Tartan k/cagta oo kooxo soomali ah oga furmey, K/Africa
elizabeth: jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern Cape oo maanta iskugu
timid xaflad balaaran oo aad loo soo agaasimay taasoo lagu furayaya liigii ama
horyaalkii kubada cagta ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern Cape
sannadkan 2008,maanta oo axad ah taariikhduna tahay 24-02-08, port ayeey
jaaliyadu u furtay liigan afar kooxood oo kala ah
1- iftin
2- waabari
3-horseed
4-al-shabaab
kooxahani dhamaantood ka soo wada baxa GOBOLKA. liiga sannadkan ayaa socon doona
4 bilood sida eey qorsheeyeen howlwadeenadda Hogaanka Arimaha bulshadda ,
jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern cape oo dhigtay koobkii sadexaad ee
kooxahani lagu tartansiiyo.
Munaasabadii manta (shalay) ayaa waxaa ka hadlay dhamaan maamulka kooxaha iyo
kuxigeenka madaxa isboortiga mudane: muxiyadiin nuur jilley iyo madaxa hogaanka
arimaha bulshadda mudane: c/raxmaan nuur jilley
waxaa kale oo ka soo qeyb galay xafladdaas isku xiraha jaaliyadda soomaaliyeed
ee gobolka iyo xafiiska premier –ah(Gobornatooraha gobolka). mudane: Gongqa oo
aad iyo aad u amaanay dowrka jaaliyadda soomaaliyeed eey ka ciyaareyso arimaha
bulshadda. Gunaanadkii xafladda ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye kuxigeenka
jaaliyadda mudane : c/raxmaan Raabi oo ka taabtey arimo badan oo ka mid ah
1-arimaha bulshadda
2- xiriirka jaaliyadda iyo dowladda k/afrika
3-wada noolanshaha shacabka soomaaliyeed iyo shacabka k/afrika ee walaalaha ah.
 
 
khudbadii gudoomiye kuxigeenka oo taabaneysay meelo badan ayuu ku soo gabo
gabeeyay liiga uu furmey iyo kubadda oo uu laaday.
jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern Cape ayaa lagu tiriyaa jaaliyadda
oogu shaqadda badan ee wadankan .

Kooxanahi oo ciyaartooyda eey wada dhalinyaro yihiin, intooda badana ku nool
magaalooyinka, kadib markii eey u barbardhigi waayeen tuulooyinka, oo inta
baddan dhalinyarada lagu dilo,halkaasina ku mustaqbeelaan, ayaa talaabadani eey
jaaliyadu ku agaasintay wareeg ciyaareed iyo in fursado ciyaareed eey dhalinta u
abuurtey, ayaa lagu tilmami karaa talaabo hormar leh, ku dayashana muddan. In
dhalinyaro baddan eey magaalooyinka soo gasho waxay qeyb ka qadanaysaa in
dhalintu eey helaan fursado waxbarasho, oo jaamacadaha eey u waxbarasho tagaan,
laakiin waxay u bahantahay arrintani in madaxda jaaliytadaha, waalidiinta
dhalinta shaqada usoo direy, iyo dadweynaha caadiga ahba eey arrintani ku
baraarugsanyihiin. Dhanka waxbarasahada ayay soomalidu aad ugu liidataa, oo eey
aad u yaryihiin dhalinta waxbarasho u xaadinta. Waxa lagu tirinayaa in dhalinta
jaamacadaha u dareerta eey tiro ahaan ka badneyn 100 arday amaba ka yar.
Jaamacadaha eey soomaalidu tagto waxaa ka mid ah university of cape
town,university of western cape, university of p.e, university of Durban, wits
university, unisa iyo kuwo kale.
C/nasir saxansoxo. Johannesburg.
Email:southafrica@somalitalk.com,saxansoxo1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2008
|