ay ka dhacayaan dilall qorsheysan, dadka hada la diley ninkii ugu dambeeyey ee qiimaha leh ee Bulshadu ay ka naxdey uu ahaa Marxuum Sh. C/llaahi Baalbaalow oo ahaa Sh. Ahlu suna Wal jamaaca ee lagu dilay magaalada Baydhabo, waxaan u direynaa salaam Tacsi huwan anagoo ah Baarlamaanka Soomaaliyeed eheladii iyo asxaabtii uu ka tagey, nabadgelyo xumada beryahaan dalka oo dhan ayey ka jirtey, waxaa jira Gobolo ay caadi u tahay nabadgelyo xumada, hadana waxaa keloo jira in Goboladii nabada ahaa in lala beegsanayo colaado sokeeyo laga dhaliyo, tan ugu dambeysay ee hada kus oo korortey Degmada Jilib Tuulooyinkeeda, dadka halkaasi degan waxay ahaayeen dadkii nabada oo Beeeraleyda ahaa ee aan u fududeyn dagaalka ahaana dadka aan guur guurin sida ay iyaga ugu nugul yihiin dagaalada ayaa waxaa nasiib dero ah in dagaalada ay ka abuurmaan”.

“Waxaan ugu baaqayaa in ay gartaan kuwa nabada ka shaqeynaya, ha noqdaan kuwa ku dagaalamaya Jilib, Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari ee aan wali ka dhamaan colaadii iyo meelaha kale ee aanan ka quusan halaaga ay geysteen dagaaladii sokeeye in la joojiyo dhiiga micno derida ah ee daadanaya, waxaana ku adkeynayaa in dhegehooda ay ufurmaan kuwa wanaaga ka shaqeynaya ayna, dhegahoodana ka xirmaan kuwa xumaanta u sheegaya”. Ayuu yiri Prof Dhalxa.

Nabadgelyo xumada waxaa iska leh dadkii abuuraaya ama inta maalgelisa, ninka lidka ku ah nabadgelyada waa mud ka soo horjeeda nolosha Ummada, dadka wax dilaayo isweydiin ma leh in ay iyaga leeyihiin dembiga, laakiin xukuumadu maxay u hanan weydey amaanka si aan wax loodilin, waa sax laakiin aniga waxaan eeda dusha uga tuurayaa dadka u tafo xeytey dadka birima geydada ah ee aan waxba galabsan oo waxay Kurka ka gooyaan ama haweenka kufsada, ee baday meel aan munaasib ahayn kuwa badey aniga mas’uuliyada kuwaas ayaan saarayaa dhibka” ayuu yiri mar la weyiiyey cida ka dambeysa nabadgelyo xumida.

Mar aan weydeiiyey mudane Gudoomiye mala dhihikaraan Xukuumada ama guud ahaan dowlada Qorshe lagu qancikaro ma’aysan soo bandhigin oo shacabka Soomaaliyeed uu ku raaco?.
wuxuu ku jawaabey “ Xukuumada waa laga soo horjeedi karaa, in Xukuumada laga soo horjeeda micnaheeda ma ahan in Culimada la dilo iyo aqoonyahanada, mucaaradnimadaada waxaad ku cabiran kartaa si ilbaxnimo ku jirto, maanta adinka Wariyeyaal baa tihiin maqaal aad adinka ka qortaan dowlada wuxuu muujin karaa oo iyada lagu dhaliilsan yahay ama la doonayo inay iyada qabato ama sawir gacameedka ay ka qoraan qaybaha ka midka saxaafada wuxuu u dhigmaa madaafiic waaweyn, waa hadii uu garowshiyo muujinaayo”.

Mar aan weydiiyey Magaalada Baydhabo Amni derida ka jirta oo ay isweydiinayaan, mala dhihikaraa Baarlamaanka waa uu ka gaabsadey oo kama hadlo?

Gudoomiyuhu waxaa uu ku jawaabey “Baarlamaanka inta jeer ee uu ka Hadley in nabadgelyada wax laga qabto xisaab malaha, wuxuuna isaga leeyahay toosin. talo bixin, turxaan bixin, Xukuumada inuu la xisaabtamo, shuruucda dalka dejinteeda inuu isku xilsaaro iyo hirgelintiisa, Baarlamaanka marka waajibaadkiisa waa qaatey si guud iyo gaar ahba nabadgelyada Booliiska ayaa u xilsaaran, Wasaarada Arimaha gudaha ayey hoostagaan, iyaduna waxay ka tirsan tahay Xukuumada, waxaana ma’suul ka ugusareeya Xukuumada ah Ra’iisul Wasaaraha, nabadgelyada waxay ku soo uruureysaa waajibaadka Xukuumada, Xukuumadana waxaa mas’uul ka ah Ra’iisul Wasaaraha”.

Sidoo kale mar aan weydiiyey sideebay ku dhicikartaa iyadoo Madaxweynihii, Baarlamaankii, Ra'iisul Wasaarihii iyo Xukuumada ay degan tahay in aysan lahayn Godoomiye Gobol iyo Duq Magaalo ilaa iyo in mudo ah?.
Waxaa uu ku jawaabey “ Baydhabo intuba way lahayd, khilaaf baa ka yimid, Wasaaradda Arimaha Gudaha waxay si ku meel gaar ah ugu dhiibtey Gudoomiyaha Gudiga Nabadgelyada oo ah Taliyihii Qaybta Booliiska Gen Ibraahim Xaashi Gaabow, walina isagaa haya, dadka deegaankuna waxay isu diyaarinayaa inay maamul sameystaan oo ay iyagu isku raacsan yihiin, marka lama dhihi karo meeshatan maamul ma jiro, arinta banana Rag si ku meel gaar ah loo gu dhiibay baa shaqeynaya.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com