SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Col. Nuur Cadde oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada oo Qabyo ah...

BAYDHABO: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde ayaa maanta [Jimce Jan 4, 2008] ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo tirada uguhoreysa lagu sheegay ilaa 15 wasiir iyo 5 wasiir-xigeen, waxana la sheegay in dawladiisu ka koobnaan doonto 18 wasaaradood, oo gadaal laga soo magacaabi doono 3da wasiir ee dhiman..

Magacyada Wasiirrada:

  1. Muxyiddiin Maxamed Xaaji Ibraahim... Wasiirka Gaashaandhigga
  2. Xuseen Ceelaabe Faahiye.... Wasiirka Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska
  3. Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.... Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha
  4. Maxamed Cali Xaamud.... Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta
  5. Saalim Caliyow Ibrow... Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
  6. Maxamed Ibraahim Xaabsade... Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadyada iyo Dekedaha
  7. Cali Axmed Jaamac Jangali... Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah
  8. Cabdirisaaq Ashkir Cabdi.... Wasiirka Horumarinta Gobollada, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta
  9. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).... Wasiirka Macdanta & Tamarta
  10. Cabdi Maxamed Tarrax.... Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
  11. Muuse Nuur Amiin... Wasiirka Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha
  12. Axmed CabdiSalaan Aaden... Ra'iisul Wasaare Xigeen, Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha Dhallinyarada iyo Isboortiga
  13. Mustafa Sheekh Cali "Dhuxuloow"... Wasiirka Beeraha, Biyaha, iyo Horumarinta Dhulka [waa Dhulka, ee ma aha degaanka ama environment-tiga]
  14. Nuur Iidoow Beyle... Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyanta iyo Dib u dhiska
  15. Khadiijo Maxamed Diiriye... Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska...

Col. Nuur Cadde waxa uu sheegay in boqolkiiba 50% uu xubnaha golaha wasiirada ka keenay baarlaamaanka bannaankiisa. Waxana uu aad u dhiman golihii hore ee ka koobnaa 73-da xubnood, uuna kusoo koobay 23 xubnood (18-wasiir & 5 w/xigeen]...

Col. Nuur Cadde oo Akhrinaya magacyada Wasiirada uu magacaabay:

Wasiir Ku Xigeennada:

  1. Carab Cali Diiriye...W/x/Wasaaradda Horumarinta Gobolada, Arrimaha Ferderalka
  2. Cabdikariim Axmed Cali... W/x/Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaasdhiga caalamiga ah
  3. Cali Muumin Ismaaciil.. W/x/Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta
  4. Fahma Axmed Nuur... W/x/Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha
  5. Cabdikaafi Macallin Xasan... W/x/Wasaaradda Hawlaha-Guud, Guriyeynta iyo dib u dhiska

Col. Nuur Cadde waxa uu golihiisa wasiirada ee 3-da ku dhiman tahay magacaabay Galabnimadii dambe ee Jimcada [Jan 4, 2008] kaddib markii uu Subaxnimadii magaalada baydhabo si degdeg ah uga ambabaxay col. C/laahi Yuusuf, una dhoofay Addis Ababa. Goobtii uu Col. Nuur Cadde ku magacaabay golihiisa wasiirada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Aadan madoobe. Warka safarka madaxweynaha DFKMG hoos ka akhri...


  • C/laahi Yuusuf oo Diyaarad Khaas ah u Qaaday Addis Ababa Si Degdeg ah....

  • Dagaal Xoogan Oo Xalay Mar Kale Ka Qarxay Isgoyska Aadan Cadde Ee Degmada Howl-wadaag.

  • Kulana looga tashanayey amniga Puntland ayaa lagu qabtay hotel Parorama ee magaalada Boosaaso.


C/laahi Yuusuf oo Diyaarad Khaas ah u Qaaday Addis Ababa Si Degdeg ah....

  • "C/Laahi Yuusuf oo Dhakhtar loo qaaday...." ilo wargal ah...

Col. Nuur Cadde ayaa laga soo xigtey sababta uu C/laahi yuusuf degdega ugu baxay in ay la xiriirto xagga Caafimaadkiisa.

Madaxweynaha DFKMG ayaa  [Jimce Jan 4, 2008] waxaa diyaarad khaas ah ama kuwa militariga Itoobiya ay si degdeg ah ka qaaday magaaada Baydhabo, taas oo geysyey Addis Ababa, iyadoo arrintaas ay warar is khilaafsan ka soo baxayaan.

Wararka qaarkii ugu horeeyey ayaa tibaaxay in uu Addis Ababa uu u tegey in uu kulan la yeesho ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay u dhammaatay fasaxyadiisii December iyo sannadka cusub. Waxaana la sheegay in ay Zenawi iyo Yusuf kulmeen Jimcadii (Jan 4, 2008).

Warar laga soo xigtey madaxtooyada C/laahi Yuusuf ayaa tibaaxay in sababta uu Addis Abaab u tegey ay tahay in uu Meles Zenawi kala hadlo sidii "wax looga qaban lahaa rabshadaha ka socda Dalka Kenya!" Waxa kale oo wararkaasi intaas ku dareen in qorshaha safarkaasi uu ka mid yahay "wadahadal sidii ay u wanaaajin lahaayeen xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya" hadalkaas oo la garan waayey waxa looga jeedey, maadaama ciidamada Itoobiya kujiraan dalka Soomaaliya.

Waxaase jira warar kale oo taas ka duwan kuwaas safarka degdeg ah ee aan hore loosii qorshayn ku sheegay in ay la xiriirto xaalad caafimaadka ee C/laahi Yuusuf iyo in xagga ammaanka oo xun Kenya awgeed uusan tegi karin Nairobi, sidaas daraadeedna la geeyey Addis Ababa.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Meles Zenawi uu si degdeg ah ugu yeeray C/laahi Yuusuf si uu ula kulan siiyo madaxweynaha maamulka labaxay Somaliland oo hadda ku sugan Itoobiya. Iyadoo beryahan ay hadalo kulul is weydaarsanayeen Yuusuf iyo Riyaale.

Afhayeenka gaarka ah ee madaxweynaha DFKMG, Xuubsireed, oo waraysi siiyey Idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in wararka sheegaya caafimaad in loo qaaday C/laahi Yuusuf iyo in la kulan siinayo Riyaale iyo Yuusuf aan waxba ka jirin, mana uu sheegin xubno kale oo ku weheliyey safarkaas. Waxaase isa soo taraya wararka sheegay in sababta loo qaaday C/laahi Yuusuf in ay la xiriirto caafimaadkiisa.

Dhanka kale Col. Nuur Cadde ayaa laga soo xigtey sababta uu C/laahi yuusuf degdega ugu baxay in ay la xiriirto xagga Caafimaadkiisa.

Waxaa magaalada Baydhabo Maalmahan laga sugayey in lagaga dhawaaqo xukuumadii uu soo dhisi lahaa col. Nuur Cadde, maadaama waqtigii uu qabsaday in uu kusoo dhiso doono ee labada toddodaad ahaa uu soo gabagaboodey. Waxaana jira warar sheegaya in uu jiro khilaaf tirada wasiirada lasoo magacaabayo taas oo col. Nuur Cadde ku adkaysanayey in ay tirada aan laga badin 18 wasiir ama ka yar. Waana tan uu Hadda  Baydhabo uu Col. Nuur Cadde kaga dhawaaqay golihiisa wasaarada. Lama oga sababta magacaabista ku soo beegtay kaddib markii uu safray col. C/laahi Yuusuf.

SomaliTalk | Nairobi, Kenya | Jan 4, 2008



C/kariin Cabdule Maxamuud Xasan waa wiil 13-jir ah oo ay dhibaato ka soo gaatay qarax Bam oo ka dhacay isgoyska wadada Jubba ee magaalada Muqdisho


Wiilka iyo hooyo Fahmo


Abbe Cabdulle

Hooyada dhashay wiilkaan dhibaataysan oo lagu magacaabo Fahmo Aadan Sugow ayaa sheegtay inay habeen iyo maalinba u soo jeedo sidii wiilkeed ula tacaali lahayd.

Wiilkaan yar ayaa isagu dhaawaciisa waxaa ugu badan firiro ugu jira dhinaca dhabarka, taasoo keentay inuu wiilkaan aanu ka kici Karin Jiifka,islamarkaana kaadida iyo saxarada jiifka looga qaado.

“Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo ganacsatada Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan si daawo dalka dibadiisa loogu helo wilkeed” ayay tiri Hooyo Fahmo Aadan Sugow oo sheegtay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay cadeeyeen in aan dalka gudahiisa waxba looga qaban Karin.

Hooyada dhashay wiilkaas ayaa sidoo kale cadeysay in uusan wax shaqo ah hayn wiilkaan Aabihii dhalay, waxeyna Beesha caalamka iyo Hey’adaha samafalka ka codsatay in gargaar lala soo gaaro si ay baxnaano dalka dibadiisa ah ugu hesho wiilkeeda.

Hadaba cid kasta oo gar gaar u fidinaysa wiikaan waxy kala soo xiriiri kartaa Teln: NO: 2521-5513618 oo laga helo Aabahiis Cabdule Maxamuud Xuseen.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com 
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Dagaal Xoogan Oo Xalay Mar Kale Ka Qarxay Isgoyska Aadan Cadde Ee Degmada Howl-wadaag.

Dagaal saamayn xoogan ku yeeshay guud ahaan caasimada muqdisho ayaa xalay saqbadhkii ka dhacay isgoyska howl-wadaag ee aadan cadde halkaasoo ay iskaga hor yimadeen ciidamada dowlada KMG ah iyo kooxaha diidan siyaasada dowlada iyo joogitaanka ciidamada shisheeye .

Dagaalkan oo laysu adeegsaday hubka waaweyn iyo kan yar yarba ayaa diryanka dhawaqa rasaastu waxaa laga maqlayey qaar ka tirsan magaalada muqdisho taasoo meelaha loo barkacay ee ka tirsan deegaanada magaalada muqdisho dadkii deganaa ku riday aragagax iyo cabsi islamarkaana ay hurdada kawada toseen .

Fariisinka Ciidamada dawladda FKMG ee ku sugnaa isgoyska wadada Aadan Cadde ayaa lagu gaaday weerar hubaysan tasoo la hareereyey islamrakana laga gooyey ciidamadii kale ee kuwa dowlada FKMG ahaa ee usoo gurman lahaa oo iyana weerar kale lagaga qaaday halka dhabarkooda kaga aadanayd ee agagaarka shirkadaha ee suuqa bakaaraha dhinaca wadada labaad .

Dagaalkan labo geesoodka ahaa ayaa soconayey ku dhowaad saacad ,tasoo aan la ogayn ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalkan xiliga oo habeen ahaa aawadiis .

Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa saaka ku waberiisatay mid degan kadib markii uu dagaalkii isla xalayba istagay iyadoo isgoyskaasi saaka lagu arkayey ciidamo aad u fara badan oo gurmad ahaan lo keenay .

yaasiin faytin
muqdiisho


Kulana looga tashanayey amniga Puntland ayaa lagu qabtay hotel Parorama ee magaalada Boosaaso.

Kulan oo aad u balaaraa ayaa waxaa ka soo qayb galay ma’uusliyiin kala duwan oo ka socotay laamaha amniga iyo maamulka kale ee dawladda.

Kulankan oo si weyn la is kula soo qaaday xaaladda nabad-galayada gobollada Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabiyey maamulka cusub ee magaalda Boosaaso ee uu hogaamiyo Duqa magaaladu C/risaaq Xareed Ismaaciil.

Xubnihii kulankaasi ka soo qayb galay oo isugu jiray saraakiil ammaan, maamulka magaalada, ganacsatada gobolka, culimo al diin iyo Issimo ayaa isla soo qaaday waxyaabaha salka u ah falalka ammaan xumada ah ee ku soo kordhay meelo ka mid ah Gobollada Puntland, waxayna isla qaateen in loo wada istaago xoojinta nabad-galyada iyo ka hor tagid wax kasta oo wax u dhimi kara amniga Puntland.

Duqa maagaalda Boosaaso Md. Xareed ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga wada shaqeeyo nabadda meelna looga soo wada jeedsado dadka caadaystay in ay ku cayaaraan sumacadda Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Haddii aan nahay maamulka degmada,waxaan labo jibaaraynayaa hawlahayagii shaqo ee ku aadanaa ka shaqaynta ammaanka degmada, waxaana ku rajo weynahay annagoo kaashanayna dadka nabadda jecel in aan ka hortigi doono waxyaabaha hadda dhacay si aysan mar kale u soo noqon" ayuu yiri Md. C/risaaq Xareed Ismaaciil.

Sidoo kale, gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Cali Maxamuud Xasan 'Ceelaayo' oo ka soo qayb galay kulankaasi ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadda isagoo in badan ku celceliyey in aan ganacsi iyo baayac-mushtar toona aysan jirayn haddii la waayo ammaanka, sidaas daraadeedna looga fadhiyo ganacsatadu in ay isku taagaan ka shaqaynta nabadda, naftooda iyo maalkoodana ay u horaan wax kasta oo wax looga qabanayo xasiloonida.

Si kataba ha ahaatee, mas'uuliyiintii kulankaasi ka hadashay ayaa dhamaantood ka tibaaxay ilaalinta ammaanku in ay tahay mid muqadas ah, isla markaana cid kasta xil ka saran yahay ka qayb qaadashadeeda.

Shirka ayaa ku soo beegmay iyadoo saacado yar ka hor la siidaayey labo gabdhood oo u kala dhashay dalalka Spain iyo Argentine oo muddo 8 maalmood ah afduub loogu haystay duleedka magaalada Boosaaso.

Dadweyanaha ku nool magaalada Bosaso ayaa si weyn u soo dhaweeyey siidaynta labadii gabdhood ee hay'adda MSF-Spain.

Jan 3, 2007: Dadweyanaha ku nool magaalada Bosaso ayaa si weyn u soo dhaweeyey siidaynta labadii gabdhood ee hay'adda MSF-Spain.

Dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso ayaa si weyn ugu riyaaqay siidayntii labo samofalayaal ah oo u shaqaynayey hay'adda MSF-Spain oo dhawaan laga qafaashay gudaha magaalda Boosaaso xilli ay ku sii socdeen xarun hay'adu ay ku leedahay xaafadda Biyo kulule.

Ururada kala duwan ee bulshada rayidka ah ee ka hawlgala Boosaaso ayaa maanta qabtay kulamo ay ku muujinayaa sida ay ugu faraxsan yihiin siidaynta labadaasi gabdhood oo muddo ka badan hal todobaad u qafaalnaa kooxo afduubayaal ah oo kula dhuumaalaysanayey dhul buuralay ah oo aan ka fogayn magaalada Boosaaso.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay in la siidaayey labadaasi gabdhood waxaa sii siyaadaysay hadal haynta ku saabsan siyaabaha wax lagu furdaanshay, taasi oo dadka qaarkiis ay timaamayaan in habka wax ku dhamaadeen uu ahaa mid wanaagsan maadaama maamulka Puntland ay carabka ku dhufteen in aysan jirin wax madax furasho ah oo lagu bixibyey siidaynta hablahaasi.

Labadan gabdhood ee shalay la siidaayey ayaa ahaa dhakhaatiir caafimaad, waxayna xilligii la qafaashayna ku howlanaa arrimo la xiriira u gargaaris dad tabaalaysan, taasi oo wax weyn ka badashay shacuurta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland, waxaana markii la keenay magaalada Boosaaso lagu wareejiyey mas'uuliyiin ka socotay safaaradaha dalalka Spain iyo Argentine ee dalka Kenya, waxaana ay isla maanta ka dhoofeen garoonka diyaaraha ee Boosaaso.

Arrinta afduubka ayaa ah mid ku cusub deegaanada DG Puntland, waxaana shacabka reer Puntland ay wadanaha farta ku hayaan in falalkan afduubka ahi ay noqdaan kuwo sii socda.


bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com