SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar GoosGoos ah:

Xagee Ku Dambeeyeen Dadaaladii Uu G/Sare Nuur Cadde Ugu Jiray Nabadaynta DFKMG iyo Kooxaha ka soo horejeeda...

Raysal wasaaraha dowlada FKMG ah G/Sare Nuur xasan xuseen (nuur cadde ) oo dadaalo dheeraad ah u galay sidii uu nabad ugu soo dabaali lahaa islamarkaana u wada hadal siin lahaa dowlada KMG ah iyo weliba xoogaga kasoo horjeeda ayaan weli ku guulaysan kadib markii ay ka hor yimaadeen caqabado kaga imaanaya dhinaca ciidamada Ethiopia iyo weliba xoogaga kasoo horjeeda oo shuruud uga dhigay in ciidamada shisheeye dalka iskaga baxaan.

Kulamo badan oo uu sameeyey raysal wasaaruha DFKMG ayaa ku dhamaaday kuwo aan miro dhal ahayn waloow uu ku guulaystay sidii loosii deyn lahaa waxgaradka iyo duqowda xabsiga ku jiray islamrkaana ay taasi soo dhoweeyeen ururada bulshada Rayidka iyo weliba waxgaradka ku dhaqan gobolka banaadir.

Sidoo kale raysal wasaaraha DFKG G/sare Nuur cadde ayaa la sheegay inuu xiriir dhinaca telefoonka ah oo uu kula yeeshay hogaamiyeyaasha xoogaga kasoo horjeeda ay isku Khilaafeen Madaxweynaha dowlada FKMG ah c/laahi Yuusuf islamarkaana ay keentay xoojinta caqabadii hore u jirtay oo sii xoogaysatay .

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya khilaafka xoogan ee kaga imaanaya dhinaca Odayaal beeleedka beesha hawiye oo dhowaan uu gudoomiyaha gobolka banaadir ku dhaleeceeyey inay ka dambeeyaan xaalada murugsdan ee ka jirta magaalada muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee dadaalkii raysal wasaaraha DFKMG G/sare Nuur cadde uu ugu jiray sidii loo wada hadalsiin lahaa DFKMG iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa kusoo Beegmaya xili ay sii laba laxaadsanayaan dagaalada iyo qaraxyada ka jira caasimada Muqdisho oo u dhexeeya Ciidamada ethiopia iyo DFKMG oo isku dhinac ah iyo Xoogaga kasoo horjeeda.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
faytin@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com