SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Eebe weyne Naxariistiisa Najo ha geeyo Garad Ismaaciil Ducaale Guuleed oo Caawo [Feb 25, 2008] ku geeriyooday Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobalka Sool

Garaad Ismaaciil Ducaale oo ah halyey isweyn looga yaqaano Deegaanadda Waqooyiga Soomaaliya ahaa Garaadka Madax dhaqameedadda Deegaankan ugu Da'a weynaa.

Magaaladda Laascaanood ee Xarunta gobalka Sool ayaa si weyn caawo looga dareemayaa Geerida ku timi Garad Ismaac Ducaale Guuleed oo Hilaadii Lixdameeyadii lagu Caano shubay

Garad Ismaaciil Allah ha geeyo Jana Fardase waxaa lagu wadaa in Maalinka Talaadada lagu duugo Xamaalaha Magaaladda Laascaanood iyada oo Aaska Garaadka ay ka soo qayb gali doonaan Mas'uuliyiin sar sare oo u dhalatay Deegaanka

Cabdiqani Makhtal
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com