SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

GOGOLDHIGGA GANACSIGA

(DURUUS TAXANE AH) 
 

QAYBTII 4AAD EE “MAAMULKA IYO MAAMULAHA”

MAAMULIDDA SHAQAALAHA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad... | 5aad


Suldaan Nayruus X. Aadan

Shaqaale wuxuu ka bilawdaa marka shaqaale ahaan loo qorto wuxuuna ku dhammaadaa marka laga cayriyo shaqada. Shaqo-qorista waxaa ka mid ah; in baahida jirta la cayimo iyo in la kala xusho dadka codsanaya boosaska shaqaalaha loogu baahanyahay. Intaas kuma eka hannaanka shaqaalehee xitaa wuxuu soconayaa inta uu shirkadda u shaqaynayo oo uu marayo heerar kala duwan, sida; dallacsiinta, beddelidda, xadeyta heerka mushaarka, hormarinta maamulka iyo qancinta cabashadooda. 

      Marka la qoranayo shaqaale waxaa la maraa nidaamyadaan soo-socda: 

Cayimidda baahida 

Maamuleha hawl-karkaa kolka hore wuxuu qeexaa ama cayimaa baahida loo qabo shaqaalaha inta uusan go’aan ka qaadan shaqaale-qoridda. Waa in uu caddeyaa booska bannaan, goorta la rabo in la buuxiyo iyo nooca shaqaale ee loo baahan yahay, hadday ahaan lahayd; aqoontiisa, awooddiisa, kartidiisa, xirfaddiisa, tayadiisa, shahaadooyinkiisa aqooneed iyo xil-kasnimadiisa.

Xulasho iyo Shaqo-siin 

Marka la cayimo baahida lana caddeeyo rabitaanka shaqaale, waa in uu maamuluhu u gudbiyaa baahidaas shaqaale dad-weynaha si looga helo dad buuxiya boosaskaas bannaan isagoo u sii marinaya qalabka is-gaarsiinta faah-faahinna ka bixinaya jaadka ay yihiin; dadka la rabo, meesha loo rabo iyo waqtiga la rabo si markaas codsaduhu inta uusan gudbin codsigiisa u ogaado in uu yahay qofka la rabo iyo in kale. Halkaas  ayey ka bilaabataa shaqaale-qoridda.  

      Marka ay dadku soo qadimaan codsiyadooda, maamuluhu wuxuu bilaabaa xulashada dadka codsiyada soo qortey iyadoo uu eegayo codsiyada soo buuxiyey shuruudaha shaqaalaha ay u baahanyihiin. Inta qof ee maamuluhu ka xushey dadkii soo codsadey shaqada ayuu wuxuu la yeeshee waraysiyo fool-ka-fool ah, waxaana la mariyaa caafimaad. Ugu dambeyntii inta soo harta ayuu maamuluhu kala xushaa. 

Xasuusin: Waa in uusan maamuluhu ku salayn xulashada iyo qoridda shaqaalaha qaraabo-kiil, nin jeclaysi, urur IWM,  uuna ka fogaadaa midab-takoor. 

Hanuunin iyo tababbarid 
 

Hanuuninta iyo tababbaridu waa xilliga hordhacaa. Inta badan ururada ganacsigu waxay bixiyaan: kulamo rasmi ah, waraysiyo, qudbado iyo shirar si koox-koox ah loogu qabto shaqaalaha iyo tusidda filimo kala duwan oo ka sheekeeya shirkadda.  
 

      Hordhaca waxaa loogu sheegaa shaqaalaha cusub arrimahaan soo-socda: 
 

      b. Taariikhda shirkadda iyo hawlahay soo qabatey.

    1. Sharciyada, siyaasadaha iyo qawaaniinta shirkadda.
    2. Sharciyada iyo qawaaniinta ku saabsan mushaaraadka, saacadaha la shaqeeyo, maalmaha la nasto, fasaxyada, cabashooyinka, akhlaaqiyaadka, caafimaadka, tasiilaadka gaadiidka iyo haddii uu jiro direys u gaara shirkadda.

      x. Fursadaha dallacsiinta iyo beddelidda.

      kh. Arrimaha bulshada iyo ciyaaraha.  
       

Qiimaynta in hawluhu sidii larabay u fulayaan 
 

Si ay shaqaaluhu hawsha sidii la rabey u fuliyaan, waa in uu maamuluhu sameeyaa saddexdaan arrimood: 
 

      b. Waa in uu tusaa shaqaalaha khaladkooda.

    1. Waa in uu tusaa kuna wadaa dhabbada ujeeddooyinka shirkadda.
    2. Waa in uu dareensiinyaa in ay mas’uuliyiin yihiin, kuna darajeeyaa guulaha ay ka soo hooyaan ujeeddooyinka shirkadda.

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Haddii Alle Qadaro qayb kale oo ka mid ah; Maamulidda Shaqaalaha. 
 

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com  
Mobile-ka:  +92-345-8118910.
  
 

ILAHA XOG-URURINTA 
 

A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer

Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.

Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.

Business Research Methods     By: Emory.

An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell

Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.

Business Law       By: Ronald A. Anderson.

Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.

Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.

The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.

Qaamuuska Af-Somaliga     By: Keenadiid

International Business     By: Alan & Hodgetts

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com