Soomaaliya: Warka lagu Guuldareystay In la
sheego!!!.-- Q.2aad
Warbixintan waxaa Qortay Hay'ada Warbaahinta ee la Yiraahdo
People's Voice (Codka dadka)
Qormo laga qoray Soomaaliya
Awoodaha Gumeystaha waxa ay noqdeen kuwo bartilmaameydsi ka dhigta
Somalia wixii ka dambeeyay Shirkii Barlin ka dhacay ee lagu kala
qeybiyay Somalia iyo afrikaba ,Imaanshaha Somalia Gumeystiyaashii
Britian ,France iyo Italy ayaa waxa ay aheyd mid bilaabatay Qarnigii
19-aad ,waxa ayna Islamarkiiba kala Qeybsadeen Dhulka somalida iyaga oo
erayada Somalia ku daray magacyadooda sida British Somaliland oo
Gumeystihii Britian uu ula baxay dhulka haatan isku magacaabay
Somaliland,Italian Somaliland oo Gumeystihii Italy ulabaxay Koofurta
Somalia,Labadaan wadanba waxa ay bilaabeyn in Maamulkooda ku faafiyaan
Goobihii ay uga sugnaayeen wadanka,iyadoona Dagaalo ay dhexmareyn.

Damley somali ah Reuters Khamiis 10 Jan
Dagaalkii Labaad ee Dunida waxa uu saameyn ku yeeshay
Somalia,Somalia ayeey qaramada Midoobay u ogolaatay Ismaamul hoosaad
sanadkii 1949 inkastoo 11 sano kadib xiligaas ay si buuxdo u hanatay
Xoriyadeeda xiligaas oo ku beegneynd 1960kii,sikastaba Faragalintii iyo
danahii gumeystaha masoo afjarmin xiligaas waxa ayna noqdeen kuwo sii
socda,ilaa iyo Dagaalkii Qabowbaa ee Dunida oo ay ku luglahaayeen
Ciyaaryahanadii cusbaa ee Maricanka ,Soviet Union iyo waliba Cuba iyo
ilaa waqtigan.

wiil yar oo somali ah soconaya wado cidla ah reuters 10 Jan
Gumeysiga ayaa noqday mid sii socda oo u dhaxeeya
Dowladaha afrika ,iyadoo Gobolka Ogadeniya Gacanta Gumeysiga uu ku haray
kadib markii Gumeystihii Britian uu gacanta u galiyay Dowlada
Ethiopia,halkaas oo uu ka dhacay labo dagaal oo waaweyn una dhaxeeyay
Dowladaha Somalia iyo Ehtiopia sanadihii 1964 iyo 1977,tirooyin Somali
ah ayaa wali hoosta oo ku hoos nool Gumeystaha Ethiopia iyadoo lagu
maamulo Siyaasada Adis Ababa.

haweeney somali ah oo soconeysa wado dagaalo ay burburiyeen reu.6 jan 08
Dagaalkii Sokeeye ee ka bilowday Somalia 1991 ayaa noqday mid ka dhashay
Faragalinta shishiiye iyo waliba Qabaa'ilo dirirsanaa oo isu ceelqabay
taas waxa kazoo baxday dhibaatooyin waaweyn oo Somali badan noloshoodii
gaalday.

maleeshiyooyin hubeysan oo somali ah Reuters 3 Jan 08
Somalia ayaa waxa ay noqotay meel shacabkeeda ay Macluul
la dagto,waxaana ku dhufatay abaar aad u daran iyo dhibaatooyin
Aadninimo,waxaana yaraatay Gargaarka Beesha caalamka ay ka hilayaan
dadka somalida ah,Waqti dhibaatada ay aad u korartay ,dad badane ay
geeriyoodeyn Ayaa la isku dayay in in faragalin lagu sameeyo Somalia si
la isugu dayo in wax laga qabto ,waxa ayna Qaramada Mibooday meel
marisay Howlgalkii Rajo soo celinta ee Markii dambe Dagaal isku
badalay,1992 bishii December ayeey si rasmi ah Ciidamada Qaramada
Midoobay oo ay qeyb ka ahaayeen Maricanka askar ka socotay ay soo
cagadhigteyn ciida Somalia ,waxa uuna Howlgalkaas soo afjarmay bishii
octobet ee sanadkii 1993,markii in kabadan kun qof oo Somali ah iyo 18
askari oo Maricankan ah lagu dilay Dagaal ay isaga horyimaadeyn Ciidamo
Somali ah iyo kuwii Maricanka.

xero qaxooti oo ay ku nool yihiin somali afp 2 jan 08
Taas waxa ay horseeday ka bixitaankii Dagdaga ahaa ee Maricanka uu uga
baxay Somalia ,iaydoona wararka Koowaad ee Warbaahinta ay noqotay Reer
Galbeedka ma caawinkaraan dad diidan in la caawiyo, Marka kale ay
dhibaatooyinkii halkoodii ka sii socdeyn ,xaqiiqda jirta waxa ay tahay
in Gumeystayaasha ay noqdeen kuwo maskaxda ka dagan qalbiyada Somalia
islamarkaasna deedanaa in ay nabad ka dhalato Somalia .

Ciidamo ka socda Au oo ilaalinaya xeebaha somalia afp 30 dec 07
Taniyo waqtigaas Somalia waxa ay aheyd waraka ugu muhiimsan ee
Warbaahinta Caalamka, dhab ahaantee Dhibaatooyinka Gumeystaha ayaa sabab
u noqday holaca Somalia iyo waliba Africa.
Weeraradii Argagixiso ee 11 September lagu qaaday
Maricanka ayaa maricanka waxa ay u muujisay in ay muhiim u tahay Qaarada
Africa si looga aargudo kooxihii ka dambeeyay weerakii 11 September ee
2001, bil uun kadib Weerarkaas Paul Wolfowitz oo ah Masuul sare oo ka
tirsanaa Maricanka islamarkaasna ahaa Ku xigeenka Xoghaya Difaaca ee
Maricanka ayaa Ethiopia kula kulmay Kooxo kala duwan oo Somalia ah
,isaga oo u sheegay in kooxo ka tirsan Al-Qaeda ay ku dhuumaaleysanayaan
Deegaanada Raaskaboni iyo qeybo kale oo ka tirsan Somalia.

Bush iyo Paul Wolfowitz google Search
Sanad kadib
Maricanka ayaa abaabulay Ciidamo loogu magacdaray Task Force oo ka
howlgalay Geeska Africa iyaga oo tababaro siinaya Ciidamada Dowlada
Geeska Africa si ay ula dagaalamaan Argagixisada Geeska Africa.
Askarta maricanka ayaa door ku yeeshay xaalka Geeska Africa iyaga oo
khilaafka Geeska afica sii kordhiyay ,waxa ayna wararka sheegayaan in
Maricanka uu ku luglahaa caawinta Ciidamada Ethiopia ee galay gudaha
wadanka Somalia bishii December ee 2006,iyaga oo duqeeyay deegaano ay ku
sheegeyn in Al-Qaeda ay ku dhuumaaleysaneyso.

oday somali ah oo dhaawacmay afp 27 dec 07
Qabsashada
Ethiopia ayaa noqotay mid lagu baneystay Dowlada ayaa u yeeratay
,iyadoona Dowlada KMG ah lagu sheegayo inay tahay mid hoostagta Maamulka
Ethiopia,waxa ayna Ethiopia markii ay gashay Somalia ay lumisay
Maamulkii maxkamadihii islaamiga ahaa,kuwaas oo Muqdisho kala wareegay
hogaamiyayaal Awood sheegtay oo ku midoobay aakhirkii wax ay ugu yeereyn
Isbaheysiga Argagixiso la dirirka,iyagoona ku faafay Dalka inteesa
badan.
Sidoo kale waxaa fashilmay isku dayo Beesha caalamka iyo
Dowladaha Reer Galbeedka qaar kood ay wadeyn oo ay ku doonayeyn in ay ku
hishiiyaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo Dowlada
Sikastaba ha ahaatee,Maricanka oo dabada ka reexayay Ethiopia ilaa
December 2006dii ayaa January 7,2007 si cad ugu lugyeeshay Dagaalka
Somalia ka socda,Iyadoo Diyaaradaha Maricanka ee AC-130 ay duqeeyeen
gobo ka tirsan Somalia ,taas oo sababtay Dhibaatooyin soo gaaray dad
rayid ah,inkastoo Maricanka ay deedeyn inay qaataan masuuliyada
Dhibaatooyinka ay geysteen Diyaaradahooda.

wiil yar oo dhaawac ah reuters 22 dec
Faragilintii ugu
dambeysay ee qeyb ka noqotay Burburka Somalia ayaa aheyd Dowlada KMG ah
ee Somalia (oo ay dabada ka reexayaan Un,Usa iyo Au)iyo Maxkamadaha
Islaamiga ah (oo lagu eedeynayo inay dabada ka reexayaan Dowlada Eritrea
iyo qaar ka mid ah Dowladaha Carabta).
Ciidamo ay balanqaadeyn midowga Afika ayaa laga helay
tiro aad uga yar inta ay balan qaadeyn oo ka socda Uganda iyo Burundi.

Ciidamo Burundi oo Jooga Muqdisho afp 24 dec, 2007
Xaaladaan ayaa la tagtay Tiro aad u badan oo Somali ah taas oo ay sabab
u yhiin Awoodaha shishiiyaha iyo Ciidamada Danaha gaarka ah u
adeega,walina Dhiig daadashada waa ay ka socotaa Somalia.
Qofkasta oo Somalia ah waa in uu raadshaa xalka Somalia
iyo siddii ay nabad dib loogu soo celinlahaa Somalia, ka shaqeyn Danaha
Wadankaada ,haka shaqeyn Dano Qabaa'il la soco Qabiil Faa'iido malahan.
Qaybtii 1aad:
Halkan ka akhri.....
W/D:Muxyadiin Axmed
Nairobi,Kenya
Email: Saadaam_7@hotmail.com
Muhudin01@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008