SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHEEKH SHARIIF SH. AXMED OO UGU BAAQAY SHACABKA SOOMAALIYEED IN LA ISUTAAGO BADBAADINTA INTA KA HARSAN HANTIDII QARANKA SOOMAALIYEED 

      Shir ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen xubnahah labada gole ee Isbahaysiga uuna shir guddoominayey kusimaha guddoomiyaha G.Dhexe Mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa xalay fiidkii lagu qabtay lagu qabtay xarunta Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ee magaalada Asmara.

      Shirkaasi oo lagu dhegeysanayey warbixin xubno ka tirsan golaha fulinta hadal gaaban oo uu ka jeediyey guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ahna guddoomiyaha G.Fulinta Mudane Sh.Shariif Sh. Axmed waxa uu ugu baaqay  bulshada Soomaaliyeed inay isu taagaan badbaadinta inta ka harsan hantidii qaranka Soomaaliyeed lahaa oo ay soo ifbaxayso in kuwa damiir laaweyaale ah u tafaxeyteen sidii ay u lunsan lahaayeen.

      Guddoomiyaha waxa uu si gaar ah uga coddsaday xubnahah Isbahaysiga inay xil weyn iska saaraan badbaadinta inta harsan hantida qaran eek u kala firirsan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba oo ay ka mid yihiin guryihii safaaraha soomaaliya ku lahayd dibadda, waxa uuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey masuuliyiintii isu xilsaartay inay ka badbaadiyaan qaar ka mid ah guriyihii safaaradaha Soomaaliyeed ku lahaayeen dalalka yurub kuwa damiirka iyo dadnimadaba ka dharka la’ ee doonayey inay ku takri falaan.

      Shirku waxa kale oo uu dhegeystay warbixin dheer oo ay soo jeediyeen Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ah Xoghayaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka iyo Prof.C/raxmaan Ibbi oo ku saabsanyd shir ay kaga qeybgaleen Minneapolis ee dalka Mareykanka. 

Masuuliyiinta  waxa ay shirka ka soo jeediyeen xadgudubyada aadanaha ka dhanka ah ee lagula kacay shacabka Soomaaliyeed ee ay geysteen ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyadooda, waxana ay la kulmeen shakhsiyaad muhiim ah iyo hay’ado ka shaqeeya dabagalna ku sameeya tacadiyada loo geyta aadanaha.

Gabagabadii guddoomiyaha Isbahaysiga waxa uu ku ammaanay masuuliyiintaas waxqabadkooda waxana uu ku booriyey inay dadaalkooda sii kordhiyaan. 
 

      Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta 
 
 

      Asmara, 28/02/2008 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 29, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com