Soomaaliya: Warka lagu Guuldareystay In la
sheego!!!.- Q.1aad
Warbixintan waxaa Qortay Hay'ada Warbaahinta ee la Yiraahdo People's Voice
(Codka dadka)
- Tarjumadii: Muxyadiin Axmed
dad ka qaxaya Muqdisho Afp Sawir Axad,23 Dec.
Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay markale galeen Dhibaato weyn oo socoto ah
Kadib Markii Askar Ethiopian ah ay galeen Soomaaliya ,kuwaas oo burbur iyo
Rabshado hor leh ka abuuray Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
dhaawaca wiil Soomaaliya ah AP Sawirka Axad,23 Dec
Waxa ayna taas umuuqataa inay ka dhasheen Weeraro lagu qaaday Askarta
Ethiopia iyo Meydadka Askarta Ethiopianka ah oo lagu jiido Wadooyinka
Caasimada Muqdisho oo ah Goob Horay loogu jiiday Askar Maraykanka ee Qeybta
ka ahaa Howlgalkii Qaramada Midoobay ee Rajo soo Celinta, waxaana sidoo kale
lagu soo waramayaa In madaafiicda ay ridayaan Ethiopiayaanka galay Muqdisho ay ku
dhacayaan Guryaha dad ka Rayidka ah ay daganyihiin ,Madaafiic lagu garaacay
Muqdisho oo ka imanayay Saldhigyada askarta Ethiopia ayaa hal mar ku
habsaday Guri hal qoys ay wadadaganaayeen 9 Nov. ee sanadkan 2007, iyadoo ay
qurbaxeen 8 qof oo qoyskaas ka tirsanaa.
wiil yar oo dhaawac ah ayna caawinayaan shaqaalaha Caafimaadka Reuters
Sabti,22 Dec Sidoo kale tiro kale oo meydadka dad Shacab ah ayaa la helay maalintii
Xigtay ,kuwaas oo la rumeysanyahay in ay Qudha ka jareyn askarta Ethiapia
habeen ka hor.
cunug yar oo Soomaaliya ah kuna xanuunsanaya Marka oo 100 killomiters u jirta
Muqdisho ap sabti,22 decUgu yaraan 50 qof oo dad yarid ah ayaa lagu soo waramay inay Ethiopia
askarteeda Muqdisho ay dileen iyaga oo dhaawacay tiro kale oo gareysa 100
qof oo shacab ah ,dagaal socday labo maalin oo ay lagaleen kooxo ka soo
horjeeda,kuwaas oo daacad u ah Xoogagii maxkamadaha Islamic Soomaaliyeed.
Kooxda caafimaadka oo caawinaya qof dhaawac ah afp 20 dec
Warbixin ay soo saartay Hay'ada Xaquuqul insaanka ee la yiraahdo Human
Rights Watch ayaa waxa ay ku sheegatay Kooxaha ku hardamaya Soomaaliya oo ay
ka mid yihiin Ethiopia inay galeen Danbiyo dagaal, Peter Takirambudde oo ah
Agaasimaha Qeybta Africa ee Human Rights ayaa laga soo xigtay "Beesha
caalama waxa ay canbaareyneysaa dagaaladaas waxa ayna kooxahaan la
tiigsnadoonaa Sharciyada Xaquuqda Insaanka, waxaana lagu maxkamadeyndoonaa
dambiyada ay ka mid yihiin Dhaawacyada xad gudubka lagu sameeyay iyo dadka
la gowracay sidoo kale kuwo maxaabiis ahaan loo hayo aan xaqooda helin."
hooyo Soomaaliya ah iyo caruurteeda oo hoy ka dhigaty teyndho afp 20 dec
Dabcan Qofna ma aqbalikaro cadaalad daro ,beesha caalamkana waa waajib saaran
inay qaato tilaabooyin loogu helikaro Xal Khilaafaadka Soomaaliya ee daba
dheeraaday.
koox Soomaaliya ah oo caawineysa nin dhaawac ah ap 17 dec
Qeybo kala duwan oo ka tirsan beesha Caalamka
ayaa horay lug ugu yeeshay Colaadahii Soomaaliya ee 17sano jiray,taas oo horseeday
in wadanka uu noqdo goob dagaal oo ay Colaadaheeda iska
taaganyihiin,islamarkaasna waxyeelaysay madaxbanaanida wadanka Soomaaliya,kana
dhigaty Soomaaliya Goob ay ka adeegtaan wadamo shisheeye .
In uu soo afjarmo dagaalka Soomaaliya ayaa markale
waxaa caqabad ku noqotay khilaafka weyn ee u dhaxeeyay Qabqablayaasha dagaalka
ee Muqdisho iyo kooxaha mucaaradka taas oo dhabahaantee aan laga bixinkarin
raaligalin ama aan loo heligarin marmarsiyo,maxaa yeelay taariikhda wadanka
Soomaaliya waxaa saameynweyn ku yeeshay dhibaatooyinka Gumeystaha iyo faragalinta
shisheeye.waxaana caadi ka noqotay Soomaaliya in waqtiba waqtigiisa kale uu u
dhiibo Gumeyste Cusub oo dan ka leh Soomaaliya taas oo khatar cad oo muuqata
galisay Dowladihii kala gadisnaa ee soo maray wadanka muddooyinkii ugu
dambeeyay,sidoo kale waxa ay khatargaliyeen militias iyo siyaasiyiinta
dhexdhexaadka ah ee ka shaqeynaya muhiimada Siyaasada Gobolka Geeska Afrika.
Akhri Qeybta Labaad Ee Warbixintaan...
W/D:Muxyadiin Axmed
Nairobi,Kenya
Email: Saadaam_7@hotmail.com
Muhudin01@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
Goobaha
Dadweynaha ee Magaalada Muqdisho oo ay Rabshadaha kusii kordhayaan.


|